Somaliland reerkaygu ma taallo, waa Qaran sharci u mara hawlahiisa!!!

0
Wednesday 20th November 2019 12:54:38 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland reerkaygu ma taallo, waa Qaran sharci u mara hawlahiisa!!!

    Somaliland waxaa ku socodda weerar toosa oo kagga imanaaya Xukumadda Farmaajo, taasi oo si isxilqaanna aan isku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland waxaa ku socodda weerar toosa oo kagga imanaaya Xukumadda Farmaajo, taasi oo si isxilqaanna aan isku





 deyey in aan dalkan iyo dadkan ugga difaaco waxii hagardaamaa, ee kagga imannaayey Xukumadda Mohamed Abdullah Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre waa niman aad u dayar oo illaahay fursad dahabiya siiyey, laakiin Billi-aadamka dhib baddan u geystey runtii.

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland dhinac Baarlamaanka ayuu ka gallay, waxaannu doonnaayey inuu burburyo maamulkaa.

Somaliland dhinaca Asxaabta Qaranka ayuu ka gallay, waxaanna jira silsillad isku xidhan oo xaggoo iyo xaggan joogga.

Si weyn ayaa loogga warqabaa, wakhtiggeedda ayaa la suggayaa iyo markii tallaabo lagga qaadi lahaa.

Ummaddu wey u jeeddey kuwii sidda badheedhkaa uga dhex amaannaayey Somaliland, isla markaanna Madaxweynaha Qaranka sifaha Khaldan u duraayey.





Somaliland waxay kow illaashannaysaa Nabadgelyadda iyo mowqifka Ummaddu ku go,aansatay dowladnimadda iyo dib u yegleelka waxii layska lumiyey, ee dib looggu baadidoonteggey.

Farmaajo oo kaashannaaya dowladdo carbeed ayaa isku deyaaya innay dalkan dumiyaan, oo Somaliland lagga dhiggo fooddo iyo meel aan laggu noollaan karin.

Farmaajo oo Asxaabta Qaranka shaqsiyaad ka midda kaashannayaa waxuu doonnayaa inuu dalkiinna iyo dadkiinna dumiyo, oo dib idiinku celiyo 1991 siddii dalku ahaa iyo guryo la,aantiii, nolol la,aantii.

Farmaajo iyo inamadda reer Somaliland ee uu dirdirto waxay xidhiidh toosa la leeyahiin shaqsiyaad Asxaabta mucaaridkaa ka tirsan, waannu ognahay oo indho fiiqfiiqan ayaannu ku eeggaynaa.

Ninna tan ma dumin karo, waxna ma yeelli karo runtii, dalku wuu ogyahay ninkii la soo khalday iyo ninka kalle.

Muranka ooggan sharci ayeynu ka leenahay runtii, sharciggaa ayaa Ummadda kala illaalin doonna.

Garsoorka ayaa xalka gaadhi doonna saaxiibkay Aden Xaaji Ali oo ah Masuul aan aad ugu kalsoonnahay.

Waxani reernimo maaha iyo in laysku faanno, ee waa masayrkii Ummadda iyo weliba Qaranka Somaliland.

Waxa nooggu weyn ee ahmiyadda aannu siindoonnaa waa in aannu iska difaacno weeraradda Farmaajo iyo faragelinta toos kaa oo aad meel khatara u maraysa.

Somaliland reerkaygu ma taallo, ee waa Qaran sharcigiisa iyo fullintiisu u dhantahay.

Faragelinta Xukumadda Soomaaliya ee dalkan Somaliland waa laggu guban doonnaa wallee, haddii aan faraha lagga laabban.

Abdilahi Hassan.

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS