Mustaqbalka Somaliland..W/Q W.Q Axmed-xiis Dharbaan

0
Tuesday 21st January 2020 09:11:31 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustaqbalka Somaliland..W/Q W.Q Axmed-xiis Dharbaan

    Sannadkan aynu joogno, mawduuca ugu xasaasisan ee lagu falanqeeyo goobaha bulshadu ay ku kulantaa waa "Somaliland xaggee baa ay ku socotaa?"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannadkan aynu joogno, mawduuca ugu xasaasisan ee lagu falanqeeyo goobaha bulshadu ay ku kulantaa waa "Somaliland xaggee baa ay ku socotaa?"




Mawduucani waa mid u baahan si dhexdhexaad ah in loo dul joogsado. Waa dal ama dal doonayey in uu gaarkiisa isu maamulo halka uu ku dambayn doono? Hubaal waxa ah "halkee baa ay Somaliland ku sooctaa?” maanta in ay tahay dood lagu galayo Xabsi, haddii su’aashaa meel fagaare ah lagu soo bandhigo.
Lis Dairy



Dad badan oo Somaliland u dhashay ayaa qaba: Maanta haddii afti laga qaadi lahaa shacabka ku nool Somaliland in dadka intiisa badani ay u coddayn lahayeen "Markale iyo Midnimo!” Sababta natiijadaa keenaysaa maaha hilow loo qabo Xamar balse, waa nacayb loo qabo Madaxtooyadda Hargaysa. Waa kalsooni xumo ay abuureen labadii xukumaddood ee ka dhashay Kulmiye.




Rag ka tirsan xukumadda hadda talada haysa, ayaa laga soo xigtay: Marnaba Afti galin mayno rabitaanka shacabka! Si aynnu haddaba u turjuno mustaqbalka, aynu fahano waayaha ku gadaaman dalkii hore laysugu odhan jiray Somali Republic. Somali Republic waxa ay gashay waji cusub, wajigaas oo ah xukumadda Xamar ka dhisan in loo aqoonsaday dawlad sharci ah oo masuul ka ah Soomaaliya – xasuusnow muddo dheer xukumadihii Xamar fadhi jiray looma aqoonsanayn dawlad rasmi ah.



Markii la aqoonsaday dawladda Xamar, waxa iyana dharaarahan raacday in Soomaaliya laga cafiyo deyn hore loogu lahaa. Taasi waxa ay ooda ka qadaysaa deeq iyo deyn hor leh. Maxaa deynta iyo deeqda loo siinayaa Somalia? Waxa Somalia deynta iyo deeqda loo siinayaa, waxa weeye: Waxa la rabaa in la soo saaro khayraadka ku jira Somaaliya guud ahaan gaar ahaan shidaalka.




Somaaliya wajigaa ay gashay, gadhwadeen waxa ka ah – sida illo xoggogaal ah aan ka helayo waddanka Maraykanka – dabcan waddamada la isku yidhaa "non-traditionan” ee ay ku jiraan: Turkey, Qatar iyo waddamo kale-ba, darafka ayaa ay ka haystaan isbedelka Soomaaliya. Waxaa se aad moodaa boqortooyada Britain oo muddo dheer hor boodi jirtay siyaasadda Somaliya, hadda in loo riixay dhanka Bay iyo Bakool. Waddamada waagii hore sida weyn siyaasadda Somalia ugu lug lahaa ee hadda iyaga la bara bixiyey waxa ugu horeeya: Italy iyo Masar.



Isbedelka noocaas ahi, waa mid damaciisu yahay in dib la isugu soo celiyo Xamar iyo Hargaysa. Sida aad ka warqabteen maalmihii la soo dhaafay Hargaysa waxa yimid James Swan oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaalia. Safiirka Britain. Waxa sidoo kale safar saxaafadda laga qariyey Hargaysa ku yimid maalmihii ina dhaafay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.



Socodkaa ay saddexda sarkaal ku yimadeen Hargaysa, ujeedkooda koobaad ma ahayn doorashooyinka Somaliland; ujeedka safaradaasi waxa ay ahayeen, sidii Md. Biixi iyo Md. Farmaajo ay u furi lahayeen wadahadalo hor leh oo dhex mara Hargaysa iyo Muqdishu – dadka siyaasadda Soomaalia u dhuul daloolaa, waxa ay leeyihiin: Maraykanka ayaa Farmaajo ku tageeraya in uu samaysto muddo kororsi xilleed, si Farmaajo ugu soo dabco wada hadalada Biixi.



IMF, Bangiga Adduunka iyo Midawga Yurub ayaa dhammaan u muuqda kuwo hadda ka xiiso dhacay Somaliland, waxaana cadayn kugu fillan deeqda gaadhaysa $120M ee Bangiga Adduunku usii deyn rabo maamulada ka jira Konfurta Soomaalia – deeqdaa Hargaysa waa ay ka qaday. Dadka qaar waa ay isdiidsiin karaan saamaynta lacagtaasi iyo deeqaha kale ay ku yeelan karaan horumarka Soomaaliya lakiin, midhka marnaba dadkaasi aysan qarin karin waa "aaminaad ka baxa” ka dhex qarxay shacabka Somaliland. Shacabka Somaliland ayaa sida uu Muuse Biixi ka sheegay dhawr sanno ka hor magaalada London lumiyey kalsoonidii ka dhex jirtay dhexdooda!



Mustaqbalka Somaliland maaha saynis cabirkiisu rabo in lala tago shaybaadh, balse waxa mar walba mustaqbalka Somaliland jaangoyn doona hab-dhaqanka Madaxtooyada Hargaysa iyo faragalin Somaliland kaga timaada banaanka – faragalinta ayaa aan noqon doonin duuulaan lagu soo hujuumo Hargaysa hayeeshee, isbedelka ayaa ka imanaya mar walba koboca dhaqaale ee ku yimaada waddamada deriska. Haddii Jigjiga iyo Xamar ay noqdaan magaalooyin abuura shaqo iyo fursado ganacsi, hubaal waxa ah shacabka Somaliland in aysan kusii jiri karin shaqo la’aan, biyo la’aan iyo SNM baa aan ahaan jiray.



W.Q Axmed-xiis Dharbaan


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS