Madaxweyne Farmaajo Oo Kormeer Ku Sameeyey Tirakoobka Ciidamada Soomaaliya + [ Sawiro ]

0
Thursday 13th February 2020 08:35:28 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Kormeer Ku Sameeyey Tirakoobka Ciidamada Soomaaliya + [ Sawiro ]

    Madaxweyne Farmaajo Oo Kormeer Ku Sameeyey Tirakoobka Ciidamada Soomaaliya + [ Sawiro ]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Kormeer Ku Sameeyey Tirakoobka Ciidamada Soomaaliya + [ Sawiro ]


Muqdisho(Karin News):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeeray Xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howlihii la xiriiray ururinta xogta iyo diyaarinta diiwaanka Ciidanka.



Image may contain: 2 people, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 7 people, indoor

 

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.


"Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.”


Image may contain: 4 people, suit and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

 

Madaxweynaha oo loo soo bandhigay tusmooyin ka mid ah Diiwaanka Xogta Ciidanka ayaa daalacday gal-anshaxeedka, aqoonta, xaqsiinta iyo hannaanka dallacsiinta ciidanka.


Image may contain: 5 people
Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey guddiga howshan qabtay ee uu hoggaaminayey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Gaashaandhigga, Talisyada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida, Wasaaradda Maaliyadda, khubaro iyo lataliyeyaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.

 

Image may contain: 1 person, suit
Image may contain: 2 people, indoor

 

 
 

Loading...
LATEST NEWS