[Top News:-] Khilaafka Dumaasha KULMIYE Oo Ka Istaadhmay Hargeysa, Wasiir Kaahin Iyo Siyaasi Xaashi Oo Shirar Doceedyo Iskugu Jawaabay.

0
Thursday 13th February 2020 09:09:11 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Top News:-] Khilaafka Dumaasha KULMIYE Oo Ka Istaadhmay Hargeysa, Wasiir Kaahin Iyo Siyaasi Xaashi Oo Shirar Doceedyo Iskugu Jawaabay.

    Khilaafka Dumaasha KULMIYE Oo Ka Istaadhmay Hargeysa, Wasiir Kaahin Iyo Siyaasi Xaashi Oo Shirar Doceedyo Iskugu Jawaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka Dumaasha KULMIYE Oo Ka Istaadhmay Hargeysa, Wasiir Kaahin Iyo Siyaasi Xaashi Oo Shirar Doceedyo Iskugu Jawaabay.




Hargeysa(Karin News):- Loollanka ka aloosan Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi Dabadii ayaa cir isku sii shareertay waxaana si weyn arrintan ugu hirdamaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Ahna, Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Kulmiye iyo wasiirkii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.




Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo hor leh iyo kulamo-Duceedyo iska soo horjeeda oo ay labadan masuul ku qabteen magaalada Hargeysa kuwaasi oo ay ku meel marinayaan damacooda siyaasiga ah ee uu mid walba ku beegsanayo Booska Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi dabadii.

https://scontent.febb1-2.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

 

Sida ay noo xaqiijiyeen illo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhawaan aamusnaan ku soo galay Hargeysa kadib markii uu muddo ku maqnaa qaar ka mid ah dalalka Yurub islamarkaana fariimo uga soo diray Madaxweyne Biixi shirar uu halkaasi ku soo qabtay, ayaa tan iyo maalintii uu Dalka ku soo noqday, waxa uu shirar isdaba joog ah ku hayaa Guriga uu ku leeyahay Magaalada Hargeysa, waxaanay wararku sheegayaan in Siyaasi Maxamuud Xaashi uu arrintan taageero weyn ugu helay si weyna uu gacanta ugu hayo salaadiinta, cuqaasha, Ganacsatada iyo aqoonyahanka beesha uu kasoo jeedo, isagoo ku qanciyay damaciisa islamarkaana sawir kale u tusiyay damaca Maxamed Kaahin Axmed. Sidoo kale waxay warar aanu helnay ay daaha ka rogeen kulamo kuwan la mid ah oo uu Burco ku qabtay.



Sidoo kale, Maxamuud Xaashi ayaa sida lanoo xaqiijiyay, guddi dhaqameed culus iyo Ganacsato u diyaariyay inay la soo kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana ay hordhigaan halka uu dhigay heshiiskii iyo ballantii uu qaaday shirkii u dambeeyay ee Magaalada Burco ku dhex maray beesha Madaxweynaha iyo beesha Bariga Burco, taasi oo ku aaddan wareejinta Guddoomiyenimadda KULMIYE, Waxaanay wararku sheegayaan inaanu kulankaasi wali dhicin, islamarkaana uu suurtagali la’yahay.


Dhinaca kale, Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa isna waxa uu kulan toddobaadkan ugu qabtay Huteel Maansoor, qaar ka mid ah aqoonyahan Beeshiisa kasoo jeeda, waxaanu usoo bandhigay dalab uu kaga codsaday inay kala shaqeeyaan oo ay ku taageeraan Damac uu sheegay inuu ka hayo Guddoomiyenimadda Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi dabadii, waxaana uu sidoo kale ku booriyay oo uu kula dardaarmay inay illaaliyaan iskaashiga siyaasadeed ee u dhexeeya beeshiisa iyo Beesha Madaxweynaha isagoo dhinaca kalena faray inay ka fogaadaan wax kasta oo kala foganaya labada Iskaashaan buuraysi.



Sources Wargeyska Foore.
Loading...
LATEST NEWS