Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Si Buuxda U Qirtay In Mustaqbalka Soomaalidu Halis Ku Jiro, [Maxaa Soo Kordhay?]

0
Thursday 21st November 2019 10:22:58 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Si Buuxda U Qirtay In Mustaqbalka Soomaalidu Halis Ku Jiro, [Maxaa Soo Kordhay?]

    Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Si Buuxda U Qirtay In Mustaqbalka Soomaalidu Halis Ku Jiro, [Maxaa Soo Kordhay?]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Si Buuxda U Qirtay In Mustaqbalka Soomaalidu Halis Ku Jiro, [Maxaa Soo Kordhay?]



Mustaqbalka Shacabka Soomaalida ee ka midka ah dalweynaha Itoobiya ayaa mugdi siyaasadeed soo food-saaray, waxaana si buuxda gacantooda uga baxaysa go’aamadii masiirkooda, dantooda, khayraadkooda iyo hab-nololeedkooda, kuwaas oo wixii hadda ka dambeeya si toos ah looga soo go’aamin doono magaalada Addis Ababa.

Shacabka Soomaalida waxba lagama weydiin doono qofka noqonayo Madaxweynaha Dawladda Deegaanka, sidaas oo kalena waxa ilaha dhaqaalaha iyo khayraadka deegaanka gacanta laga gelin doonaa shisheeye kasoo jeeda Qowmiyadaha kale ee Itoobiya, sida Axmaarada, Tigreega, Benshangulka iyo kuwa kale.




Arrintan ayaa dhici doonta marka uu shirweynaha Golaha Dhexe ee EPRDF ee berri ka furmi doona uu ansixiyo xisbiga cusub ee PP oo loo minguuriyey xisbiga hore u hayn jiray talada dalka, waxaana gebi ahaanba markaas saaxadda ka bixi doona xisbiyada kilillada ee uu ka mid yahay Xisbiga Dimuquraaddiga Soomaalida oo noqon doona laan ka tirsan xisbiga Abiy Ahmed ee PP oo aan wax awood ah lahayn, isla markaana fulin doona wax kasta oo laga soo amro xafiiska Ra’iisal wasaaraha.



Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar oo ah Guddoomiye ku-xigeenka XDS iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide oo ah guddoomiyaha XDS ayaa iyagoo metelaya Shacabka Soomaalida, waxay si buuxda u aqbaleen in xisbiga Dimuquraaddiga Soomaalidu uga mid noqdo isbahaysiga cusub ee PP ee uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, kaas oo qorshihiisu yahay inuu tirtiro nidaamka federaalka ee qowmiyadaha ku dhisan.



Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay toddobaadkii ugu dambeeyey ku jireen jaho-wareer siyaasadeed, waxaanay raadinayeen masuuliyiintii hoggaanka u haysay oo ay ka sugayeen inay xog xaqiiqo ah ka siiyaan sida wax u socdaan, iyagoo dhinaca kale filayey in talo iyo waxweydiin uu Madaxweynaha iyo madaxda xisbigu kula soo laabtaan si miis Soomaali kali ku tahay loogu tashado, isla markaana go’aan lagu midaysan yahay oo ka turjumaya danta shacabka loo gaadho ka hor inta aan lagu biirin amaba laga joogsanin xisbiga cusub.


Madaxa Xarunta dhexe ee xisbiga XDS, Eng. Maxamed Shaale ayaa kasoo hormaray Madaxweyne Mustafe, waxaana uu maanta soo saaray qoraal shaki abuuraya oo uu Shacabka Soomaaliyeed kaga codsaday in lagu kalsoonaado, ayna xisbi ahaan ku go’aan qaadan doonaan danaha shacabka iyo doonistooda, laakiin waxa uu dhinaca kale ku adkaystay in haddii xisbiga Qaran uu ka jawaabo shuruudihii ay hore u hordhigeen inay ku biiri doonaan.



Qoraalka Maxamed Shaale wax tixgelin iyo tashi ah midna ma siinin Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu si buuxda ugu sheegay bulshada in haddii shuruudahoodii loo oofiyo, inay ku biiri doonaan xisbiga uu Ra’iisal Wasaaruhu samaysanayo ee baabi’inaya nidaamka federaalka iyo xuquuqihii aayo-ka-tashiga ee dastuurku u fasaxayey qowmiyadaha ay Soomaalidu ka midka tahay.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa isaguna maanta dadka u sheegay in waxyaabo badan khaldan yihiin, xisbiga qaran ee la wadaana uu yahay mid aan Soomaalida, halisna uu ku yahay isbeddelka ka dhacay DDS, masiirkooda iyo wax kasta oo ay shacabka Soomaaliyeed leeyihiin, sidoo kalena uu lid ku yahay dimuquraadiyadda.



Hadalkan oo Madaxweynuhu uu usoo dhiibay Lataliyiisa Dhinaca Sharciga, Jamaal Diiriye oo waraysi siiyey telefishanka OMN, sida uu u muuqdayna soo gudbinayey farriin uu usoo dhiibay Madaxweyne Mustafe, ayaa waxa uu sheegay in ujeeddada Medhemer iyo xisbiga cusub ay tahay arrin ay EPRDF oo kaliya kasoo tashatay laakiin aan Soomaalida laga qayb-gelinin talada, isla markaana ay socoto qaabkii hore Soomaalida loogula dhaqmi jiray ee lagu qasbi jiray wax aanay raalli ka ahayn oo aan laga talo-gelinin.

Jamaal Diiriye waxa uu intaa ku daray in arrinta miiska lasoo dhigay ay u dhignayd qaab la mid ah ‘haddii aad idinku fulin weydaan waxaanu keensanaynaa kuwo fuliya’, taas oo si dadban uu lataliyuhu ugu qiray in Madaxweyne Mustafe uu la kulmay hanjabaad ka timid Ra’iisal Wasaaraha oo ahayd in xilka laga qaadi doono haddii uu fulin waayo waxyaabaha looga baahan yahay.


Waxa kale oo uu tibaaxay in loola dhaqmay sidii Macallimiin arday wax u sheegaysa oo kale.



Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Mustafe ayaa wali ka maqan Dawladda Deegaanka Soomaalida, waxaana shirkii guddida fulinta XDS ee maanta ka furmay Jigjiga guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Aadan Faarax, waxaana saddexda maalmood ee uu socdo ay ku lafa-guri doonaan xisbiga Qaran iyo go’aanka ay ka qaadanayaan, halka Shacabkuna ay sugayaan inay Madaxweynahooda oo afkiisa iyo muuqaalkiisaba kula wadaagaya wax khaldan iyo dabinnada qoolan Soomaalida loo maleegay.

 


Loading...
LATEST NEWS