Sheeko Xaladleh : Ilaaliyihii Talaagada Maydka.

0
Sunday 13th September 2020 08:39:17 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Xaladleh : Ilaaliyihii Talaagada Maydka.

    Gaadhiga Gurmadka Deg Deg ah ee Dhakhtarku Markuu Soo Socdo Meel Fog Dhawaqiisa Ayuu Maqlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaadhiga Gurmadka Deg Deg ah ee Dhakhtarku Markuu Soo Socdo Meel Fog Dhawaqiisa Ayuu Maqlay
Waashmaankii Qolka Talaagada Maydku, Wuxuna Yaqiinsaday In Gaadhiga Soo Socda ee Codka Dhiilada leh Bixinayaa Sido Qof Dhaawac ah Si Loogu Fidiyo Adeeg Caafimaad Haduu Dhintayna Loo Geliyo Qolka Maydka, Ambalaaskii Waxa Dabada Loosoo Geliyay Albaabkii Qolka Maydka Waxana Shaqaalihii Ambalaasku Waashmaankii Salaan Kadib Ka Codsadeen Inuu UFuro Talaagada Si Ay U Geliyaan Maydkan Isna Wuxu Waydiiyay Macluumaadka Marxuumka Sida Magaciisa, Lab Iyo Dhedeg wuxu Yahay Iyo Sababta Uu U Dhintay? Waxay Ugu Jawaabeen Ma Garanayno Qofkan Magaciisa Iyo Sababta Uu U Dhintay Toona Keli ah Waxanu Ognahay Inuu Qof Dumar ah Yahay, Waxanu Goobta Gaadhnay Markii Nanagu War Geliyay In Qof Lagu Dilay Goobta, Waxanu Ugu Tagnay Dhaawac Culus Nasiib Darro Intaanu Jidka Kusoo Jirnayna Way Dhimatay. Waashmaankii Markaa Wuxu Magacii iyo Sababta Geerida Ku Qoray Lama Garanayo, Wuxu Furay Talaagadii Maydkii Oo Maro Cadi Ku Duubantahayna Geliyay,Isna Kursigiisii Albaabka Yaalay Ayuu Iskaga Fadhiistay.



Cabaar Yar Kadib Waashmaankii Wuxu Soo Xasuustay inuu Qasaalada Kusoo Ilaabay Dharkiisii Shaqada Wuxuna Lasoo Baxay Taleefankiisii Si Uu Xaaskiisii u Waco Uguna Sheego Inay Dharka Qasaalada Uga Saarto,Wuu Dhacay Taleefankii Wuxuna Si Kedis Ah Ku Maqlay Codka Taleefanka Dhicistiisa Oo Qolka Talaagada Dhexdeeda Ka yeedhaya!! Shaydaankuu Iska Naaray Wuu Jaray hadana Mar Labaad Buu Ku Celiyay Sawtka Taleefanku Wali Wuxu ka Baxayaa Qolka Maydka Dhexdiisa Yaab!!! Aad Buu U Naxay Maxaa yeelay Meesha Keligii Baaba Joogay Cidi Ma Wehelin Wuxuuna Bilaabay Inuu Furo Albaabka Qolka Oo Fiiriyo Meesha Waxa Ka socda iyo Halka Taleefanku Ka Dhacayo Balse Waxay Argagax iyo Naxdini Isugu Markuu Si Kedis ah Indhaha Ugu Dhuftay.......... LA SOCO Q2 AAD.
Maxad Filanaysaa??!

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS