Ma xisbiga kulmiye ayaad ka mid tahay mise xisbiga kulmiye ayaad taageertaa

0
Saturday 12th September 2020 12:59:30 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma xisbiga kulmiye ayaad ka mid tahay mise xisbiga kulmiye ayaad taageertaa

    Tusaale ahaan hadaad ka mid tahay xisbiga kulmiye shaki kuma jiro inaad tahay siyaasi ka tirsan siyaasiyiinta reer kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tusaale ahaan hadaad ka mid tahay xisbiga kulmiye shaki kuma jiro inaad tahay siyaasi ka tirsan siyaasiyiinta reer kulmiye
waxaana kuu fiican inaad ka sii mid ahaato xisbiga aad ka tirsan tahay si laguugu calaamadsado { Kulmiye-yahan } hadaad se ka tirsan tahay taageerayasha xisbiga kulmiye adigu matihid siyaasi balse waxaad tahay qof muwaadin ah oo taageera xisbiga kulmiye oo ah Xisbi kamida xisbiyada siyaasadda ee ka jira dalkaaga Somaliland , Lknse waa inay jirtaa wax aad ku taageerto xisbiga aad taageerto , anigoo ka duulaya waaqica wadankeena waxaa badanaa loo badan yahay laba amuurood oo muhiim u ah oo kumilan aasaaska geedisocodka nolosheenna rasmiga ah, tusaale ahaan aan soo qaato dhawr qodob oo aynu isla qaranayno, sida aynu ubadan mahay xisbiga aad taageerto oo taladiisa ama hogaankiisa uu saamayn muuqata ku leeyahay Siyaasi aad isu deegaan kasoo jeedaan siyaasigaas oo aad isugu wanaagsan tihiin , ama aydinaan isugu wanaagsanayn balse aanu jirin siyaasi kale oo aad dhaafsato ama uga guurto oo jooga xisbiyada kale ee dalka ka jira , taageeradaaduna waa mid ku gororta deegaan , xigto,



Qodobka labaad ee aad kutaageeri karto Xisbi waxaa weeye in uu xisbigu leeyahay ujeedooyin cad cad oo loo aasaasay oo uu utaagan yahay inuu horumar kasameeyo oo aad adna ku qanacsan tahay in xisbigu goor iyo ayaan markasta uu ixtiraamayo , waayo waa wixii mabda'a aasaasayaashii xisbiga , ka rog oo haddana saar marka xigta waa in taageeradaadu ay halkan ku biyo shubataa diidmo iyo yeelisba, waa in xisbigu la gole yimaada barnaamij siyaasadeed oo aad ku qanacdo xilli kasta oo dalku wajahayo isbedel siyaasadeed sida doorashooyinka madaxweyne nimo , baarlamaan , iyo deegaan barnaamijkaas ayaa wuxuu kuu sahlayaa inaad sii ahaato ama aanad sii ahaanin taageerayaasha xisbiga , lknse ma noqon kartid hanti xisbi yeeshay oo leeyahay


hadii aad ku qanci wayso barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga aad taageerto uu ku wajahayo xaaladaha jira , waxaad ubaahan tahay xisbi ka ka barnaamij iyo musharixiin fiican xisbigaaga kuwaasoo ka jawaabi kara su'aalaha aad ubaahan tahay jawaabahooda , waayo waxaad marwalba ubaahan tahay xisbi lahaysta sheekada gudaha kaaga socota ,

Taageerada shacabku way guurguurtaa marka ay ku tacaluqdo feker iyo naqdi siyaasiya waana qasab inuu guurguuro qofku caqlan washarcan, laakiinse guurguurku waa inaanu ku salaysnayn jacayl iyo nacayb ku sar go'an hebelo iyo reero, Digo rogoshada dadku waa inay ku guurguurku qiimayn qotodheer oo qofkasta ku sargooyay masaalixda mustaqbalka ee dadkiisa iyo dalkiisa isagoo ka shidaal qaadanaya barnaamijyada siyaasadeed ee sadexda Xisbi qaran,

waan hubaa oo waad hubtaa hadii qofkstaa isbarbardhigo Barnaamijyada xisbiyada in uu baranayo kala duwanaanshahooda, kala aragti sarayntooda, kadibna xisbigii uu ubogo barnaamijkiisa oo aan xisbigiisii ahayn balse ka qorshe shilis xisbigiisa wuu uguurikaraa, si kumeel gaadh ah ama aan ahayn haduu doono,

by Abdisataar sabri


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS