Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Fariintii Ay Sideen Weftigii Cuslaa Ee Ka Yimid Itoobiya.

0
Saturday 22nd February 2020 08:48:04 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Fariintii Ay Sideen Weftigii Cuslaa Ee Ka Yimid Itoobiya.

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Fariintii Ay Sideen Weftigii Cuslaa Ee Ka Yimid Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Fariintii Ay Sideen Weftigii Cuslaa Ee Ka Yimid Itoobiya.




Hargeysa(Karin News):-Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in weftiga dawladda Itoobiya ee wasiirka maaliyadda Mudane Axmed Shide hoggaaminayay aanay wax culays ah ku saarayn sidii Farmaajo u iman lahaa magaalada Hargeysa.





Wasiirka warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa BBC-da u sheegay in weftigu u socday arrimo ku saabsan dekedda Berbera iyo jidka Berbera Coridor, islamarkaana aanay jirin wax iska bedelay mawqifka Somaliland ee dhawaan madaxweyne Biixi ka sheegay baarlamaanka.
Image result for saleebaan yuusuf cali koore



Wasiirka oo la waydiiyay in weftiga Itoobiya culays ku saarayay sidii Farmaajo u iman lahaa Hargeysa ayaa yidhi "Wax allaale wax arrintaa ka jiraa ma jiro. Dawladda Somaliland iyo dawladda Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh aad u dhaw oo degaan ahaan iyo dal ahaan aan kala maarmin, waxa laga wada hadlayay danaha guud ee umadda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya haddii ay tahay ganacsi, DP World iyo Berbera Coridor waxaana cad oo meel looga leexdo lahayn in madaxweynaha Somaliland laba cisho ka hor sheegay mawqifka Somaliland taaggan tahay marka meel wasiir wax ka odhan karo way dhaaftay goleyaasha ayuu madaxweynuhu u sheegay siyaasadda Somaliland halka ay taaggan tahay iyo waxa umadda Somaliland rabto.”



Loading...
LATEST NEWS