"Aniga"W/Q: Ahmed Muse Ismail.

0
Saturday 30th May 2020 14:46:46 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Aniga"W/Q: Ahmed Muse Ismail.

    Qofka raba isbedel waa in uu carrabkiisa ka tirtiro erayga "Aniga", kelmeddaas Shaydaan baa ku dhaqma. Garab istaag bulshada toostey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka raba isbedel waa in uu carrabkiisa ka tirtiro erayga "Aniga", kelmeddaas Shaydaan baa ku dhaqma. Garab istaag bulshada toostey.

iminka siyaasi u ma rarna, waa dad korran, xujo wal oo ay cuskanayaan waxa ay ku bardaamiyaan daliil naqli iyo mid caqli ah, ma aha dad hiin raac ah, gurdan raacna ma aha, sidoo kale la gu ma xanto dameeri dhaan raacdey.

Mawduuca doodoodu waa ku heeraab sare iyo hir fog ka hadlaaya, xuquuq la duudsiyey, iyo mas'uuliyad gaabisey baa ay xisaabteeda gurayaan.

Jiilka garashadooda aan la yasin, carruur xaajo gal aan ahayn oo la gu sheegin, oo ilbax ah ayaa baadidan raad guraya. Dawladnimo waa midda ay damaqdo dhibka bulshadeedu, waa dabxeer iskaga gudubta xanuun wal oo qoomi kara shacabkeeda.

Bulshada Soomaalilaan waa nin dhergay oo cunto nafaqo leh dheefsada, guri dugsoonna u hoyda, gaadhi 100 kun oo Dallar na ku daanshooda iyo qof ay dubatey oo mar qad iyo mar dhereg ay u joogto, dad macaluul darteed duruuftu u geyso nolol dadnimadu ka sheexdo.

Dhawaaqii diiranaa ee danaha Burco siday, kuwii sida dhimbiisha dabeed u xanuunjiyey golaha sare ee go'maada dalka la ga qaato, in wiiqo waa ayaan darro, waa doqoniimo in carrabka dad leh "Aniga" la gu turunturreeyo.

Burco Aamusi mayso, haddii Xildhibeenkii wakiiladeedu gabay, Burco qidhim ahaan mayso haddii wasiiradeedu ka hagoogteen, Burco ka la qaybsanaan mayso iyadoo baahan, iyadoo bukaan ah, iyadoo baylah la il daran. Burco ilaha dhaqaale oo dhan waa la ga awdey, dib u dhac baa la gu beeray, habkii ay asaageed u ga hadhi lahayd baa loo dhigey.

Dhallinta u kacday ee dareentey in aan masiirkooda odey , kaabo qabiil, koofiyad bacle iyo nin dhadhamo raac ah ay ka taliyaan, facaasi wey diideen in ay quudhsi ku noolaadaan, wey diideen in been loo kala sheego, iyagaa cadow kuu ah iyo colaado la isu gu beero waa ay ka weynaadeen, shucuur biriir leh, oo indho fiiqan baa ay la soo baxeen.

Danta dalka ayaa ku jirta in aad gacmaha is qabsataan , waa guusha qaranka oo idil, in maslaxadda bulshada qayrkeed gudub eridaan ayaa yool idiin ah, maya ee in aad gadhwadeen u noqotaan Ummadda Soomaalilaan.

Xasanku Xasankaad Mooday Maaha "Burco"



Waxa Qoray Axmed Muuse Ismaaciil.

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS