Xog Cusub Oo Laga Helay Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Ee Nolosha Ninkii Madowga Ahaa Ee Lagu Dilay Maraykanka.

0
Friday 10th July 2020 07:35:07 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Cusub Oo Laga Helay Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Ee Nolosha Ninkii Madowga Ahaa Ee Lagu Dilay Maraykanka.

    Xog Cusub Oo Laga Helay Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Ee Nolosha Ninkii Madowga Ahaa Ee Lagu Dilay Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog Cusub Oo Laga Helay Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Ee Nolosha Ninkii Madowga Ahaa Ee Lagu Dilay Maraykanka.


Caddeymo la horkeenay maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa muujinaya in askarigii booliska ahaa ee qoorta ka saaray jilibka in uu George Floyd ku amray in uu aamuso oo hadalka uu joojiyo. Qoraal laga sameeyay xogta laga helay kaamerada ku rakiban askarta ayaa lagu ogaaday in ninkaas madow ee aan hubeysneyn uu oynayay, kuna dhawaaqaya magaca hooyadiisa iyo caruurtiisa, waxaana caddeymahaas soo bandhigay mid ka mid ah qareennada u doodaya askeri ka tirsanaa afarta nin ee dilka loo haysto.




Xogtan waxay si cad u soo bandhigeysaa il-biriqsiyadii ugu dambeeyay ee nolosha George Floyd. Dhacdada dilka oo la geystay bishii May waxay abuurtay caro dunida oo dhan ku baahday. Waxay horseeday mowjado dibadbaxyo ah oo ka dhan cunsuriyadda oo ay sameyanyeen dadka madowga iyo dadyow kale, waxayna dhalisay dood la xiriirta adoonsigii dadka madowaa ee dalka Mareykanka.


Dhammaan afarta askeri ee ku lug lahaa dilka Floyd waxaa laga joojiyay shaqada, waxaana loo taxaabay xabsiga. Derek Chauvin oo cunaha kaga istaagay George Floyd wuxuu wajahayaa dhowr dembi oo uu ka mid yahay dil heerkiisa darajada labaad yahay, sidoo kale saddexda kale ee lagu kala magacaabo Thomas Lane, J Alexander Kueng iyo Tou Thao waxaa loo heystaa dembi ah in ay gacan ka geysteen dilka. Xogtan ayaa la soo bandhigay maanta, waxaana qareenka Thomas lane uu dalbaday in kiiska loo heysto meesha laga saaro.

Digniin: Akhriste, waxaa laga yaabaa in aad dhibsato qeybo ka mid ah qoraalka

Maxaa ku jira qoraalka?

Illaa iyo hadda, muuqaalo laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga ogaaday oo keliya wixii dhacay maalintaas iyo dhimashada Floyd. Qoraalka cusub wuxuu bannaanka soo dhigay fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen min bilow ilaa dhammaad oo laga gaarayay in la isku deyo in Floyd loo soo celiyo neefsiga.


Qoraalkan laga soo min-guuriyay kaameradii ku rakibneyd Mr lane iyo Kueng waxaa ka muuqda in Floyd uu labaatan jeer ku celceliyay in uusan neefsan karin intii uu hayay askeriga booliska ah. Waxay arrinta ka dhacday bannaanka dukaan ka dib markii looga shakiyay inuu $20 dollar oo been-abuur ah uu isku deyay inuu sigaar ku iibsado. Waxayna gaartay heer gacmaha laga xiro Floyd, dhulkana lagu dhuftay, dhuuntana laga saaray jilib sababay in uu naqaska ku dhego. Wuxuu dhahayay: "Ninyahow waan i dili rabtaa."


Mr Chauvin oo ka soo muuqday fiidiyowga ay duubtay haweeney wadada mareysay ayaa la arkay isagoo jilibka cunaha kaga haya George Floyd, ku dhawaad 8 daqiiqo, "waxaana askariga uu lahaa aamus ha hadlin, qeylada daa".

.

Xogtan ayaa laga dheehan karaa in Floyd uu u hogaansamayay amarka booliska, waxaana marar badan la maqlay isagoo raaligelinaya booliska ka dib markii ay ugu yimaadeen baabuurkiisa dhexdiisa.


Mr Lane ayaa Floyd ku dhawaa 10 jeer weydiiyay in uu gacmahiisa soo bandhigo, si loo jeebeeyo, kahor inta aanan lagu amrin in uu baabuurka ka soo dego. Qeyb ka mid ah caddeymaha la soo bandhigay waxay muujinayaan in Floyd uu ku qeylinaya ma neefsan karo, waxaana u jawaabay mid ka mid ah askarta oo dhahaya "dhinaca kale ma u geddin karnaa".

Maxaa xogtan hadda loo soo bandhigay?

Xogtan qoraalka ah waxaa lagu xoojinayaan kiiska lagu difaacayo askeri Lane oo doonaya in dacwadda isaga ka dhanka ah meesha laga saaro. Askerigan ayaa la sheegay in uu dhawaan ku soo biray shaqada booliska. Qareenka Mr Lane oo lagu magacaabo Earl Gray oo dukumentiyada horgeeyay maxkamadda ayaa ku andacoonaya in aysan caddaalad ahayn in Lane lagu soo daro dacwadda loo heysto askarta kale.


Macluumaadkan cusub ee ku saabsan George Floyd, waxaa sidoo kale qeyb ka ah wareysi uu xafiiska dembi baarista la yeeshay Mr Lane oo isagoo qoraal ah loo gudbiyay maxkamadda. Mr Lane wuxuu qiray in uu la soo baxay bastooladdii uu watay, Floyd na uu ku amray in uu soo saaro gacmahiisa, ka dib markii uu u tagay isagoo gaarigiisa ku dhex jira.

.

Sawiro laga soo qaaday aabuurka George Floyd waxaa ay muujinayaan lacag doollar ah oo ku dhex daadsan gaariga gudihiisa. Muuqaalka aadka looga argagaxay ee laga duubay ninkan 46 sano jirka ahaa markii uu dhimanayay, ayaa muujinaya wixii dhexmaray booliska Minneapolis iyo George Floyd - Markii askarta ay qabanayeen iyo illaa uu ka dhintay.

Maxaa dhacay 30-kii daqiiqo ee ugu dambeysay?

Dadkii goob joogga u ahaa dhacdadaas iyo muuqaalladi laga duubay waxaa la ogaaday arrimahan hoos ku xusan.

George Floyd dukaan lagu magaacbo Cap Foods ayuu ka iibsaday sigaar. Shaqaalihi dukaanka ka shaqeynayey ayaa booliska wacay una sheegay inuu Floyd uu siiyey 20 doolar oo bug ah.

George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanada badan ku noolaa Minneapolis.

Floyd's face on a mural in Berlin, Germany

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,

Warshaxanno laga sameeyay wejiga Floyd ayaa lagu dhejiyay meelo kala duwan oo daafaha caalamka ah, sida midkan oo Berlin lagu sameeyay.

Wuxuu wakhtiyadi ugu dambeeyey uu ka shaqeeynayey maqaayad inkastoo si la mid ah malaayiinta qof ee Mareykanka ku nool uu saameeyey Covid-19 oo uu shaqa la'aan ahaa.

George wuxuuna in mudda ah uu macamiil u ahaa dukaanka Cup Foods oo uu inta badan wax ka iibsan jiray.

Mulkiilaha dukaanka Mick Abumayeleh wuxuu NBC u sheegay inuu dukaankiisa macamiil u ahaa, uuna ahaa nin ixtiraam badan oo dadka aad u soo dhaweysta. Balse maalinta ay dhacadaasi foosha xun dhaceysay mulkiilaha dukaankiisa wuu ka maqnaa.

Wiil dhalinyara ah oo dukaanka ka shaqeeya ayaa ka shakiyey 20-ka doolar uu wax kaga iibsaday Floyd kadibna wacay lambarka booliska 911. Sida ay tilmaameyso xogta laga helay diwaanka wicitaanka la duubay ee boolisku keydiyay wiilka yar ayaa booliska u sheegay inuu ka dalbaday Floyd inuu u soo celiya sigaarka, balse Floyd-na uu diiday.

Wiilka dukaanka iibinayeyna wuxuu intaa ku daray George Floyd inuu u ekaa qof khamreysan, oo ahaa qof aan iskoontarooli karin.

8 daqiiqo marki ay ka soo wareegtay xilliga Booliska la wacay ayey boolisku goobti laga soo wacay soo gaareen. Xilligaasina George Floyd iyo laba qof oo kale ayaa gaari taagan ku wada jiray.

Booliska marka ay gaariga ku dhawaadeen waxaa qori la soo baxay askariga lagu magacaabo Thomas Len i Floyd oo ku amray inuu gaariga ka soo dego. Ma cadda sababta askariga ku kalliftay qof aan hubeysneen inuu bistoolad ula soo baxa

Thomas Len oo xeer ilaaliyaha uga warramay wixi dhacay wuxuu sheegay "inuu ku yiri gaariga ka soo deg " intaa kaddibna "George Floyd diidmo ayuu muujiyey taasoo horseeday in gacmaha laga xiro" ayuu yiri.

14 daqiiqo kaddib ayuu Derek Chovin oo ah askeriga dilay Floyd uu goobta soo gaaray.

Isaga iyo askari kale xilli ay isku dayayeen iney gaariga booliska saaraan, ayuu Chovin, George Floyd daqiiqaddi 19-aad uu dhulka ku celiyey jilibkana uu qoorta ka saaray.

Gabar dhacdadaasi goob joog u ahayd waxay duubidda dhacdada billaawday George Floyd marka u dhulka ku dhacay isaga oo gacmaha ka xiran.

George wajigiisa aragagax iyo degganaasha la'aan ayaa laga akhrisanayey. Daqiiqadihi noolashiisa u dambeysayna muuqaalka caalamka oo dhan gaaray ayaa laga dheehanayaa.

Muuqaalkana waxaa lagu arkayey George oo leh "waan neefsan la'ahay" mararka qaarna wuxuu ku dhawaaqayey "hooya iga soo gaar", "fadlan, fadlan, fadlan" isaga oo leh.

Xogta laga helay xeer ilaaliyaha kiiska gacanata ku haya waxay sheegeysaa ku dhawaad 9 daqiiqo (8 daqiiqo iyo 46 ilbiriisi) askariga inuu Floyd jilibka qoorta kaga hayey.

.

8 daqiiqo marka uu askariga jilibka kaga hayo qoorta Floyd ayuu George dhaqdhaqaaqi gabay. Askari ka mid ah ayaa isku dayay inuu gacantiisa midig uu ku fiiriyo garaaca wadnahiisa balse wax dhaqdhaqaaq ah ma lahayn. Hase yeeshee, weli askarti booliska ahayd jirka Floyd kama dul kicin.


Daqiiqaddii 27-aad ayuu askarigi jilibka ka qaaday jirka dhaqdhaqaaqa gabay ee George Floyd.

George Floyd ambalaas ayaa lagu qaaday waxana la geeyey isbitaal balse saacad kaddib Floyd ayaa la sheegay inuu geeriyooday.

Christopher Harris oo ay Floyd saaxibba ahaayeen wuxuu sheegay dhimashada George Floyd maalin ka hor mar ay sheekeysanayeen uu u sheegay inuu raadinayo shaqo ku meel gaar ah.

"Dilka loo geystay waa mid arxandarra ah", ayuu yiri Harris. "In muddo ah wuxuu askarta ka baryayey iney naftiisa badbaadiyaan. Marka aad kalsooni siiso nidaam aan adiga laguugu talagelin natiijadu sidan ayey noqonaysaa. Marka aad caddaalad heli weydo adigoo raacaya sharciga, waxaad billaabeysaa in si bilaa sharci ah aad caddaaladda ku raadsato.

Loading...
LATEST NEWS