Doodii dhexmartay Diiriye Dalbaq iyo Mulaaxo Xaaji Makaawi, Qaybtii 2 aad!!!!!!!!!!!

0
Friday 27th March 2020 12:54:57 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doodii dhexmartay Diiriye Dalbaq iyo Mulaaxo Xaaji Makaawi, Qaybtii 2 aad!!!!!!!!!!!

    Mulaaxo: haddii ay Somaliya aqbalayso inaynu noqono labo dal oo jaar ah oo walaalo ah, oo kala madax banaan waanu la hadlaynaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mulaaxo: haddii ay Somaliya aqbalayso inaynu noqono labo dal oo jaar ah oo walaalo ah, oo kala madax banaan waanu la hadlaynaa,

 





haddii kale aan sidaas iska kala ahaano.

Diiriye Dalbaq: Mulaaxoy, meesha caqli kuma haysid, nimankan reer koonfureed iyagaa magacii dawladnimadii Soomaaliyeed ku shaqaysanaya, oo dunidiina kula macaamilaya sharciyadii dawladnkmadii Somaaliyeed, waad aragtayoo hawadii waxay kula wareegeen magaca dawladdnimada Soomaaliya, adhigii aynu dhoofin jiray ayaa muran galay, arimo badan baa qasan Mulaaxo, siyaasadana waxbaad ka yara taqaanaye, is qaluuf, iyo Gooni baanu isu taagnay haday socon wayday, miyaanay kula ahayn inaynu la nimaadno qorshe kii hore ka duwan, illeyn, waxaa la yidhi hadaad Dayax waydo xidigahaa lagu gudaaye!!!








Mulaaxo; Qorshe kale oo maxay ah, bal sheeg adigu qorshaha kale ee aad hayso, ee aan ahayn kaas aan kuu sheegay!!!

Diiriye Dalbaq: anigu qorshe balaan bii ah (plan B) ah ayaan hayaaye, mar haddii balaan A-gii (Plan A) hore soo oodmay, waxaanse ka baqayaa inaad igu weyraxdo hadaan kuusoo bandhigo!!! kkkk

Mulaaxo; Ahahaha, Adeer horta wax soo oodmay baan jirin, balse qorshe nacas uun yuu noqon!!!! ee bal sheeg.

Diiriye Dalbaq; nimankaas reer Koonfureed aynu ku nidhaahno, haddii aad shuruudahan fulisaan waynu midoobi karaynaa;

1. Caasimsdu waa inay Burco noqotaa
2. Xubnaha Barlamaanku waa inuu kala badh inoo noqdaa
3. Markaad madaxweynaha qaadataan, waxaanu yeelanaynaa Raissl Wasaaraha
4. Hanaanka aynu wax ku qaybsanaynaa waa hanaan ku dhisan labadii gobol ee waqooyi iyo Koonfur oo Federaal ah, ma aqbalayno inaynu wax la qaybsano tobankan dawlad goboleed ee aad isu feeraariseen, anagu reer koonfureed baanu idiin wada naqaanaa, ee dhinac naga wada mara, sidaas aan ku dhahno.

Mulaaxp: waar horta goormaad dhalatay,?

Diiriye Dalbaq: maxaad ka rabtaa goortaan dhashay?

Mulaaxo: sidii caruurtii baad u hadlaysaa, maba taqaanid reer Koonfureedka, shuruudahana mid qudha ka aqbali Maayaan, ee ninyahow orodoo geelaagii qabo, wax aanad waxba ka garanaynin ha ku xiiqine!!!!

La soco Qaybta 3 aad. ee Dooda Mulaaxo iyo Diiriye Dalbaq, oo ah ah labo qof oo aan cidina diran, balse, iskood isu xilqaamay!!!!!!!!!!!!!!! kee baase kula saxan markaad doodooda eegto?

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS