Qabiil iyo Qaran: Labba aan Kala Maarmin...W/Q Axmed Xiis Dharbaan

0
Saturday 1st February 2020 10:54:45 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabiil iyo Qaran: Labba aan Kala Maarmin...W/Q Axmed Xiis Dharbaan

    Qabiil iyo Qaran: Labba aan Kala Maarmin...W/Q Axmed Xiis Dharbaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabiil iyo Qaran: Labba aan Kala Maarmin...W/Q Axmed Xiis Dharbaan




Caawa goor sheegtu marka ay marayso 00:00 wakhtiga Yurub, UK ayaa ka baxaysa Midawga Yurub.

Boris oo la odhan jiray hadalka kama run sheego, markan balankii wuu oofiyey. Britain wakaa banaanka geeyey - xaqiiqadii kala-guurku wakhti buu jiitami doonaa hayeeshee, sharciyan lakala dhaqaaq.



Sida ay siyaasadda Galbeedku u socoto, laba qolo waa ay ka cadhaysan yihiin, waa saxaafadda iyo jaamacadaha. Kiniisaduhu, lakiin waa ay la dhacsan yihiin. Kiniisaduhu waxaaba ay leeyihiin "nasri ayaa ninkii caddaa usoo degay".


Kala duwanaashaha mabaadiida ee galbeedka in aad fahantaa, waxa ay kaaga baahan yihiin:

1: In aadan daawan TV-yada.


2: In aad iska maydhid inta badan afkaarta la wareejiyo jaamacadaha gudahooda - halkaa u fiirso, inta badan, inta badan iska qub buuggaagtii laguugu dhigay jaamacadaha. Waa marka aad damacdid faham toggan in aad ka heshid siyaasadda dhabta ah.



Waxa kale oo aad u baahantahay in aad ka fogaatid aragtida tidhaahda "Qabiil iyo Qaran: Laba aan is qaadan". Qabiil iyo Qaran: Laba aan kala maarmin ku bedelo.

Waa jimce maanta, jimcahana xigmad ayaa lakala qaataa. Qabiil waa dad wadaago isir oo heshiis ku ah si kooxaysan in ay uga dabaashaan nolosha. Miyaa aad ilawdeen in ay jirto "saaxiib iyo cadaw" haddii aad ilawdeen xigmaddaa, aan idin xasuusiyo Carl Schmitt.



Schmitt waxa uu ka tirsanaa Naasigii Jarmalka, nolol ayaa lagu qabtay, haddana waa loo quudhi waayey qori in lagu fiiqo. Si sharaf leh baa loo xannaaneeyey. Markii wakhtigisii dhammaadayna si caadiya ayuu u xijaabtay, isaga oo aan xagtin la gaadhsiin.

Siyaasaddu waa "identity". Guleed Dafac ayaa hadda ka hor isaga oo "quote" garaynaya hadal aan lahaa, yidhi "siyaasadda ku dhisan identity, dhammaanteed waa saaqidnimo." Guleed waanu ku kala durugsanahay qodobkaa.


Waxa aan aad uga helay weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee BBC u jooga Hargaysa, Faysal C. Waraabe ayuu waydiiyey: Maxaa laydin kaga tala gelayaa mucaarad ahaan? Xigmad waynaa su'aashu. Faysal wuxu ka yimid Finland, xisbigiisa waxa la yidhaa Ururka Caddaalada iyo Daryeelka. Isagu xaqiiqatan ma fahmayo Identity. Su'aashaana wuu ku dhacay waayo, ma fahmi karo "identity!". Caddaalad iyo Daryeel (Care and Fair) waa labbada lugood ee ay ku taagnayeen xibsiyada bidixdu. Jonathan Haidt waxa aan ka guntay "waar liberal-ku way ka dhacsan yihiin ee siyaasaddu shan giir oo waawayn baa ay leedahay, saddex giir baysan u samaysnayn in ay fahmaan liberalku - Faysal dabcan, marka aanu Xamar isyeel yeel saxaafadda uga maagayn waa liberal. Nin yaqaan Daryeel iyo Caddaalad bes.


Arrinkan aan ka hadlayaa waa mawduuc xasaasi ah xigmad baana ku jirta. Dood culculus na waa aan u haystaa, waxa la yidhaa 'identity" qabiil ama network.

Qabiil ceeb malaha hayeeshee, marka ay Soomalidu maagayaan carrabka waxa ay judhiiba ku dhuftaan "eex iyo isla wayni". Isla waynida ama annaa ka muddan waa naxli kasoo burqada qalbiga. Waxa markii ugu horaysay ficilkaa ku kacay Ibliz. Eexdaa aan ka hadlo, eexdu waa dhaqan lagala yimaado dugsiyada iyo jaamacadaha. Soomaalida waxa ugu eex badan dadka wax bartay. Waagi Soomaalidu ay ahayd reer guuraaga ama beeralayda eexda maa ay aqoon, qofna maa ay dhaafin jirin axad kale qaalibkoodu.

Eexdan aad qof dhaafinaysid qof kale waa caadadaas lagala yimid tacliinta u dajisan tartanka ee ereyada la isticmaalo ay ku jiraan: Fail, succeed, win, competition, grade IWM.


Qabiil waa dhaqanka Soomaali ay ka baabi wayday hore iyo dambayso. Dadku waa ay isku raaci karaan mabda, dan iyo deegaan balse qabiilkan la macno ah "clan" waa dhaqan cajiib ah, dheeftiisa waxa maanta dunnida ku qabsaday waddamada ku teedsan Pacifique-ga. Waddamadaas magaalooyinkooda ugu wawyan sida Hongkong, Shanghai iyo Singapore haddii aad dhuuxdid koboca dhaqaalaha ee ka socda, waxa laf dhabar ah u ah qoysas ixtiraama qaramadooda balse iyaga dabarka isu hayaa uu yahay mid qoys ama qabiil.



Robert E. Quin iyo Cameron mar ay darasadeeyeen dhaqanka ku qarsoon shirkadaha ganacsi ee guulaysta, waxa ay figta ugu saraysa geeyeen dhaqanka qabiilka - clan. Waayo baa ay leeyihiin, qabiilku wuu siman yahay, guddahoodana waa ay dhisan yihiin, afkaarta cusubna ma diidaan - waxa aad moodaa Reer Maxamed Digirin in ay ka faloonayaan. Sinnaantaas waxa diida dadka wax barta oo ku celceliya, sidee qof wax bartay iyo mid jaahil ahi ay u sinnana karaan? Ma jiro qof madhan. Camal kastana ninka ku haboon, qabilku wuu yaqaan haddii dhaqankii hore sidiisa loo dabaqayo.



Labbadaas aqoonyahan hoos waxa ay u dhigeen dhaqanka kala saraynta "hierarchy" iyo dhaqanka "market-ka". Ganacsade Shiine ah oo la waydiiyey, farqiga u dhexeeya Shiinaha iyo Galbeedka? Wuxuu yidhi: Anaku qof ayaanu beernaa oo kalsooni ayaanu isku qabnaa aan dhammaad lahayn gu iyo jilaal, halka Galbeedku ay xoogga saraaan "heshiis" jiilaalkana la waayayo.



Qabiil waxa noqon kara dad is fahmay. Tusaale waxa noqon kara JP Morgan oo la sheegay ku dhowaad 50 kooxood (clubs) in uu ka ahaa xubin. Ninka ka faallooda taariikhda - dadka qaarna ay sheegaan in uu ka tiraan yahay bulshooyinka qarsoon - waa Naill Ferguson, waxa uu qoray buug 500 ah oo uu ku lafa gurayo awoodda network-ga.

Age of Network ayaa lagu jiraa hadalka oo midh ah.



F. G. Network noqo balse, haku duulin umad nabad iyo narruuro ku nool. Haddana neef ha noqon oo ha sugin in lagugu soo duuli waayo.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS