Mucaarid Baraad Ah: Qore Mukhtar Cilmi

0
Saturday 14th December 2019 09:16:09 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaarid Baraad Ah: Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

Waxa beryahan dambe si isdaba joog ah u soo baxayey hadallo iyo dhawaaqyo isugu jira dhalliilo iyo dhaleecayn xad-dhaaf ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay Xukuumadda kula dul kufayaan oo ay wadaan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo shaqsiyaad iyagu Siyaasadda ku saaqiday oo si gurracan mansab u doonaya. Kooxahan huwanta ahi waxay yool iyo bartilmaameedba ka dhigteen Xaaladda Nabadgelyo ee Dalka iyo Haya'adaha u xilsaaran sugidda ammaanka Qaranka oo ay intaa belo iyo baas aan shacabku arkaynin ka sii saadaalinayaan. Madaxda iyo hawl wadeennada raad baradka ah ee Xisbiyada Mucaaridku had iyo jeer dhalliishooda kuma saleeyaan xaqiiq dhab ah iyo waaqici ay shacbigu uga garaabi karaan.

 

Waxa dhegaheena ka batay hadalo dhiillo, xaalad abuur iyo turxaanba leh oo ay si joogto ah ugu dhawaaqayaan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo kooxo kale oo ay gacan-saar leeyihiin, kuwaasoo aad haatan moodo inay u soo tafa-xayteen duminta dalka iyo tafa-raaruqa bulshada. Wax badan baynu noocyada kala duwan ee war-baahinta ka maqalnay iyagoo nimankaa odayaasha ahi ay ummadda u saadinayaan belaayo iyo baas aan jirin. Wax badan baynu maqalnay iyagoo leh: "Dalkii meel xun buu marayaa ee ha loo gurmado. "Hayaay!!, Ka soo kacaaay!! Madaxweynihii dalka kama taliyo, dad kale oo dano gaar ah leh aayaa taladii dalka afduubay!..

 

Waa dhibaato haysata Faysal iyo Cirro oo runti u arko in ay siyaasadii ku saaqideyn oo had iyo jeer ay rabaan in ay ka macaashaan shacabkan iyo khilaaf walba ayabuuraan ,, cirrosiyaasad iyo arin toona mahayo iyo ficil toona, halku faysal qaylo la dul taagan yahay tvyada.waxaynalasii waashayn markii ay dawladu gonadii ka jartay bil walba ka heli jirin dawlada ay had iyo jeer cayayaan.dadkii taageersana labadan siyaasi badankood ka niyad jabe oo albaabadoodii ka xidhay mucaaridkan baraadka ah ee kolba mashruuc iyo waali la hor imanaya bulshadda dhwxdeeda..fashiloo!!..

 

Qore mukhtar cilmi



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS