cambaarayn kusocota hadalkii Buurmadow!!

0
Thursday 21st November 2019 12:23:19 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    cambaarayn kusocota hadalkii Buurmadow!!

    aniga oo ka soo jeeda Beesha Habar jeclo ee uu ka soo jeedo cusman maxamuud(Buur-madow) , waxaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

aniga oo ka soo jeeda Beesha Habar jeclo ee uu ka soo jeedo cusman maxamuud(Buur-madow) , waxaan




halkan ku cambaaraynayaa waraysigii uu shalayto siiyeey mid ka mid ah TV-yada somalida . Buur madow isaga oo ka hadlayey Muranka maanta dalka ka jira ee ku saabsan Gudida cusub ee Doorashooyinka wuxuu meeshaas kaga hadlay qabyaalad fool xun oo aan somaliland iyo shacabkeeda midna dani ugu jirin, wuxuu debeda u soo saaray oo war baahinta isla soo taagay ( ceebtii s/land ) taas oo cadowga somaliland Gelisay farxad iyo rayn rayn aan la qiyaasi karayn !, wuxuu meel kaga dhacay beesha habarjeclo ee uu ka soo jeedo






Beesha habar jeclo oo lawada ogyahay in ay tahay quwada dhabta ah ee s/land ku dhisan tahay 30 kii sano ee ay jirtay, way ka weyn tahay beel ku dagaalanta ama somaliland ku dumisa xubin ka mid noqon doonta Gudida doorashada. Halka beelaha kale ay somaliland kula socdaan dantooda oo qudha beesha habarjeclo somaliland awgeed ayay uga tanaasuli jirtay wax in badan ka weyn nin ka mid noqon doona gudida doorashada, habar jeclo waxay somaliland darteed uga tanaasushay doorashada 2003 uu axmed siilaanyo sida cad ugu guulaystay ee hadana hadhcad laga boobay ! halka kuwa lamid ka ahi ay jiif iyo joogba diidan yihiin iyada oo 80 kun oo cod lagaga Guulaystay doorashadii aduunka oo dhami qireen hufnaanteeda !. halka kuwa la mid ka ahi aanay xuunshada xaarka uga kicin !!! Habrjeclo beelo yar yar ayaay uga tanaasushay xuquuqdii taariikhiga ahaa ee ay ku lahayd magaalooyinka Berbera iyo ceerigaabo waayo danta somaliland iyo mustaqbalkeeda ayaa kala weyn( mayor) ama( badhisaab) ama woxoogaa shaqaale ah oo ay ku yeelato magaalooyinkaas.




 
arinta kale ee khatarta ah ee Buurmadow badka soo dhigay waxay ahayd in uu aqoonsado hayb been ah oo aan jirin oo la yidhaahdo(habar magaado), habar magaado haday jirto waxa sheegan jiray oo loo yiqiin oo lagu ogaa beelaha Graxajis iyo arab oo qudha , halka beesha Habar awal ay sheegan jirtay oo loo yiqiin oo lagu ogaa in ay dhashay islaan la odhan jiray(shariifo), haybtaas uu buurmadow maanta aqoonsaday beesha habar jeclo waxay ku noqondoontaa cawaaqib xumo mustaqbalka waayo waxa dhici doonta in beelahaasi iyaga oo isticmaalaya magacaas (magaado) ay isu gaashaan buuraystaan beesha habarjeclo, waxa dhici doonta in nin alla ninkii wata mashruuc ku wajahan beesha habarjeclo in uu isticmaalo magacaas (magaado) ee maanta uu Buur madow sameeyey!
waxaynu wada ognahay in beesha Habar yoonis markay wadato mashruuc ku wajahan beel kale oo isaaq ah in ay jeebka kala soo baxdo magaca(Garxajis) sida maanta ta taagan hadaba dadka ka soo jeeda beesha habar jeclo ee taageeray hadalkii Buurnadow waxaan kula talin lahaa iyaga oo eegaya sumcada beesha habar jeclo iyo magaca iyo miisaanka ay ku leedahay somalilnd iyo mustaqbalkeeda in ay dib u eegaan oo dib u milicsadaan hadalkii Buurmadow, hadalkaasi ma ahaa hadal somaliland iyo wada jirkeeda dani ugu jirtto ? ma ahaa hadal ay dani ugu jirto magaca iyo milgaha iyo danaha iyo mustaqbalka beesha habar jeclo.


wasaalamu calaykum warax ma tulaah


axmed xasan haybe

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS