[Akhriso:-] Sababta Dhaqaale Ee Ka Dambeysa Islaam Naceybka Iyo Qorshaha Reer Galbeedka.

0
Friday 31st July 2020 08:10:04 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso:-] Sababta Dhaqaale Ee Ka Dambeysa Islaam Naceybka Iyo Qorshaha Reer Galbeedka.

    Sababta Dhaqaale Ee Ka Dambeysa Islaam Naceybka Iyo Qorshaha Reer Galbeedka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababta Dhaqaale Ee Ka Dambeysa Islaam Naceybka Iyo Qorshaha Reer Galbeedka.



Hargeysa (Karin News) –Qarnigii 19-aad, Masiixiyiinta ayaa aad ugu badnaa dunida. 1950-kii iyo dagaalkii qaboobaa waxay dadweynihii masiixigu gaareen 960 million , halka dadweynaha Muslimiintuna ay gaareen 408 million. Dhamaadka dagaalkii qaboobaa sanadkii 1990-kii, Dadweynaha Masiixiga ah waxay gaareen 1.748 billion, halka Muslimiintuna ay kor u dhaafeen 1billion.




Hadda, inkastoo tirada dadka Masiixiga ah ay ku sii dhowaanayaan 2.4 billion, dadweynaha Muslimiintuna waxay gaareen 1.9 billion, tiradaas oo aad u korortay 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Sida ay tiradu hadda ku socoto waxay muujineeysaa in Muslimiintu ay Masiixiyiinta ka badnaan doonaan 100 million marka lagaaro sanadka 2070-ka, iyadoo tiradoodu ay noqon doonto 3.5 billion.



Waxay u muuqataa in qaar ka mid ah dunida Masiixiga ah ay ka warqabaan xadiga dadweynaha iyo kororka heerka nololeed ee Muslimiintu in ay dheeli-tiri doonto dhaqaalaha iyo siyaasadda adduunka.


Sidaas darteed, rajada ay ku joojin karaan isdebelkaas lagama fursadaanka ah waa in ay isku dayaan in ay abuuraan caqabad, iyagoo kobcinaya Islaam-nacaybka. Si kastaba, dadaalada lagu joojinayo tartanka sii kordhaya ee dhaqaalaha dunida, isla markaana dib loogu celinayo kororka awoodda gobollada ay dadweynaha Muslimiintu ku badanyihiin ee ah soo saarista Technology-yad wadata islaam-nacayb waxay keeni karaan caqabad ka duwan sida ay u malaynayaan.


Sida uu hoosta ka xariiqay ProfessorFahrettin Altun, waa muhiim in la helo hindise ka dhan Islaam-nacaybka, hadalka nacaybka ku saleysan iyo xad gudubka ka dhan ah Muslimiinta. professorAltun waxaa uu sidoo kale dadkii dhageysanayay xasuusiyay in Dowladda Turkiga oo taageere u ah kala duwanaanshaha iyo sinaanta, uu qaadayo talaabooyin taariikhi ah oo uu kula dagaalamayo hayb-sooca diinta.


Waqti siyaasiyiinta Muslimka ah iyo kuwa aragtida sameeya ay door muhiim ah ka cayaarayaan baarlamaanada iyo hey’adaha dowladaha dalalka Yurub iyo awoodda kordheysa ee muslimiintu ku leeyihiin siyaasadda dhaqaale ee dunida, mahan wax ay aqbali karaan qaar Masiixiyiinta ka mid ah gaar ahaan kuwa xagjir ka ah, kuwaas oo maamulayay nidaamka caalamiga ah tan iyo sanadkii 1830-akii.


Loading...
LATEST NEWS