Saleebaan Shaqaqda Kamuu Tegin Ee Shaqada Ayaa Isaga Ka Tagtay.

0
Sunday 2nd February 2020 09:01:41 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saleebaan Shaqaqda Kamuu Tegin Ee Shaqada Ayaa Isaga Ka Tagtay.

    Imika hal todobaad bay socotay Saleebaan Gaal wuu dhiibay istiqaaladii Gudoomiyaha Guurtida arinkaasi waa xaqiiqo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imika hal todobaad bay socotay Saleebaan Gaal wuu dhiibay istiqaaladii Gudoomiyaha Guurtida arinkaasi waa xaqiiqo

 waxaa u caddayna kol haddii uu isagu odhan waayey ma jirto istiqaaladaasi isagoo xafiiska fadhiya waa dhab kuwan kalee leh ma jirto waxaa uun ay daydeyayaan oo ogaanayaan cidda meesha rabta inay ogaadaan. Saleebaan shaqada kamuu tegin ee shaqada ayaa isaga iskaga tagtay markii Xooggii iyo awooddii iyo fikirkii adduunka ka gabaabaabsi soo gaadhay. Markaa wadanka iyo horuumarka ummadda waxaa dani ugu jirtaa hubaal shaqsi sifooyinkii uu lahaa Saleebaan Gaal oo dhan ka duwan oo noqda qof nabadeed qof diimeed, qof aan qalaf sanayn qof samatalis ah oo dhalinyarada reer SOMALILAND aad u jecel oo ay ku daydaan. 


Qof aan qabyaaladda hurin ee qabaail mideeyah qof institutions ku wada sida distoorka ku xardhan een baal marin sida SALEEBAAN lagu bartay afkiisa iyo adinkiisaba qof gobol walba odayadooda iyo wax garadkooda u taga la shira mid mid u yaqaan. Qof dabkasta bakhtiiya. Gudoomiye Guurti uma baahna qof siyaasadda Somalida ee aynu xaalkeeda wada ognahay qof isu qaawiyey oo cid badani neceb tahay waxay waxaa loo baahanyey qof qalbiga dadka reer SOMALILAND oo dhan ay ku soo dhacdo laabtooda NOOLAATAY YIDIDIILADII NAXASHKA SAARAYDE. 

SALEEBAAN Gaal habeen qudha lama arag isagoo dad dhexgal sameeyey, dhalinyaro iyo arday weligii meel ay joogaan Laguma arag, reer miyi iyo xoolo iyo dhaqan Somali meel ay joogaan habeen laguma Arag, colaad meel ka dhacday iyo odaynimo iyo ardaa fadhiisi laguma arag, dumar iyo caruur iyo qaxooti laguma arag, heshiis jabhadeed iyo Xukuumad laguma ag arag markaa kama uu duwani shanta kun ee dhagax ee xuduumadii reer SOMALILAND meelahaa dhigdhigaan xitaa degmaduu ka soo jeedo ragbaa markay caruurtii waxay afka u geliyaan waayeen geed caruurta u dhaw iska soo dedelay isagoo ka hadalaya lama arag. Talaabo qudha oo ummadda dhex socda lama arag IMIKANA SHAQADA KAMUU TEGIN ISAGUYE SHAQADAA ISAGA KA TAGTAY.



WAXAA JIRA RAG BADAN OO WADANKA KASOO SHAQEEYEY TAARIIIKH DHEER OO NABADAYN IYO DAGAAL IYO KHIBRADBA LAGU OGYEY OO BUUXA. RASUULKEENII MAXAMED AHAA (CSW) wuxuu inagula dardaarmay Madaxnimada qofka soo doonta ha siinina ee waxaa sii saan qof ka aa idinku la doonataan. Aniga qof qudhaa igaga wanaagsan Gudoomiyaha Guurtida waa WASIIRKII DAAKHILIGA EE HORE DUUR CARAALE LAAKIIN WAXAA JOOGA INA GUURE WAXAA JOOGA PROF YAASIIN WAXAA JOOGA DHEGA WEYNE , WAXAA JOOGA XASSAN CIISE JAMA, WAXAA JOOGA Mujaahid Hasan Dayax DAD BADAN OO DADKA ISU KEENI KARA MADAXWEYNAHANA KA JOOJIN KARA CAAGADAHAN UU TÙURTUURAYO IYO WIXII LA MIDA.
WADANKA SOMALILAND wuxuu u baahanyey chapter cusub iyo dhiig cusub uma baahna afartan isriixriixaayey 10kii sano ee u dambeeyey ee isnacay dadkiina isnacsiiyey.

Wadanka SOMALILAND wuu ka qaalisanyey Maamul goboleedyada kale oo dhan marka lagu daro Dawladda Federal ee caalamka ku weyn Somali dhexdeedanana aad iyo aad u naqan oo oo u Italy daran laakiin madaxdii reer SOMALILAND intii Riyaale ka dambeysay Dawladnimo la yabyay oo soo kacaysay bay hoos u celiyeen oo ka dhigeen dal shacab qayb qayb sani ku noolyey waxay soo kordhiýeen waa dhul la dayrdayrto iyo jagooyin boqol fayl loo sameeyo oo la isku qabqabsado.

Maqaalkanani was shahaado xilmagudashadii SALEEBAAN ee 16 sano oo Distoorka reer SOMALILAND aan waafaqsanayn laakiin uu xaq u yeeshay.

M Bashe

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS