Shabaab iyo Daalibaan

0
Monday 14th September 2020 08:47:14 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 85
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab iyo Daalibaan

    Sida la wada og yahay bilowgii sannadihii 1990-naadii Caalamka Isaamka waxaa ka kacay maayado xagjirnimo ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida la wada og yahay bilowgii sannadihii 1990-naadii Caalamka Isaamka waxaa ka kacay maayado xagjirnimo ah


kuwaas oo sheegtay in ay higsanayaan dhisidda dawlad muslin ah oo la gu hirgaliyo Shareecada. In kasta oo xagjirnimada diin-siyaasadeed ay soo jirtay ilaa lixdanaadkii qarnigii tagay, kacdoonkan dambe wax uu ka soo shidaal qaatay Kacaankii Khumeyni iyo jihaadkii Soofiyadka la gu la galay dalka Afganistaan. Labadaa dhacdo xagjirka wax ay galiyeen laba yididdiilo oo ka la ah in kacdoon diineed la gu dumin karo dawladaha faasidka ah ee ka jira Dunida Islaamka sidii loo dumiyay boqortooyadii adkayd ee Eeraan iyo in loo babacdhigi karo quwadaha waaweyn sidii loo ga adkaaday Midowgii Soofiyad.



Haddaba kumanyaal jihaad-doon ah oo dagaalkii Afganistaan ka soo waranjiiday baa niyadda caynkaas ah dib u gu la noqday dalalkii ay u dhasheen. Dawladaha Jasaa'ir, Masar iyo Sacuudiga ayay markiiba cagaha dhulka u ga rujiyeen iyaga oo ku dagaallamaya xeelado ka la duwan. Dhulka Soomaalida xilligaa ka ma ay jirin dawlad ay la dagaallamaan, wax ay se ka abuureen dhaqdhaqaaq bulsheed oo aad u weyn, ilaa la odhan karo dhab ahaan dalka waa ay qabsadeen dhinacyada ijtimaaciga oo dhan. Marxaladdaa xagjirka soomaalidu dan bay u arkayeen jiritaanka tobannaankii kooxood ee siyaasadda qabyaaladeed u legdamayay ee dawladnimada sii fogaynayay si ay iyagu bulshada u qabsadaan oo manhajkooda si xawli iyo xornimo leh u gu faafiyaan. Xagjirka soomaalida garabkii dagaalyahanka noqday oo ahaa ururkii Itixaad raggii abaabulay badankoodu markii dambe waa ay ka shallaayeen waayo dan ahaan wax badan bay dagaalka ku waayeen ay u gu horrayso in badan oo bulshada ka mid ah oo macangagnimada iyo arxan darrada xagjirka ku baraarugtay. Xilligaa awoodda u gu badan wax ay saareen in dawlad la'aanta ay ka faa'iidaystaan oo bulshada ka dhigaan mid u diyaarsan in ay hadhow dawladdooda Wahaabiga ah ka dul dhisaan. Dhab ahaantiina ilaa heer aad u sarreeyay ayay qorshahaa ku guulaysteen, waana halka maanta dhibaatadu ka taagan tahay iyo sababta Shabaab bulshada u gu dhex milan yahay ee loo ga sooci kari la yahay.

Sidaas bay xagjirka soomaalidu arrimaha ku wadeen ilaa la soo gaadhay duullaankii weynaa ee huwanta Maraykanka iyo Xabashidu dalka ku soo gashay dhammaadkii sannadkii 2006. Kolkaa ka dib xagjirnimadu wax ay yeelatay wajiga ay maanta lee dahay ee argagixisada ah.

Magaca Daalibaan macne ahaan wax uu la mid yahay al-Shabaab. Haddii Shabaab macnaheedu yahay garabka dhallinyarada ee xagjirka soomaalida, Daalibaan macnaheedu waa xer oo ah ardaydii madaarista Quraanka oo ah carruurtii mujaahidiintii dagaalka ee ku kacaantay xeryihii qaxootiga Baagistaan sannadihii dagaalka weyni ka socday dalkooda. Kolkii dalka la ga xoreeyay Soofiyadkii, reer afganistaan dawladdii ayay ku heshiin waayeen oo isku laayeen, waxaana soo baxay kooxo is wada cunaya, tabtii soomaalida ku dhacday. Halkaas buu ka soo baxay ururka Daalibaan ee mayalka adagi, wax uuna ku guulaystay in uu dalka wada qabsado oo dawlad ka noqdo xaalad u eg tii Midowgii Maxkamadaha. Dawlad waalan oo dadka suuqyada la gu jeedlo, la gu deldelo oo gacmaha iyo lugaha la ga guro ayay dhiseen; dawlad ay xaaraan tahay in haweenku guriga ka soo baxaan oo shaqaystaan ama waxbartaan; dawlad ay xaaraan tahay in la daawado telefeeshin ama la dhegaysto raadiyow amaba la daawado filin.

Yeelkood ee intii ay dadkooda silcinayeen cidina dan ka ma lahayn, wax se kadabkood go'ay kolkii ay taageero iyo dhufays u noqdeen ururka al-Qaacida oo ku eedoobay weerarkii culayskiisa la ogaa ee Maraykanka la gu qaaday sannadkii 2001. Sidaas bay xulafada Maraykanku ku qabsadeen Afganistaan, ka gana takhalluseen dawladdii Daalibaan. Halkan ayay haddaba mar kale ka bilaabanaysaa cibrada iyo is barabar dhigga labada xaaladood ee Daalibaan iyo Shabaab.

Daalibaan kolkii dalkooda la qabsaday wax ay bilaabeen dagaal jabhadayn iyo argagixiso ah oo la jaad ah laakiin ka awood badan kii Shabaab galeen ka dib markii xulafada Maraykanka iyo Itoobbiya dumiyeen maamulkii Midowga Maxkamadaha ee lixda bilood Koonfurta ka dhisnaa. Xulafadu Afganistaan wax ay ka dhiseen dawlad ay galiyeen hanti iyo tamar aad iyo aad u badan, laakiin si taa u dhiganta ka ma ay samayn Soomaaliya, oo xitaa dawladdii Cabdillaahi Yuusuf ma ay taageerin ee waa ay dhabarjabiyeen. Wax ay ka shaqeeyeen oo keliya in Muqdisho la ga hirgeliyo magac dawladeed oo sawir ah aan se xitaa aqoonsi haysan, keliya loo adeegsado marsiinta hawlaha la doonayo in dalka la ga fushado ay u gu horrayso ugaadhsiga xagjirka iyo ka warhaynta isbeddellada ka dhici kara dhulka soomaalida.

Imaatinkii Turkiga ee Soomaaliya iyo firfircoonidii Shiinaha iyo Eeraan ayaa soo dadajisay ama soo jujuubtay in Ingiriis iyo Maraykan dawladda dhexe aqoonsadaan 2012 dabadeed Xamar safaarado ka furtaan. Laakiin ilaa maanta reer Galbeedku Soomaaliya u ma hurin wax u dhigma waxa ay Afganistaan galiyeen, waana ta u gu weyn labada xaaladood ee labada dal ka la duwaysa. Ta kale ee labada xaaladood ka la duwaysaa waa xulafada reer Galbeedka oo Afganistaan ku qabsatay qaabkii ay isku dayeen in ay Soomaaliya ku qabsadaan sannadkii 1993 ee ku fashilmeen, dabadeed Soomaaliya maanta wax ay ku haystaan ciidamo Afrikaan oo ay iyagu maalgaliyaan. Markaa kol haddii aan askartoodu dhulka soomaalida ku dhimanayn ku ma degdegsana xallinta dhibaatada, halka ay Afganistaan dhamac ku taagan yihiin oo maalin walba ku waayayaan wiilal ay jeclaayeen.

Maanta magaalada Dooxa waxaa ka socda shir aad iyo aad muhiim u ah mustaqbalka reer afganistaan. Dawladda oo leh awood ay reer Galbeedka ka helayso haddana dagaalka ku adkaan wayday iyo Daalibaan oo dagaalkii ku daalay wax natiijo ahna ka gaadhi waayay ayaa is hor fadhiya. Waxaa labada dhinacba ka muuqata markii kowaad in ay diyaar u yihiin in la isu tanaasulo oo nabad la gaadho, dalkana shisheeyaha la ga saaro. Shirka waxaa ka soo qaybgalay dawlado badan oo ay ka mid yihiin Maraykan, Ruush, Bagistaan iyo xoghaya guud ee QM. Sida muuqata waa shir soo afjari doona colaadda hoogga badan ee umaddaa ku yuururtay in ka badan 40 sano.

Duruufaha guud ee ay Afganistaan iyo Soomaaliya wadaagaan ee xagjirnimada, colaadda, qabyaaladda, saboolnimada, jahliga iyo faragalinta shisheeyaha, iyaga waxaa u dheer qaybsanaan qoomiyadeed iyo mad'habeed. Waa dad ka kooban ilaa 30 qoomiyadood, isla markaa u qaybsan Sunnin iyo Shiico. Waxaas oo dhan baa la doonayaa in la xalliyo inta aan gumaysiga Maraykanku ka guurin bisha Abril ee sannadka dambe.

Cibrada halkaa innoogu jirtaa wax ay tahay haddaba:

1. Dhibaatada soomaalidu aad bay u ga fudud dahay ta reer afganistaan ee xadhigmaranka ah.

2. Maraykanku daacad ka ma aha xallinta masalada al-Shabaab si la mid ah sida uu u gu heellan yahay ta Daalibaan.

3. Ma jirto marnaba cid isla soo qaadday in wadahadal la la galo al-Shabaab, keliya wax aynnu ku soo celcelinnaa kuna dhaqannaa erayada Maraykanku ku sifeeyo xaaladda.

4. Hubaal waxaa ah haddii la helo awood daacad ka ah in la xallin karo khilaafka al-Shabaab, waayo tiro ahaan iyo tamar ahaan toonna ma xooggana, keliya wax ay ku nool yihiin dawlad la'aanta, quusta dhallinyarada ka haysa nolosha iyo daacad darro arrrinkooda la gu wajahay.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS