Khilaafka Doorashooyinka. W/Q. Mustafe Axmed Max'd Geeddi-Xaas

0
Sunday 17th November 2019 13:29:06 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Doorashooyinka. W/Q. Mustafe Axmed Max'd Geeddi-Xaas

    Xaggee loo socdaa.?. Khilaafka aan dhamaadka lahayn ee gudida Doorashooyinka somaliland goorma ayuu dhamaan doonaa.?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaggee loo socdaa.?. Khilaafka aan dhamaadka lahayn ee gudida Doorashooyinka somaliland goorma ayuu dhamaan doonaa.?.





Waxa muuqata in caqabada ugu wayn ee somaliland hortaagani ay tahay, khilaafka u dhaxeeya xisbiyadda mucaaridka iyo Xukuumadda tallada haysa,

Somaliland ilaa iyo Doorashadii ugu horaysay ee 2003-dii ilaa maanta oo aynu joogno 2019, somaliland khilaafka ugu wayni waxa uu ahaa kan gudida Doorashooyinka oo joogto noqday, maraar baddana ay soo faro-galisay beesha caalamku, balse in baddan lagu guulaystay xalintiisa, wakhtiyo baddana xisbiyadda dhexdood ayaa is afgarrad ku dhameeyay khilaafkii dhexdooda yaalay. Haddaaba maanta Su'aasha is waydiinta mudani waa.


• Gudida Cusub ee Doorashooyinka Somaliland , ma haystaan kalsooni ay ku qabban karaan doorasho xor iyo xalaal ah.?.
Su'aasha jawaabteeda inta aynaan ku degdegin, bal aynu miisaano xaqiiqada iyo waaqiciga aan la iska indho-tiri karin iyo khilaafka halka uu salka ku hayo,

Horta doorashada cidda loo qabanayaa sow ma aha "WADDANI UCID IYO KULMIYE", cidda tartanku u dhaxeeyo ee rabta in loo garsooro waa seddexdan xisbi qaran , ma ah gollayaasha qaranka ee ansixiyaya gudida cusub,

Haddaba labbada xisbi ee UCID iyo WADDANI waxay gaadheen go'aan addag oo ay kaga so horjeedaan gudida cusub lixda-xubnood ka kooban. oo ay ka maqantahay xubintii xisbiga waddani u matali lahayd komishanka Doorashooyinka, balse ay ku jirto xubintii xisbiga ucid, arrintaas waxa sii adkeeyay hadalkii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo la filaayay mar hadii xubintii u soo magacabay ay joogto ahayd lana ansixiyay, waxaa la filaayay inuu kalsooni buuxda siin doono komishanka cusub, taas badalkeeda go'aan adag ayuu istaagay wuxuuna waafaqay arragtidii xisbiga Waddani ee ahayd "in aannay wax kalsooni ah u haynin gudida cusub" isla markaana aanay u qabanayn wax doorasho ah iyagga. haddaba marka ciddi doorashada loo qabanaayey ay tahay Seddexdaa xisbi qaran oo labo kamid ahi ay kalsoonidii kala noqdeen komishanka cusub,hadaba hadii labbada xisbi mucaarid ay go'aankoodda kusii adkaystaan oo aan waxba iskaga baddalin shirka loo balansanyahay ee ay seddexda xisbi isku arkayaan, Su'aasheenii hore waxaynu u helaynaa jawaab ah "Maya Doorasho ma qaban karaan gudida cusb ee komishanka Doorashooyinka Somaliland mar hadii aannay kalsooni buuxda ka haysan xisbiyadda mucaaridka ma qaban karaan wax doorasho ah dhinacayda mucaaridka iyo maxaafidku kuwada qanacsanyihiimn".

Marka aynu fiirino dhinacayda is haya, oo arrinkoodu noqday midi midi ku taag.

Waxa muuqata in siyaasadda waddanku ay marayso meel aad u liidata oo u baahan in waddanka loo tudho, qaranimada Somaliland iyo nidaamkii doorasho ee somaliland kusoo caano maashayna aan lagu burburin , waxaa loo baahanyahay in la isu tanaasulo, oo lala yimaado fikrad laga xaliyo xurugfta ka tagaan xubnaha doorashooyink danta qarankana laga hormariyo dannaha shaqsiga.

• Dhaliisha khilaafka doorashada yaa iska leh.?.

Su 'aashaas jawaabteedu, waa cidda kasta oo masuul ka ah waddanka, musuuliyadda ugu sarraysana uu leeyahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Musuuliyada iyo waajibaadka qaran ee loo doortay madaxwaynaha ayay kamid tahay inuu dalka ka qabto Doorashooyin, madaxwaynaha waxa looga baahanyahay inuu isku dayo inuu xaliyo khilaaf kasta oo lagu saxayo murranka gudida Doorashooyinka isla markaana uu xal u helo sidii is afgarrad looga gaadhi lahaa xaalada khilaaf ee waddanku marraayo,

Halka khilaafka ugu wayni ka taaganyahay waa labbada-xubnood oo uu madaxwaynahu soo magacaabay, waxaan sii gaar ah xisbiyadda mucaaridku u diidanyihiin Cabdirashiid riyo-raac oo lagu dhaliilayo inuu ka qaybqaatay kaambaynkii xisbiga kulmiye ee doorashada, waana xubinta ay sida aadka ah ugu adkaysanayaan mucaaradku in laga saaro komishanka Doorashooyinka.

Cabdirashiid Riyoraac, horta waa nin muwaadin ah xaqna wuu leeyahay inuu qarankiisa xil u qabto iyo inu komishanka Doorashooyinka kamid noqdo, arrinta sharci ahaanshaha waxa in badan ka hadlay sharciyaaqno, waxa kale oo uu kasoo gudbay gollaha sharci dajinta, markaa doodda mucaaridka laftigeeda ma wadda waafiqi karno, balse maslaxad ummada iyadoo la eeggaayo iyo rabtinaaka shacabka ee ah i la helo gudi lagu wadda kalsoonyahay , waxa is waydiin leh Su'aalaha dib ka dhalanaaya.


• Horta Cabdirashiid riyoraaca inuu xubin noqdo iyo qaranka somaliland inuu nidaamkii doorasho burburo iyamaa fudud.?.
In doorashdii somaliland iyo nidaamkii kala danbaynta ee qaraankeenu uu shaqsi u gawracmo run ahaantii aragtidayda waa nasiib daaro wayn, waana niyadjab shacab oo bulshadu aad uga xuntahay, waxa muxaafidka iyo mucaaridkaba looga baahanyahay isu tanaasul.

Xisbiyadda mucaaridku ma dhaliil yar oo wax yar oo ay qaran ahaan u tanaasuli karaan ayay waddanka iyo sharcigaba ku handaddayaan, waxa muuqta in macaaridku u gabbay kaalintiisi lexjeclada waddanka, waxa muuqda in ay muujiyeen kalgacayl yarida ay somaliland u qabaan oo hadii ay tooda noqon waydo in ay dagaal ka xigaan ,gaar ahaan xisbiga waddani oo gudoomiyahooddu aad hadalkiisa ka dhadhansanaysay inuu fariin hanjabaad ah u dirraayey Xukuumadda.


Shacabka somaaliland waxaan usoo jeedinayaa inay ilashadaan qaranimadooda, isla markaan ay mujiyaan bisayl iyo faham ku dhisan waaqiciga siyaasiga ah, mar walbana dhawraan nidaamka iyo nabadgalayada waddanka oo ay muujiyaan waddaniyad iyo dal jacayl.

Madaxwayne Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa looga baahanyahay inuu xal u helo is diidooyinka Siyaasadeed ee wadankh faraha la galay, isla markaana uu arrinta maslaxad iyo sabaalo ku dhameeyo.


Waxa qoray. Mustafe Axmed M Geeddi-Xaas

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS