Saddex sanno ka hor maanta oo kale ayuu geeriyooday Abwaan Cabdisalaan Maxamed Xirsi "Caaradhuub" oo ahaa macallin ruugcaddaa ah oo hibooyin badan kulansaday.

0
Wednesday 29th July 2020 09:59:01 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex sanno ka hor maanta oo kale ayuu geeriyooday Abwaan Cabdisalaan Maxamed Xirsi "Caaradhuub" oo ahaa macallin ruugcaddaa ah oo hibooyin badan kulansaday.

    Caaradhuub, waxa uu si dhab ah ugu sifoobay dhammaan astaamaha ay koobsato kelmadda 'Abwaan'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caaradhuub, waxa uu si dhab ah ugu sifoobay dhammaan astaamaha ay koobsato kelmadda 'Abwaan'.


Abwaan Caaradhuub (AHN), waxa aynnu ku xusaynaa tix baroordiiq ah oo uu Abwaan Xasan-Burco oo ay saaxiib dhow ahaayeen u tiriyay.
Cabdiyoow haddaad guurtayoo galabta aad dhooftay
Waa guridambeedkii halkay gogoshu kuu taalle
Godka labada malag eebbaheen gacalsan kuu yeelye
Ifka geesi baan kugu aqiin garasho xeel dheere
Geedkana nin loo saanyadiyo guurtidii qarane
Golahan aftahan gaarranno aan gabood faline
Gurgurshaa abwaanoo cilmiga loo gurayn jiraye
Goobaha waxbarashada ilays guud sudhnaanjiraye
Waa gare haddii uu go'oo gurihii si qaaday
Oo uu salaan iilka galay waa gagaab dumaye
Goblan weeye maansudu haddii caaradhuub go'aye
Gabayguna tacsuu soo gabraday ganacjabkiisiiye
Afkii goonibuu booyayaa oo gantoobsadaye
Gabalbaw dam yidhiyoo habeen madawgu soo gaadhye
Hadday gacal tabyoobaan illeen guuldarraw timiye.
Cabdiyow geddoontaye rabbigu gaar ha kuu jiro e
Arlada gudasho faralkii ilaah kaama gaasiro e
Aakhirana naar kuma geshiyo guba cadaabeede
Geedaha janada eebeheen guridhig kuu yeelye
Guudcastii horee dheelmatiyo odayadii goostay
Giddigood xabaalaha intii duri ku guulaysay
Guri aan lahurin weeyo oo godolla moogaane
Iyagan u gee qayb dudacada gacalku soo dhiibay.
Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS