[Akhriso:-] Xisbiga WADDANI Oo Shaki Galiyay In Ay Si Socon Karaan Wada Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya.

0
Friday 10th July 2020 09:19:31 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso:-] Xisbiga WADDANI Oo Shaki Galiyay In Ay Si Socon Karaan Wada Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya.

    Xisbiga WADDANI Oo Shaki Galiyay In Ay Si Socon Karaan Wada Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga WADDANI Oo Shaki Galiyay In Ay Si Socon Karaan Wada Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya.



Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa shalay markale ka hadlay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, xilli ay gebi ahaanba baaqdeen kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadalladaasi oo ka furmayey dalka Jabuuti ee ay yeelan lahaayeen Guddi hoosaadyadu, isaga oo sheegay xisbiga WADDANI in wada hadalladaasi u muuqdaan kuwo aan rajo badan lahayn marka laga hadlayo sii socoshadooda.




Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu shaki galiyay inay sii soconayaan wada-hadallada labada dhinac, maadama ay Soomaaliya si cad u jabisay heshiiskii hordhaca ahaa ee lagu kala saxiixday kulankii Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay.


Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Saaxil, Maxamed Jirde oo arrintaasi ka hadlayey ayaa sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay laftigeedu qarineyso wax badan, isagoona su’aal galiyay madax-banaanida hawada Somaliland Guddoomiyaha ayaa xusay in talaabadii ay dhawaan qaaday dowladdu federaalku ee ay dib hawada uga celisay diyaarad kasoo duushay Kenya oo ku socotay madaarka Hargeysa, ay cadeyn u tahay ka bixida heshiiskii lagu kala saxiixday Jabuuti.



Diyaaradaasi ayaa siday qaad/jaad faro badan oo nooca loo yaqaano Miirooga, isla markaana u rarneyd ganacsato reer Somaliland, iyada oo dhawaanihii u dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid qaadkii Somaliland looga keeni jiray Itoobiya Maxamed Jirde ayaa xukuumada Biixi ka dalbaday inay si cad ugu warbixiyaan wada-hadallada labada dhinac, xili aysan si dhab ah u fulin heshiiskii hordhaca ahaa ee kasoo baxay wada-hadalladaasi.


Xogaha ay warbaahintu jelayso ayaa tibaaxaya in gebi ahaanba ay baaqdeen kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa inuu dib u furmo Sabtidii todobaadkan Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda labada dhinac oo ku saabsan kulamada wada-hadallada ee baaqday iyo xiliga dib loogu balamay, maadama uu qorshuhu ahaa inuu dalka Jabuuti ka furmo 4-tii bishan.


Loading...
LATEST NEWS