[AKHRI:] Xuutiyiinta Yemen Oo Sii Daayay Doonyo U Socday Berbera Oo Ay Afduubeen Maalmo Ka Hor

0
Thursday 21st November 2019 08:01:00 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [AKHRI:] Xuutiyiinta Yemen Oo Sii Daayay Doonyo U Socday Berbera Oo Ay Afduubeen Maalmo Ka Hor

    [AKHRI:] Xuutiyiinta Yemen Oo Sii Daayay Doonyo U Socday Berbera Oo Ay Afduubeen Maalmo Ka Hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[AKHRI:] Xuutiyiinta Yemen Oo Sii Daayay Doonyo U Socday Berbera Oo Ay Afduubeen Maalmo Ka Hor




Kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaallama Dalka Yemen ayaa sii daayay 3 Doon iyo 16 shaqaale oo la socday kuwaas oo ay Isniintii ka qabteen Xeebaha Dalka Yemen.

Doomaha oo ku wajahnaa Dekadda Magaalada Berbera ee Cariga Somaliland ayaa waxaa kala lahaa Dawladaha Koofurta Kuuriya iyo Sucuudiga.

Waxaa ay ka baxeen Gobolka Jizaan ee dalka Sucuudiga waxaana ay ku jeedeen Dekadda Berbera hayeeshee Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay ku xadgudbeen biyaha Dalka Yemen sidaasna ay ku qabteen.




Dawladda Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in labo muwaaddiniinteeda ah iyo 14 qof oo kale la siidaayay kuna wajahanyihiin Magaalada Berbera.

Dawladaha Koofurta Kuuriya iyo Sucuudiga kama hadlin waxa saaran Doomaha sidoo kale Kooxaha Xuutiyiinta ayaa iyagana ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan waxa ay wadeen saddexda Doon ee ay ku qabteen meel 15km u jirta Biyaha Dalka Yemen.


Loading...
LATEST NEWS