Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Muddo Kordhin Xukuumaddooda Loo Sameeyo.

0
Friday 10th July 2020 09:04:07 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Muddo Kordhin Xukuumaddooda Loo Sameeyo.

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Muddo Kordhin Xukuumaddooda Loo Sameeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Muddo Kordhin Xukuumaddooda Loo Sameeyo.


Ra'iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay waxyeellada ka dhalan karta muddo kororsi ay sameysato dowladda. Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay mowqifkiisa, isagoo sheegay "inuusan oggolaan doonin muddo kordhin, doorashaduna ay xilligeeda ku dhici doonto".



"Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur", ayuu Ra'iisul Wasaaruhu yiri. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay fahansan tahay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo waqtiga doorashada iyo in loo hoggaansamo dastuurka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay in kalsoonida shacabka ay muhiimad weyn leedahay.

Sanduuq codeyn


Dhammaan xubnaha golaha wasiirrada ee goob joogga ka ahaa kulankaas ayaa isku waafaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dardar galinta howlaha doorashada.


Loading...
LATEST NEWS