Dilkii Sheekh Bashiir Iyo Gabaygii Guubaabo Ee X.Aadan Afqalooc (Qaybta 1aad)

0
Friday 31st January 2020 08:40:23 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilkii Sheekh Bashiir Iyo Gabaygii Guubaabo Ee X.Aadan Afqalooc (Qaybta 1aad)

    Gabaygan soo socda waxa lagu magcaabaa (guubaabo) wuxu kamidyahay rukumada ama dhidibada waaweyn ee suugaanta balaadhan ee xaaji aadan axmed afqalooc alle ha u naxariistee.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygan soo socda waxa lagu magcaabaa (guubaabo) wuxu kamidyahay rukumada ama dhidibada waaweyn ee suugaanta balaadhan ee xaaji aadan axmed afqalooc alle ha u naxariistee.



Gabaygan wuxu soo baxay ama uu xaajigu tiriyey alle naxariisto jano haka waraabiyee taariikhdu markay ahayd 1947 xiligaas oo laydha ama dabaysha xoriyadu ay aad u soconaysay, wadankana markaa ay ka jireen dhaqdhaqaaq xoriyad doon ahaa kii ay soomali oo dhan ku urursanayd ee leego ama loo yaqiin S.Y.L(Somali youth league), ururkaa dhaqdhaqaaqa wadaniga ahaa ee soomaliyeed eexornimo doonka ahaaoo ay ku jireen hal abuuradii, maansoyahanada ahaa, macalimiintii iyo aqoonyahankii indhaha furnaa ee bulshada, culimadii diinta islaamka ee ku xulubnayd kasmada diinta islaamka, haweenkii dirnaa ee aan daali jirin ee guryahooda iyo hantidoodaba u iibshay xornimada umada soomaaliyeed, waa ururkii ay ku jireen Ragii xili saamadka ahaa ee garaadkoodu aadka u sareeyey kuwaas oo xarumo kala duwan ku lahaa dalka.



Gabaygan waxa uu kusoo baxay kadib dilkii sheikh bashir ay ku dhugtameen ingiriis iyo soomalidii u garbin jirtay ee daba dhilifka u ahayd.

Sheikh bashiir wuxu ahaa sheikh soomaliyeed oo ku soo koray kuna soo barbaaray xarumihii daraawiihsta ee sayid maxamed cabdalle xasan hormuudka u ahaa, sheikh bashiir alle ha u naxariistee wuxu u adkaysan waayey dhibtii gumaystuhu ku hayey dalkaiyo geyigiga soomaliyeed iyo dadkiisaba, dabadeed wuxu samaystay koox la dirirta gumaystaha iyo dadkau garbiyaba intaa kadib wuxu ingiriisku go’aamiyey in la dilo ama lasoo qabto sheikh bashiir.


Gumaystaha ingiriisku waxa uu u balanqaaday cidii disha sh. Bashiir ee askartiisa ka tirsan inu dalacsiin doono oo darajo ku tixi doono, cidii aan askarta ka tirsanayna in uu siin doono abaal-gud lacageed, si kastaba ha ahaatee sheikh bashiir waa la dilay oo waliba waxa dilkiisa isku qabsatay laba nin soomali ahaa oo markaa midba gaarkiisa u yidhi anaa xabadaydu ku dhacday iyo anigay ku dhacday nasiib daro geeridaa foosha xun soomali kamay xumaan ee wax ka xumaaday intii markaa damiirka iyo dhiiga wadaninimo ku jiray dadkaas oo uu ugu horeeyo xaaji aadan afqalooc alle ha u naxariisto labadoodabee.


Ragii dilkiisa sheegtay waxa kamid ahaa nin la odhan jirey gaydhe Ruxe oo kamid ahaa askartii ingiriisku ka qortay soomali ninkaas oo waayihii dambe silic ku nool noqday isagoo u dhintay sifo foolxun oo laga argagaxo, waxa ka gabyey silicii uu u ku noolaa iyo dhimashadiisabaabwaankii waynaa ee reer hargaysa ahaa ee xaaji dalaayad la odhan jirey waxaanu yidhi:

·Ninkii aan sidaa gaydhe ruxe gubanin jaahiisu

·Een geeridii sheekh bashiir guudka ku xambaaran

·Kolba meel uun jaahiisu gubay duni kasoo geliye.

Maydkii sheikh bashiir oo daahira waxa la keenay meel fagaare ah kaas oo kufrigii uu necbaa hadiiba daawasho ugu yimaadeen, waxa la sheegaa in gabadhii uu qabay kii haystay gobolka in ay kebteeda kaga qaatay maradii la huwiyey sheikh bashiir si kaastaba ha ahaatee waxay ahayd geeri foolxun oo dhaqaajisay dadkii damiirka lahaa sidaas awgeed ayaa xaaji aadan go’aan ku gaadhay in geeridaas uu gabay dhan u huro oo soomali ileen kama daalayee hadana dardaaran iyo waxku qaadasho tuso.


Gabaygu wuxu u qabaysan yahay dhowr qaybood:

Qaybata 1aad wuxu xaajigu kaga hadlayaa sheeekh bashiir iyo heerka uu taagnaa iyo sharaftiisa isagoo sheekha ku amaanay amaan kooban hayeeshee macno badan uu ku ururriyey kuna amaanay.


Qaybta 2aad ee gabayga wuxu xaajigu inoo sheegayaa in sida rag badan oo gobonimada u dagaalamay aanay cidi isku waydiin dilkoodiina aan cidi diirku u dhaqaaqin xaalkuna uu noqday mid aanay deero-deero ku hirdiyin.


Qaybta 3aad ee gabay wuxu abwaanku, xaaji aadan warbixin fiican soomali ka siinayaa gobonimo doonkii aduunka ka socday.


Qaybta 4aad wuxu xaajigu wuxu soomali dusha ka huwinayaa canaan hor leh oo uu leeyahay hadii sida umadaha aduunka ugu dagaalamayaan xoriyadooda aad ugu dagaalami waydaan waxaad noqon doontaan halka kudaafada lagu soo daadiyo ee qashinka lagu daadiyo.


Meerisyada hore ayuu xaajigu ku amaanayaa sheekh bashiir wuxu ku tilmaamayaa inu soomaali u ahaa sheekh bashiir u ahaa damal (geed weyn oo hoos leh ) oo laga hoos galo waxkasta kaas oo soomali jabisay iyagoo dilkiisaasna dulinimo ka qaaday,xaajigu wuxu soo banbixinayaa sidii loo diley ee foosha xumayd iyadoo duhur dharaareed lagu toogtay goob fagaare ah oo cidwaliba joogtay walibana laabta rasaas lagag dalooshay, markiiba maro xun ayaa maydkisa lagu duuduubay isagoo wada dhiig ah, gaaladii iyo dadkii uu necbaaayaa daawasho ugu yimid, waliba cag dacsad iyo quudhsi baa loogu daray.

Xaajigu muu iloobin inu ina ogaysiiyo sidii meydkii sheekh bashiir loola dhaqmay ee in la qaado loogu diiday dibadana loo dhigay walibana mudo halkaas u yaalay isagoo dhex yaala soomaali oo dhan, nasiib daro iyo Ayaan xumada somalida ku dhacday ayaa ah in markii meydkiisa la diiday in la qaado in Somali oo dhami goobtaa wada joogtay dhiiguna diiri waayey, walibana aad ugu faraxsanaa sida xaalku yahay.


Abwaanku wuxu soo bandhigayaa rag kale oo iyagana sida sheekh bashiir loo laayey iyo qaar iyagana dadkoodii la laayey dibanada loo mastaafuriyey ragaas uu gabayga ku sheegay waxa kamid ahaa cali bahdoon,xaaji tilifoon, faarax oomaar abwaanku wuxu si tafatiran inoogu soo tebinayaa ragaas iyo sidii gumaystuhu u galay ee uu u dhibaateeyey waxaanu yidhi xaajigu:

·Duhur baa bashiir lagu shanaqay daar agtiina ahe

·Damal la hadh galaabay jabsheen waqay duluubeene

·Dahrigiyo laabtay rasaas kaga daloosheene

·Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban

·Dadkii uu necbaaiyo kufraa daawasho u yimide

·Dacsad iyo ihaaniyo cagbaa loogu sii daraye

·Maydkiisa daahira markii dibada loo jiiday

·Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duulkiina

·Kolkii aaska loo diiday waad wada dul joogteene

·Ma damqanee jidhkiinii markaa waa ku diirsadaye

·Nasab hadaad duriyadii tihiin kama dareerteene

·Duur looma jabin geesigii dirirta waynaaye

·Darkaloo ciyaar lagu diliyo dawgal baa jiraye

·Aan deero deero u hirdiyin sida digaagiiye

·Isagoo dulmiga aad qabtaan dood ka celinaaya

·Da’dii uu ahaa faaraxbaa jeelka loo diraye

·Iminkuu sidu dilay arwaax dibada meeraaye

·Loo diid duriyaduu dhalay iyo duunyaduu dhaqaye

·Gobonimo duqii cali bahdoon doonisteed dhimaye

·Tilifoona waa tuu dawakhay doorkii yimide

·Dacwadiyo wuxu hadal yiqiin idinka daw waaye

·Waxbadan baa darbaash lagu dirqiyey duqiyo wiilkiine.

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

[email protected]Ama0634240189


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS