[Akhri:-] Qofkii Ugu Horeeyay Ee Somali Ah Ee U Dhintay Xanuunta Coronavirus Oo Iminka Oslo Norway Lagu Aasay

0
Tuesday 31st March 2020 14:35:12 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhri:-] Qofkii Ugu Horeeyay Ee Somali Ah Ee U Dhintay Xanuunta Coronavirus Oo Iminka Oslo Norway Lagu Aasay

    Akhri:- Qofkii Ugu Horeeyay Ee Somali Ah Ee U Dhintay Xanuunta Coronavirus Oo Iminka Oslo Norway Lagu Aasay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhri:- Qofkii Ugu Horeeyay Ee Somali Ah Ee U Dhintay Xanuunta Coronavirus Oo Iminka Oslo Norway Lagu Aasay


 

 




Oslo (Karin News):- dadku waxey isu jireen 1m ,waxaana la mamnuucay in gacanta la iska salaamo
Xaaji Ahmed Farah cali Bahal oo ku geeriyooday jimcaddii lasoo dhaafay ayaa maantay lagu aasay qabuuraha Alfaset ee Oslo , waxa soo abaabulay Janaazadda Guddi isku xilqaamay oo asaasay Group WhattsApka ah oo lagu magacaabo (Jamaacadda khayrka) maalmo kooban gudahood ayay isku keeneen xubno gaaraya 130 qof si wacyi galin iyo xog isdhaafsi loo sameeyo,

 

 

 

Waxaa dadka loo sharaxay sharciga la marayo aasitaanka kaas oo ah mid horay aysan dadku u aqoon , haddaba sharcigaas ayaa adkaynaya dadku in aysan isku dhawaan , waxaa kale oo mamnuuc ah in 50 qof kabadan aysan imaan karin kullan si taas loo ilaaliyo ayaa dadka laga codsaday in qofkii gaari soo qaadanaya uusan qaadi karin 1 qof kabadan waa haddii aysan isku meel daganayn, waxaa kale oo guddigu codsadeen dadka cudurka halista ugu jira iyo caruurta in aysan imaanin aaska , si taas loo hirgaliyo ayaa waxaa lasameeyay qol whattsApp ah oo gooni u ah dadka aaska aadaya waxaa la waydiinayay dadka in ay shuruudii buuxiyeen ,








 

 

Ugu danbayn dadkii shuruudaha buuxiyay ayaa loo sheegay waqtiga salaadda iyo meesha lagu tukanayo , markii dadkii aysoo xadireen ayaa markale la xasuusiyay sharciga , safafka salaada waa lakala fogeeyay labada qof ee isugu dhaw ayaa waxay isku jireen 1M , waxaa la mamnuucay salaanta gacan qaadka ah intaas kadib waxaa la doortay lix qof oo qaada maydka , waxaa ciidda ku rogay caga-cagaf halke lixdii qof ee qaaday loo ogolaaday in ay badeel ku simaan qabriga , dadku aad ayay sharciga u raacayeen waxaana ka muuqday taxadar ballaaran sidaas ayuuna kusoo gaba gaboobay aaskii marxuum xaaji ahmed cali oo ahaa qofkii 1aad ee Somali ah ee u geeriyooday cudurka coronavirus laguna tukadda salaadd.ala ha u Naxariisto AmiiiiiiiN

 

 

Xasan Rasta

Oslo Norway



Image may contain: outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, tree, sky, shoes and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, sky, shoes, tree, outdoor and nature




Loading...
LATEST NEWS