|
|
Dooda Xulista Xubnaha Cusub ee Komishanku ma Il-duuf sharci baa, Ma dhaar-dusmaa? mise waa Gar-qaadasho la'aan?
Dhacdooyinka siyaasada ee buuqa iyo sawaxanka ka dhaliyey jawiga todobaadyadan Soomaliland,
siiba xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland waxay noqotay mid mugdi iyo jah-wareer ku riday shacbiga, islamarkaana mindi mindi ka dhigtay madaxdii dalkan masiirkeeda loo aanaynayey. Labada dhinac ( Madaxweyne Biixi iyo Gudoomiyaha Wadani) waxay is dhaafsadeen hadalo xanaf leh oo dhinacyadu isu adeegsadeen warbaahinta iyo sharciyada dalka( Xeerarka doorashada iyo dastuurka), iyada oo midba ka kale ku duraya sharci jebin. Bal aan is dul-taagno dooda labada dhinac; Gudoomiyaha Wadani " Xeerka kaliya ee aan leenahay waa Xeer Lr. 20 waxa uu soo baxay 2001, waxaana saxiixay Madaxweyne Cigaal, Cabdiraxmaan Ciro ma saxiixin. Taasina waxay ku tusinaysaa in aan xeerarka dalka iyo dastuurka Madaxweynuhu xogogaal u ahayan, waxayna ahayd inuu xogogaal u noqdo maadaama uu dalka ku xukumayo, waana sababta ugu weyn ee aan filayo in uu madaxweynuhu xeerarka ugu tumanayo ee indhaha uga ridayo. Heshiiskii July 2019 ee asxaabta nuxurkiisu waxa uu ahaa in la soo magacaabo komishan cusub oo bedalo komishankii hore, balse waxa layaab leh inuu soo magacaabay xubin ka mida komishankii hore ee la duray." Madaxweynaha " maalmahan waxaad maqlayseen Buuq badan oo ka soo yeedhaya xisbiyada Mucaaridka , gaara ahaan wadani ee leh sharcigii ayaa la jebiyey, heshiiskii xisbiyada ayaa laga baxay, Baarlamaanka yeeli mayno go'aankiisa. Laba qodob ayeyna ka hadlayeen; waxay leeyihiin madaxweynuhu heshiiskii xisbiyada ayuu jebiyey oo xubno ka mida komishankii hore oo heshiisku diidayo ayuu soo celiyey. Anigu ma saxiixan heshiis qodobkaasi ku jiray, haday hayaan umada haw soo bandhigaàn. Waxa uu dhigayey heshiiskaasi in la soo doorto 7 xubnood oo komishana. Sababta loogu dari waayey qodobkaasina waa sharci aanaan dhaafi karin hadaanu xisbiyada nahay ayaa yaal. Xeerka Komishanka qodobkiisa 12aad, faqrada 4aad waxay leedahay mudada komishanku waa 5 sano, waana loo cusboonaysiin karaa. Waxaana saxiixay Gudoomiyaha Wadani oo xiligaa ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka. Qodobka 2aad, waxay leeyihiin xubnaha madaxweynaha waxa ku jira kuwa aanan ogolayn. Taasi waxay leedahay sharci lagu qiyaaso, waxaana iiga danbeeya baarlamaanka. 7 xubnoodna, 2 xisbiyada keenay, 2 guurtida, 3 anaa ku daray sida sharcigu dhigayo. Qolana kuwooda kuma farogelin, maxaa lagu haystaa kuwayga?" Hadaba isweydiintu waxay yahay labada dhinac keebaa ilduufay? Miyaase lays dhaar-dusmeeyey Mise nuqulo kala duwan oo ku saabsan labadan qoraal ee kor ku xusan ayay kala haystaan labada dhinac? Mise waana kala gar-qaadnayn? Jawaabaha su'aalahan waxay u baahan yihiin inay shacbigu kala saari karaan, iyaga oo adeegsaanaya nuqulada xeer Lr. 20/2001 iyo heshiiska xisbiyada ee doorashooyinka. Hadii aynu tooshka ku qabano, marka laga hadlayo hanaanka xulista xubnaha cusub ee doorashooyinka heshiiska xisbiyada waxa uu dhigayaa " Qodobka 6aad: Hanaanka soo xulista xubnaha Gudida Doorashooyinka Qaranka waxa loo raacayaa kala horaynta ku xusan xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada (Xeer Lr. 20/2002) ee wax ka bedalka lagu sameeyey 15/9/2012, Qodobka 11aad, Faqrada 2aad". Bal aynu eegno Xeer Lr. 20 qodobada 11aad iyo 12aad iyo weliba 13aad, maxay ka hadlayaan: Qodobka 11aad Qaab-dhismeedka KomishankaDoorashooyinka Qodobka 12aad Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qodobka 13aad Shuruudaha Xubinta Komishanka 1. Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay. Hadaba qodobadan waxay intooda badan muujinayaan in sharci ahaan aanu jirin faraq u dhexeeya labada dhinac, haday tahay xubnihii hore iyo xubnaha cusuba, balse uu jiro il-duuf ka dhacay heshiiskii xisbiyada oo ku saabsanaa in la cadeeyo in xubnaha Komishanka cusub aanay ku jiri doonin xubnihii hore, taasi oo doodeedu xiligaasi xal yeelan lahayd sharci iyo sharci daroba. Taasina waxay ahayd dhaar-dusmayn si jabhadaysan oo feejignaan iyo foojigo leh looga dhexsaaray xisbiyada mucaaridka ah. Waxa kale oo xusid mudan in xeerka Lr. 20, wax ka bedal lagu sameeyey 15/9/2012, xiligaasi oo uu gudoomiyaha baarlamaanka ahaa Gudoomiyaha Wadani, taasi dooda ka dhigaysa mid la hilmaami karo qodobada wax ka bedalka lagu sameeyey. Arintu si kastaba ha noqotee dulucdu waxay tahay in xubnaha komishanada ah ee muranku ka taagan yahay aanay jirin talaabo sharci oo laysku hortaagi karo, maadaama ay yihiin muwaadiniin xaq distooriya u leh inay dalka shaqo ka qabtaan. Sidoo kalena waxa la gudboon xisbiyada mucaaridka ah inay hormood ka noqdaan siday isbedal siyaasi ah u samayn lahaayeen oo doorashooyinka u dhiirigalin lahaayeen inay dhacaan, balse aanay fursad u siin xukuumada inay cimri-dherer ka noqoto qaylada xisbiyada mucaaridka ah. Hadii kale arintu waxay noqon doontaa in mudo kordhinta Guurtida hortaalaa ay noqoto sharciyada meerto ah. Qalinkii: Yuusuf Ibrahim Warsame- Yuusuf Ilkacase FIIRO GAAR AH:Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!
Loading...
|
Copyright © 2010 - 2019 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |