Markaan Muuse Arkay Habar Jeclaa Wax Gocota ha i Deyso!!W/Q Garyaqaan Kayse

0
Monday 30th December 2019 11:52:36 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markaan Muuse Arkay Habar Jeclaa Wax Gocota ha i Deyso!!W/Q Garyaqaan Kayse

    Somaliland sida aynu wada ognahay waxaa ka hano qaadey habka dimuqraadiyadda ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland sida aynu wada ognahay waxaa ka hano qaadey habka dimuqraadiyadda ,
, kaas oo bar bilow u ahaa habka asxaabta badan iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo sanduuqa codeynta lagu kala baxayey.

Balse Waxaa marag ma doon ah in xukuumad kasta oo timaadaa reero Somaliland degan loo nisbeeyo.


Tusaale ahaan, Dowladii Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku timi doorasho xor iyo xalaal ah waxaa loo nisbeynayey beelaha habar awal iyo habar jeclo oo is baheysi ah,balse beesha Madaxweyne Siilaanyo ee habar jeclo ayaa dheefteeda iyo godobteedaba laheyd. 



Waxaa nasiib darro aheyd in Beesha habar awal oo aheyd xulafadii ugu muhiimsaneyd ee habar jeclo ay noqotey beeshii guud ahaan reer Somaliland ee ay mucaaridadda ugu badan kala kulatey xukuumaddii Siilaanyo, Tusaale ahaan, abid inta madaxweyne Somaliland Soo martey magaalada kaliye ee madaxweyne kabo loo taagay waxay aheyd magaalada Gabiley oo Madaxweyne Siilaanyo ula soo baxdey, Sidoo kale Saxaafadda kala duwan ee dalka ayey beesha habar awal si arxan darro ah xukuumaddii Siilaanyo uga weerartey, sida wargeysyadii Hubaal iyo Haatuf, muqaal baahiyayaasha Horn cable Tv ayaa isna ka mid ahaa hubkii loo adeegsadey dhantaalidda iyo jalaafo u dhigidda xukuumaddii siilaanyo oo ku abtirsata beesha habar awal.


Waxaa kale oo intaas barbar socdey in Siyaasiyiin badan oo ay hor kacayaan Boobe yusuf ducaale iyo Eng maxamed xaashi caadeysteen in maalin walba xukuumadda Siilaanyo dhaliilaan iyadoo waxa mideynayey ay aheyd oo qudha reernimo ( Habar-awalism).


waxaa iyaduna xusuus mudan in markii murashaxnimadda Muuse biixi muranku ka taagnaa markii ugu horeysey dalka xaaladiisa amaankiisa la khalkhal galiyo iyadoo siilaanyo loo jeedo oo ilaa madaxtooyada agteeda bambo gacmeed (Shaani) lagu qarxiyo, taas oo ay ka danbeeyeen jufada ama taageerasha muuse biixi oo hab qabyaaladeysan isku soo ababuley, waxaa kale oo aan la iloobin karin ururadii Jiidali ama magacyadda kale duwan loola baxay ee ilaa heer gaadhay in ay bartilmaameedsadaan ganacsatadda habarjeclo sida DAHAB-SHIIL oo kale.


isku soo wada duuduuboo, Siilaanyo xukuumadiisii bar bilow ilaa dhamaad waxaa marna dhaliilayey marna shaani ku qarxinayey waxay ahaayeen dad huwan shaadh qabiileysan ( habar-awal), balse waxaa gobonimo iyo amaan mudnaa xukuumad ahaan iyo beel ahaan (habar -jeclo) oo aan la iman marnaba haba yaraatee ficilo la mid ah kuwaas cidii markaas joogtey oo libinta iyo gobonimadda qaadatey, Waxaase is weydiinayaa sidoo kale aan ilaa caruurnimadeydii maqli jirey Reerka habar jeclo la yidhaa waa reer wada ficil ah oo sidoo kale gocosha badane waxay ilaa hadda hagranayaan ama ay dhawrsanayaan ee ay intay soo arkeenoo dhan uga shiidaal qaadan waayeen? ......


Ugu denbeyn waxaan shaki la’aan nafteyda ku qanciyey ' Gobey Liicoo ha Jabin'(Habar jeclo).


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS