Tiradii Ugu Badneyd Oo Maalin Qudha U Dhimatay Cudurka Corona Oo La Shaaciyay.

0
Thursday 13th February 2020 08:17:54 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tiradii Ugu Badneyd Oo Maalin Qudha U Dhimatay Cudurka Corona Oo La Shaaciyay.

    Tiradii Ugu Badneyd Oo Maalin Qudha U Dhimatay Cudurka Corona Oo La Shaaciyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tiradii Ugu Badneyd Oo Maalin Qudha U Dhimatay Cudurka Corona Oo La Shaaciyay.




Dad gaadhaya 242 qof ayaa maalintii kahor ugu dhintay xanuunka Corona gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd oo maalin qudha cudurka Corona ugu dhimatay dalkaas.




Waxaa sidoo kale sare u kacay tirada dadka uu haleelay xanuunka, waxaana lagu soo warramayaa in la daweeyay ku dhawaad 15 kun oo qof. Gobolkan ayaa bilaabay qaab cusub oo lagu la tacaalayo xanuunka, taas oo bannaanka soo dhigtay kiisas badan oo haatan la ogaaday.



Waxaa maalmihii u dambeeyay raja laga muujinayay wax ka qabashada xanuunka, balse kiisaska cusub ee hataan la ogaaday ayaa sii murjiyay xaaladda gobolka Hubei.


Gobolkan aya waxaa ku sugan boqolkiiba sideetan dadka uu ku dhacay xanuunka guud ahaan dalka Shiinaha, maadaama uu markiisi hore ka dilaacay Magaalada Wuhan ee isla gobolkaas. Qaar kamid ah 242 qof ee u dhintay xanuunka ayaa 135 kamid ah waxay ahaayeen dad laga daweynayay xanuunka oo xaaladooda lala tacaalayay.


Loading...
LATEST NEWS