Xisbiyada Dadka Lagama Eryo: W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Saturday 29th February 2020 16:17:28 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Dadka Lagama Eryo: W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Aduunka axsaabta siyaasaddu maaha goobo shaqo oo dadku usoo shaqo taggo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunka axsaabta siyaasaddu maaha goobo shaqo oo dadku usoo shaqo taggo
 , suuqyo ganacsi oo lagga baayac mushtareeyana maaha , Iskuulo iyo dugsiyo tacliin lagga bartana maaha , hassa yeeshee waa haayaddo dadka u samaysteen in la isula yimaado afkaaraha iyo aragtiyaha siyaasadeed ee la rabo in dadka lagga iibiyo , si ay u helaan aragtiyo la kala doorto .

Sidaa darteed Xisbiyadda aduunka waxaa ka dhex socda hirdano aragtiyeed oo aan dhamaadlahayn , kuwaasoo hadba koox iyo aragtiyaheeda lagga adkaado , ka dibna inta adkaataa aragtideeda u bandhigto dadwaynaha , inta lagga adkaadayna wuxuun bay sugtaa waqtigeeda sidaas ayuunbaa loolankaas aan dhamaadka lahayn loogu jiraa .



 

Waagii dhawayd ee doorashadda Maraykanka Xisbiga Dimuqraadigga waxaa ku tartamay marwadii Hillery Clinton iyo Odayga Sanders , loolankii dhex marayna meel xun buu gaadhay , madaxdii xisbiga iyo Madaxwayne Obamana Marwaday la safnaayeen , hassa yeeshee Sanders lama eryine aragtihiisii ayuun baa lagga codeeyey lagana adkaaday , isna kama waaline wuxuun buu isu daayay shacbigii Maraykan iyo Xisbigii Dimuqraadiga iyo marwadii u sharaxnayd ,wixii dhacayna waatii la ogaa .


Markii dooraashadii Hellery dhacday , markale waakan Sanders soo rogaal celiyay , Xibigii Dimuqraadigana madaxdiisi waxay wadataa odaygii Obame ku xigeenka u ahaan jirey ee Joe Biden , hassa yeeshee waxaa muuqata in Sanders maanta dadku la hayo oo xagiisa bishu u caano shubatay .

Sidaas ayaana aduunka oo dhan axsaabtiisu u qaybsan tahay oo xisbi waliba u leeyahay garabo tartan iyo xifaal ka dhaxeeyo , marbana garab ayuun baa xisbiga dhexdiisa ku adkaada , kaasaana lala shaqeeyaa .


Sidaa markay tahay , Aduunka xisbiyadda dadka lagama eryee , dadkaa la doondoonaa , waayo dadkuba waa kuwa laggu tartamayo hanashadooda iyo kasbashadooda , shuqulkan axsaabta Somaliland baratay ee ah in la yidhaahdo xisbi baa qof lagga eryeyna waa wax u gooniya axsaabteenan cajibka ah oo aan Aduunyadda inteeda kale ka jiran , marka lagga reebo xisbiyadda shuuciga ah iyo kuwa ka jirra wadamada xisbi keliyaalaha ah ee aan xisbiyadda badan lagga ogolayn sidda Shiinaha .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS