Muqdisho ma noqon doontaa Bayruuddii Lixdamaadkii.

0
Wednesday 29th July 2020 09:23:38 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho ma noqon doontaa Bayruuddii Lixdamaadkii.

    Habeen hore waxan ka qayb-galay kulan afkaar wadaag ah oo ka dhacay xaafadda Maanabooliyo ee Degmada Shibbis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeen hore waxan ka qayb-galay kulan afkaar wadaag ah oo ka dhacay xaafadda Maanabooliyo ee Degmada Shibbis

Habeen hore waxan ka qayb-galay kulan afkaar wadaag ah oo ka dhacay xaafadda Maanabooliyo ee Degmada Shibbis. Agaasinka iyo marti-qaadka kulanka waxa lahaa Garyaqaanad ahna Xildhibaan Dr Maryam Cariif Qaasim. Dad kala duwan oo qof kastaa keligii School soconaya yahay ayaa isugu yimid madasha. Kulamada noocan ah oo ku soo badanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxay i xasuusiyeen dhacdooyinkii taariikh qorayaashu ka warami jireen beri samaadkii.


Waa sanadihii lixdamaadkii iyo bilowgii todobaatanaadkii, caalamka Carabta waxa ku hirdamayey afkaaro iyo aragtiyo is barbar socda oo ay intooda badani iska soo horjeedaan ama loolamayaan.  Waxa xoog u fidaysay Afkaartii Jamaal Abdinasir (Naasiriyah) ee midnimada Carbeed, afkaartii Dacwatul Najd ee Reer Aala Sucuud, afkaartii Ikhwaanul Muslimiinka ee Hassan Al Banna, afkaartii Bacthiga ee ku salaysnayd Hantiwadaag Carabaysan, Xoriyaddii iyo furfurnaantii Liberalism ka Reer Galbeedka oo ay dad badani u hammuun qabeen, Halgankii xoraynta Falastiin oo maanka lagu wada hayey, iyo afkaartii xagjirka ahayd ee Shuucinimada iyo Marxism ka ee Ruushka oo ka soo kaahaysay Yementa Koonfureed. Intaba xaruntooda fikir waxa ay ahayd Caasimadda Bayruut ee Dalka Lubnaan. Waa caasimaddii xorriyad badnaanteeda awgeed lagu naanaysi jirey Paris-tii Bariga Dhexe. 

Xilliyadaas waxad hal bookshop oo Beyruut ah aad ka wada heli karaysay kutubkii "Macaalim fi Dariiq” ee Sayyid Qudb, What Is to Be Done? ee Lenin, Curusyadii ashqaraarka badnaa ee Ghassan Kanafani, Kitab Al-Tawxiid kii aasaaska u ahaa Manhajka Wahaabiisimka ee Sh’Mohammed ibn Abdulwahab, Manuel kii Mao Zedong ee dagaalka Gorilaha, Bi’ Saraaxadii Al Ahraam ee Maxammed Haykal, gabayadii Gobonimada Falastin ee Maxmuud Darwiish, Macrakat al Masiir kii lagu aasaasay Xisbul Bacthiga ee Michel Aflaq, Diiwanadii jacaylka u badnaa ee Nizar Qabbani, My Life kii lagu ibo furi jirey sida dowladaha dib u socodka ah loo afgembiyo ee Leon Trotsky, Buugaagtii Abdi Rahman Munif, Hamlet kii Shakespeare iyo suugaantii laxawga badnayd ee Amiirul Shucaraa Axmed Shawqi. 

Bayruut waxa kale oo ku kulmi jirey Kacaan-yahanada Gobolka, Diblomaasiyiinya Bariga iyo Galbeedka, suxufiyiinta caalamka, iyo qorayaasha Jaziiradda Carbeed. Xiligaas waxa Lubnaan ku yaallay daabacadaha ugu waaweyn ee wax daabaca sida tii Dar Cilmi Lilmalayin iyo Beirut: Al-Mu’assasa al Arabiyya lid Dirasat wa’Nashri oo bil walba soo saari jirey boqolaal iyo boqolaal buug. 

Run ahaan, wax akhriska, ilbaxnimada iyo afkaar wadaagga ayay Bayruut u ahayd xarun iyo hiraal. 

Maanta sidaa Bayruut oo kale Muqdisho waxa ka soo ifaya ilbaxnimo ka bilaabanaysa is dhegeysi iyo u dulqaadasho in aad maqasho dood ta aad qabto ka duwan. Xilliyadan, Xamar waxa ku kulma afkaar iyo aqoon-yahano ka kala yimaadda dhammaan dhinacyada Soomaalida, doodaha, xorriyadda iyo qoraalkuna way soo badanayaan.  Sidoo kale Bookshopyada Muqdisho waxad ugu tegeysaa Buug kasta oo aad u baahato.  Dhinaca doodaha waxan Muqdisho kaga qayb-galay doodo u eg kuwa illaa hadda lagu xasuusto beri-samaadkii Bayruut ee ka dhici jirey dhammaadkii Lixdamaadkii iyo bilowgii todobaatanaadkii. Ama afkaar wadaaggii ay ku soo caano-maashay Caasimadda Khardoum ee ka soo badbaadiyey xagjirnimada iyo isla qummanaanta siyaasadeed. Xilqadaha ama golayaasha wax lagu falanqeeyo ee Muqdisho waa qaar furan. Waxan arkay dad badan oo intii yarayd ee u guntanayd markii gole la’ keenay ay sida barafka u dhalaashay. Tusaale ahaan; Qof baa habeen keenay dood ahayd shiidaal uma baahnin hadda in la soo saaro? Wuxu ka jawaabi kari waayey "Haddii aad caawa u dhimanayso gaajo iyo shaqo la’aan muxuu ku tarayaa shiidaalka 25 sano kaddib duniduba ka maamri doontaa! 

Sideedaba, maan-carinta iyo fikir wadaaggu waa bilowga adduun aragga. Waxay yareeyaan colaadda iyo isla saxsanaanta. Halka, xakamaynta iyo cabudhinta afkaartu ay ka yihiin aasaaska dib u dhaca, horseedaanna kala tag iyo is muquunin. 

               Warkii yaalley "Webi Shabeelle”
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS