BUUR-KACAAN ( Sheeko xiiso badan!)

0
Monday 2nd March 2020 08:38:26 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BUUR-KACAAN ( Sheeko xiiso badan!)

    BUUR-KACAAN ( Sheeko xiiso badan!)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BUUR-KACAAN ( Sheeko xiiso badan!)

Ma ahayn in laga cabsado araggiisa, waxa ay ahayd in lagu farxo muuqiisa. Ma ahayn in uu dilo saydigiis, waxa ay ahayd in uu wax badan akhriyo si uu u yeesho dhaqan suubban. Mar hore ayay ahayd in uu fahmo nolosha waayo? wuu soddon jirsaday. Muxuu u falay waxaan oo dhan? Waxa ay ahayd in uu kala garto colaadda iyo nabadda, mase ahayn in uu colaadda ka faddilo nabadda. Muxuu u xigsaday dhankeeda? Mise waa mid uu caloosha kala soo baxay? Sidee buu caloosha ugala soo baxay? Haddaanu kala soo bixin Dirir looma bixiyeen. Haba loo baxsho Dirir, laakiin nabadda ayay ahayd in colaadda laga faddilo. Sow maaha in dhanka nabadda la xigsado? Waa ay tahay! Laakiin sug jawigu muxuu sidaan u yahay? Aaway daruurihii? Waataan cirkaba caad lagu arage?! Sida nabadda loo xabbadeeyay ayaa barwaaqadiina loo xabbadeeyay. Sidaas daraaddeed, suuragal maaha in barwaaqadu ka gudubto jidgooyooyinka cir iyo dhulba yaal. Ma waxa ay door biddday in ay maqnaato? Ma ay doorbidin ee cirka ayaa ay ka soo jalleecday dhulka. Dabadeed waxa ay indhaha saartay hub badan oo ku soo jeeda iyo kuwo badan oo isku jeeda.

 

Muuq xumaa magaaladu?! Jiingaddaas baa se ugu arag xun. Waa Jiingad xun oo daxalaysatay. Xun oo heedhe waa ay guuldarraystay. Si bay u dandarraysan tahay. Dusheeda waxaa saaran aqbo. Geed hindi wayn ayaa janjalka ku haya. Barina geed Yuhuud baa ka saaran. Daydka waxa uu ka samaysan yahay cooshado, caagag, gasacyo iyo jiingado mirir ah oo laysku kabkabay. Dabayshu waxa ay u ligligaysaa sidii laan hareeri oo gooni baxa. Waa jiingad ka kooban laba qol iyo berso. Guri laguma tilmaami karo, balse edeg magaalo ayaa lagu sheegi karaa. Dadka gabbaadsadaana waa uun iska aalo-dadeed. Waxaa ku nool reer Jiilaalsaday. Weligiisbuu jiilaalku kala tuuri jiray qoysaska, oo uu ragga u darnaa jiray. Maah maah door ah baa tiraa " Ragga iyo jiilaalku waa legdamaan waxaase laga raayaa hadda, ka ay naagtu la jirto" malaha jiingaddaan nin iyo jiilaal baa ku dagaallamaya, naagna waa ay isku daawanaysaa?



Haddii milicdu kululaato madaxa lama gelin karo. Haddii kale na waa shabaq xabbad lagala daalay waagii dagaallada. Isbitaalka xoogga ayay dhanka bari ka soo eegaysaa. Waxaa la moodaa in isbitaalku uu salaan madaxeed siinayo guriga, waayo? waxuu bari uga soo jeedaa sidii M S Barre bari uga soo jeesan jiray marka salaanta la siinaayo! Ma isbitaalkaa ciidankii xoogga ah? Mise jiingadda boloshay ayaa Maxamed Siyaad ah? midkoodna maaha lakiin barada ayaa ah tii salaanta lagu siin jiray M.Siyaad Oktoobbar walba. Guriga baas Roobka ma celiyo. Dhaxanta ma baajiyo. In kastoo dhammaan duruuftu caasimadda ka muuqato, haddana gurigaan ayaan darro ayaa ku habsatay, xitaa waxaa ka nasiib badan buush bariiska. Buush bariiska laguma qado, laguma gaajooda, lagumana harraado waayo Haayado ayaa Kaarar siiya, laakiin isaga maalmo ayaan dabkaba la daarin Kaarna laguma helo. Maxaa kaar la helaa? Qoys wada qulli xun baa guriga deggane!

Dharbaaxsho meel fog laga maqlay ayuu dhabanka yeersiiyay. Iyaduna inta indhaha isku qabatay sidii ri muhdi ah bay horey u gashay. Hal mar bay shaatiga jaf siiday; dabadeed galuusyuhu daateen. Gadaal ayuu uga baxay dabadeed inta iskala bixiyay ayuu daanka kale qabadsiiyay. Xaammilo iska wallacsan bay ahayde ooyin ayaa ay la fariisatay; dabadeed waa sara kacday. Waa fariisatay haddana, waa istaagtay. Dhagxaan bay aruursatay. Laakiin iyada oo aan hal xabbo ka tuurin ayaa ay meel dhigtay oo dabadeed ku kor barooratay. Ilmo ayaa ka gobo’laysay oo dhagxaanta ay meesha tubtay ku dul diflaysay—Waa intaasoo uu jug wayn gaarsiiyee in ay cabsato oo ay booydo dan baa ugu jirtay— Saddaxle biyo ah ayaa ay soo qaadatay, si ay isaga meyrto ilmada dhabankeeda ka qulqulaysa. Laakiin shanta farood ee ku sawiran biyuhu awood uma lahayn in ay tirtiraan, ilmada iyo carrada oo qura ayaa ay masixi karaan. Iyada lafteedu taa ma ay mooga. Waase moogtay hab-dhaqankeeda. Afar iyo labaatan saac war bay ku deelqaamisaa ama muran bay illinka ula fadhidaa. Wax uusan isagu isu tarin kuma tarto. Shay uma mayrto. Raashin uma suubbiso, carruur ma daryeesho. Waa ay barqo libaaxdaa. Gurigeeda waxaa la moodaa goob qashinka lagu fogeeyo marna waxaa la moodaa in laga guuray. Dhagax, bac, koob jaban, laf, maro, baakad sigaar, xaar iyo baaldi biyo la yaallaan ayaa reed walba yaal— Gayfan sida gurigeedu rasi u yahay uma ahan oo naag ka gaarisani ma jirto. Waxa ay sidaaas u yeelaysaa waa in ay iska furto Dirir. Xumaa marka xaalku sidaan u calwo.

 

Waa nin aan la arag isaga oo dhoolla caddaynaya. Dadku meesha ay ku sheekaysanayaan ma tago. Lama arko isaga oo sheekaynaya ama xitaa dhegaysanaya. Shaarbihii Hitleer oo kale ayaa uu daystay, gerna in uu weligiis ka soo baxay looma maleeyo. Carruurtiisu indhaha ayay ka qarsadaan, waayo waxa uu leeyahay fool naareed. Ardayda uu taariikhda iyo juquraafiga u dhigaana araggiisa ayaa ay ka naxaan. Fasalka markii uu soo galo ilaa uu ka baxo laba iskuma jeesato. Xitaa maammulaha iskuulka ayaa ka cuudu billaysta oo aan u riyaaqsanayn. Xiisadda markii uu ka baxo kaligii ayuu kursiga meel gees ah dhigtaa, haddii uu kursi waayona dhagax buu sal saartaa. Muuq ahaan iyo qof ahaanba markii aad qiimayso, qof aqoon leh oo xadaaradda reer galbeedka la jaan qaaday baa kuu sawirmaya. Dhexda ayaa u caynsan mar walba, shaatigiisuba duluf ha iska noqdee. Sigaarka maalinkiiba 10 xabbo oo dheerdheer buu qiicsadaa, haddii uusan lacag haysanna cid ma waydiisto, haashna ma raadiyo.


Ta kaliye ee lagu ammaani karo ayaa ah in uusan weligii haash cabin. Musalliinigii talyaaniga xukumi jirayba weligiis ma cabin. Xitaa Maxamed Siyaad Barre weligii haash ma cabin. Waxaa jirta qaaciddo u taal ragga qallafsan, taas oo tilmaamaysa in sigaarku xaaraam yahay marka aadan iibsan karin.

Aad buu u daawadaa filimaanta millatariga, shirqoolka, sirdoonka iyo qallafsanaanta laga jilay. Haddii ayba dhacdo in uu sheekeeyo, wax aan shirqool iyo dil ahayn kama sheekeeyo. Filimkii IN THE LINE OF FIRE ayaa uu sheekadiisa xafidsanyahay. Kii Makiiti (MACHETE) oo lagu shirqoolay Sanatarkii Taxas ka soo jeeday ayuu xog ka hayaa. Kan kale ee magaciisu yahay THE MAN WHO KNEW TOO MUCH—Ninkii aadka wax u ogaa— isaga laftiisa wuu garanayaa, waxaaba la dhihi karaa waa uu ku saamoobay daawashada aflaamta shirqoolka iyo sirdoonkaba isugu jira.

 

Kor kor buu tinta u shanlaystaa, laakiin in uu biyo ku qooyo maahee weligiis saliid ma taabsiin. Maaddaamma uusan ninkani jixin jixin islaantii waxa ay go’aan ku gaartay in ay iska furto laakiin furriin ka hor ay dhibaato u geysato. Dhowr jeer oo horeba sidaas waa ay ku fikirtay laakiin maanta arrinku in lagu fikiro wuu ka wayn yahay.

Fag bay tiri. Daaraha Afrikada ayaa ay gadaal ka martay. Guri u dhow Masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaa ay gargaraacday. Laba wiil oo adeerkeed dhalay bay ka soo kaxaysatay. Mid baa xabadkiisa la moodaa shaf maroodi. Shaf Wiyileed buu leeyahay. Weliba marka uu soconayo xabadku gaar buu u dhaqaaqayaa, jirka intiisa kalena gaar. Yaa u sheega Alla yaa u sheega?! Oo u sheega Alla yaa ogeysiiya? Ninkii caatada ahaa in la kala jebin doono sidii laan caduur uma dheera. Waraf iyo shimbiro war isuma hayaan. Xabbad iyo ninkay dili rabtona war isuma hayaan. Weer iyo riduu qaadi raboba war isuma hayaan. Xabadwayne iyo Dirir Heybena yaa u kala warrama oo isaga warrama? Intii ay waddada ku sii jireen waxa ay dejinayeen qidaddii ay ninkaa ku dili lahaayeen. Xitaa waxa ay ku tashadeen in ay nafta ka gooyaan oo ay ku duugaan god ay naagto mar horeba ka qodday dhabarka dambe ee guriga.

 

Ninkii oo geed wayn hoostiisa quurinaya ayay dul keentay. Laad bay hurdada uga kiciyeen. Waa nin dhiillo qabaye, ninkii ayuu ku haaday. Inta cirkaas u diray ayuu dhulka laba cad uga dhigay. Korka ayuu uga dhacay. Dabadeed si arxan darro ah ayuu sanka uga garaacay. Dhiig buu sayray. Iligta hore waa uu ka jebiyay, ninkii la socdayna waxa uu ku dhici waayay in uu taako u soo qaado dhankiisa. Dhanka albaabka ayuu xigsaday si uu u helo meel bannaan oo uu ku cararo; haddii ay dhacdo in ninku ku soo ordo. Illinka kaliya kuma ekaane bannaanka ayuuba u baxay, dabadeed duleelka ayuu isha soo saartay. Halkaas buu sidii filimkii uga daawanayay hoogga dhacaya.



Naagtu feer dhiileed aan waxba u dhimayn ayaa ay mar dambe gadaal uga billawday. Ninka afka iyo sankaba dhiig baa ka baxaya. Wuu ooyayaa sidii cunug yar oo inta subac gefay macallinkiisii ul ku xaskulinaayo. Wuu ka dul kacay, dabadeed, kii duleelka ka soo eegayay ayuu isku miigay. Inta uusan albaabka soo gaarin ayuu ka soo jeestay salaan saarka, halka dagaalku ka socdayna waa afaafka hore ee isbitaalka xoogga. Naagtii waa ay carartay iyana. Wiilkii isaga oo wada dhiig ah oo ilig laalaado isla markaasna luudaya ayuu albaabka ka baxay. Wiil 14-jir ah ayaa ooynaya. Waxa uu garan la’yahay cid uu u hiilliyo ama ka hiilliyo. Xumaa marka hooyo iyo aabbe is dagaalaan! Xumaa marka hooyo dhafoorrada dhakaaryo loogu shubo. Xumaa marka aabbe, abti ku durduriyo, oo uu weliba ilig iyo labo ka jebiyo. Wiilku wuu calool xumoonayay, waxaa sidaas oo kale ooynay gabadha curadda ah ee reerka— Idman— laakiin ooyintoodu ma ahan mid jixin ku abuuraysa Dirir Beyle oo ah aabbaha dhalay.

Meeshii ugu xumeed ayuu xaal ka marayaa, noloshu waa ay ku cakirantay. Weligeedba ha cakirnaato. Ninku ilig ha ka jabo mooyee ha dhinto. Naagtu hadda cunugga ha soo riddo. Hadday doonto ciddeeda oo dhan ha soo wadato, iyaguna hub kii ugu casrisanaa ha soo qaataan. Ilmuhu ha ooyaan ama ha aammusaan. Ina Bayle ma ahan nin waxaas qora ama akhriya.

Carruur isuma talido ah ayaa ku nool. Kaaga darane odoyaal ayaa galabta u fadhiya gar muddo soo jiitamaysay, taas oo ku saabsan furrin reerka lagu kala gaynayo. Hooggi beri dhowayd dhacayay ayaana saldhig u ah kala haadka la saadaalinayo in uu reerka ku dhaco. Dirir ku naag waayo, Geyfanna ku garoob noqoto. Ka gadaal diidmo adag oo Geyfan kala hortimid baryo badan oo odoyaashu u soo jeediyeen. Waxaa Dirir ku dhawaaqay dalaaqo sina u naxdin badnayd, sina u dhib badnayd. Hal xabbo kaliya maahee saddex aan kala harin oo karaahiyo xambaarsan buu si caro leh ugu dhawaaqay, oo dhawaaq kuu roone weliba ku naadiyay. Reer muddo dhisnaa ayaa dumay. Carruur iska rafaadsanaa ayaa ku barbaarin beelay; sidaa daraaddeed, qof kasta isaga oo aan faraxsanayn ayaa uu albaabka ka baxay.

Waxaa la galay maalmo qaab daran. Hooyadu si walba oo ay u xuntahay haddii ay guriga ka tagto waa laga dareemaa, waayo? haddii aannay guriga shaqo ka qaban inkee qalbiga ayaa ay boos bannaan ka buuxinaysaa. Haddii aanay iyadu wanaagsanayn joogisteeda ayaan laga maarmin, haddii dadka gabalkii ka maarmi karona awlaadda ay dhashay kama maarmi karaan, sidaas si la mid ah iyaduna laabta ayaa ay uga ololaysaa sida hasha geeluba ugu ulosho cunuggeeda.

Gurigaan waxaa lagu tilaami karaa JIINGADDII AYAANKA DARNAYD! Waayo? duruufta ka muuqata mid la mid ah ayaa laga dheehan karaa shanta cunug iyo aabbohoodba. Sannad baa dhammaaday—waa 2012— mid kalena waa uu billawday. Dirir waa hooyo waana aabbe, mushaarka yar ee uu iskuulka ka qaato shilin uma wehliyo. Nasiibdarro se inta aannay bishu shan gaarin ayuu faramartaa. Waxba isma ay biddelin, haddii aannay isbeddelayn soow maaha in la raadiyo wadiiqo wax isku beddeli karaan? Is-beddelka ma la sugaa mise waa la sameeyaa? Dirir waxa uu qoonsaday in uu isbeddelka raadiyo.

Waxa uu billaabay in uu fikiro. Qof dayoobay ayuu u fool ekaaday. Gabayo allifid iyo suugaan tirin buu billaabay. Carruurtii uu waxbari jiray ayuu billaabay in uu suugaanta ku dul tiriyo, dhaqan ay la yaabeen buu ku noqday oo weligood ma ay filan in macallin Dirir sidaan gabay ugu luuqayn doono. Kaaga darane furfurnaanta iyo bashaash nimada meel uu ka keenay baa la garan waayay. Qof kasta ayaa la yaabay kuna farxay sida Dirir isu beddelay.

Akhriska buugaagta ayaa uu billaabay. Buug suugaameed walba oo af-soomali ku qurnaa buu dusha ka xafiday. Buugaagtii galbeedka iyo bariga ayuu u dhaadhacay. Noofal qiimo iyo xiiso leh oo uusan dalban ma jiro. Noofalkii uu qoray qoraaga reer Kolombiya ee ahaa " One hundred years of Solitude” ayaa uu maalmo ku aqriyay. Noofalkii caanka ahaa ee "Things Fall apart” ayuu ku xijiyay "Tiger’s wife” ayuu isna laqay. "Maanafaay” Adeegto, Ayaandaran iyo buugaagtii Aroomo ayuu isku daba xiray. Sannadkaas, waxa uu ahaa ninka ugu sheekada badan meel walba oo la fariisto, si taxaddar leh ayaa loo dhegaysan jiray sheekooyinkiisa. Maammulihii iskuulku waa uu jeclaaday, 150$ ayuu mushaar ahaan uga qaadan jiray iskuulka, laakiin hadda waa la dallacsiiyay oo 350$ ayuu qaataa. Gelinka danbe haddana shaqo soo dhowayn ah ka helay Hoteel Sahafi. Shaqadaas waxa ay sii bartay furfurnaan xad-dhaaf ah, gabi ahaanna waxa uu dhigay dhaqankii qallafsanaanta, waxa uuna galay jawiga maadda iyo sheekada, jawiga furfurnaanta iyo Bashaash nimada. Mushaarkii waa u beekhaamay.


Gayfan sannad haddii la joogay welina aan la guursan, oo guursi iska daaye aan nin la hadlaahi jirin, waxa ay garawsatay nabsi ay gashay. Gafkii Dirir ay u gaysatay baa maanku weeleeyay; dabadeed inta fag tiri bay Dirir ugu tagtay Guriga. Iyada oo iska dhigaysa hooyo soo eegaysa carruurteeda, kolkaas bay Dirir ku dul oyday. Isna wuu dhib qabaye si fudud buu ku aqbalay, laakiin waxaa laysku dhaarsaday nolosha iyo dabeecadahaba in wax laga beddelo, si aan isku dhac danbe u soo laaban. Dib dib baa laysugu mahriyay Dirir iyo Gayfan, mashaqooyinkii oo dhanna waa la xalliyay. Jiingaddii xumayd waxa ay isu beddeshay fillo, waxaana sabab u ah nolosha is beddeshay ee Dirir. Qoyskii waxa ay ku naalloodeen waayo qurux badan. Waa la bullaalay. Calool sami ayaa lagu caana maalay. Adduunyadiina waa is furfurtay, sida uu Dirirba isu furfuray.

 

FG: Buur-kacaan, waa dalcaddii ay ku gaardin jireen ciidankii xooggu marka la gaaro maalinta kacaanka-- 21-Oktoobbar-- Xamar bay ku taallaa, waa dalcad yar oo uu ku yaallo isbitaalka xooggu, markii dalcadda laga soo degana waxaa hoos ku yaal "Salaan saarka" oo ah halkii uu Fariinsan jiray ama salaanta lagu siin jiray madaxwaynihii iyo hoggaamiyihii kacaanka AUN Maxamed Siyaad Barre, maadaamma goobtu tahay meel ku calaamaysan kacaankii ayaan sheekada ugu magac daray " Buur-kacaan"

 

W/Q: Cabdisalaan Ceeryaamo

[email protected]

Muqdisho-Soomaaliya


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS