Wasiirkii Soomaaliga Ahaa Ee Dalka Canada Oo Markale La Soo Doortay Iyo Xilkan Uu Markan Qabtay Oo Ka Duwan Kii Hore

0
Thursday 21st November 2019 08:06:30 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Soomaaliga Ahaa Ee Dalka Canada Oo Markale La Soo Doortay Iyo Xilkan Uu Markan Qabtay Oo Ka Duwan Kii Hore

    Wasiirkii Soomaaliga Ahaa Ee Dalka Canada Oo Markale La Soo Doortay Iyo Xilkan Uu Markan Qabtay Oo Ka Duwan Kii Hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii Soomaaliga Ahaa Ee Dalka Canada Oo Markale La Soo Doortay Iyo Xilkan Uu Markan Qabtay Oo Ka Duwan Kii Hore



Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa waxaa uu mar kale ka soo dhexmuuqday Golah Wasiirada dalka Canada ee uu shaaciyay Justin Trudeau

Ra’isalwasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau, ayaa shaaciyay liiska 36 Wasiir oo 18 ka mid ah ay Haween yihiin,waxaana uu isbeddel dhinaca wasaaradaha ah ku sameeyay qaar ka mid ah Wasiiradii ku jiray golihii hore.


Axmed Xuseen oo ahaa Wasiirka Socdaalka iyo soo galootiga ayaa hadda laga dhigay Wasiirka arrimaha qoyska iyo dhallinyarada,waxaana uu ka mid yahay tiro Wasiirro ah oo dawladdii hore ku jiray islamarkaana nasiib u yeeshay in ay soo laabtaan.





Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, ayaa laga dhigay ra’isalwasaare ku xigeen iyo wasiirka isku xirka Gobollada Canada.

Soomaalida Canada ayaa sheegaya in Axmed inkasta oo ay la rabeen Waasaraddiisii hore haddana midda loo dhiibay ay iyaga muhiim u tahay maaddaama Soomaalida laga qaato carruurta, dhallinyaraduna dilal kala kulmaan dalka Canada isaguna uu yahay qof fahmaya dhaqanka Soomaalida.

Golaha Wasiirrada oo isla xalay la dhaariyay ayaa waxaa ay yihiin kuwa xukuumaddoodu aanay heysan aqlabiyadda dalka Canada.


Loading...
LATEST NEWS