WARMAHAAGA SOO GURO GELIN QUDHA HA II TUDHIN

0
Wednesday 16th September 2020 08:02:33 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARMAHAAGA SOO GURO GELIN QUDHA HA II TUDHIN

    Qura'aanku waa carabi balse carabigu quraan maaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qura'aanku waa carabi balse carabigu quraan maaha.

 Nin jariidad yar oo af carabi ah malmaluuqi jiray marka kabo ka waawayn loo xidho ee Wasiir laga dhigo weliba arimaha diinta, dhaqanka, iyo Awqaafta la isugu daro wuu faaqaa. Kan gabadha reer Jabuuti ee Canfarta ah ee af soomaaliga badan ee Ina Bukaaco ay yidhaahdaan ayaa ka dadnimo fiican oo ka wadanisan oo dalkeeda Djibouti uga lexojeco badan oo ka damiir wanaagsan. Halkaan kalaqaaday ma jecli in aan wax faahfaahin ah ka bixiyo oo waxay noqonaysaa fadeexad sideeda u taal. Mid baanse laaxin laga jarayn oo aan gunta soo taabtay qiyaamahana la i waydiin doonaa. Waxa ku dhan calaamadihii Rasuulku scw inoogu sifeeyay qofka munaafaqa ah


ادا حدث كدب و ادا اُمن خان و ادا و عد اخلف
Waxa u dheer dirodiraynta. Iska daa qiyam diineed eh waa qof ka madhan wanaag oo dhan oo aan seedi u dhanaanayn. Waa munaafaq hadana Muuminow la leeyahay aragii nactar.

Aniga xagyga Ixtiraamku maaha waxa dhinac keliya ka socon kara ee waa xidhiidh u baahan mar kasta laba dhinac oo iswaydaarasada. Cid keligeed xaq u leh in la ixtiraamo iyaduna aanay cidna ixtiraamini ma jirto aniga xagayga.

Caligurey inta taqaan way ogyihiin oo markhaati bay ka yihiin inta aan difaaci jiray Dawladda Jabuuti. Tii ugu dambaysay Goddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo aan abti u ahay tii aan ku dhigay ayaa la ogaa. Iyaguna intaan kabahooda tolayay anigana kafantayda in ay tolayeen si fiican baan u ogaaday.

Anigu isdifaaca ma aqaan oo difaca kuma wanaagsani. Difaacayguna waa weerar waana bilaw. Ninkii dab hindhisayow soo daa hadaba, oo gelin qudha ha ii tudhin

Caligurey


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS