|
|
[DEG DEG:-] Madaxweyne Biixi Oo Iminka La Arkay Isagoo Dhex Lugaynaya Badhatamaha Hargeysa
Madaxweyne Biixi Oo Iminka La Arkay Isagoo Dhex Lugaynaya Badhatamaha Hargeysa
Hargeysa (Karin News):- Waxaa goordhaweyd oo caawa ah magaalada hargeysa lagu dhex arkay madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi gaar ahaan meherado lagu caweeyo oo markaasi ku yaala degmada Maaxmed Mooge.
Sida ay warkan ku heshay warbaahinta Karin News Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaanay la socon wax ilaali ah oo badan, dadkii goobta joogay ee arkay ayay ku noqotay naxdin maadaama oo aan looga baran madaxweynaha somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi inuu habeenimo sidan oo kale ah booqdo meheradaha lagu caweynayo, waxaase xusid mudan in Madaxweynihii hore ee somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo lagu arki jiray mar marka qaar oo xili habeenimo ah suuqyada magaalada hargeysa . ![]()
Loading...
|
Copyright © 2010 - 2019 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |