Khuraafaadka Sayniska

0
Wednesday 16th September 2020 08:05:18 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khuraafaadka Sayniska

    Jiilka hadda kacay (Soomaalida iyo Adduunka kaleba) intooda badan, waxa ay qabaan saynisku ma qaldamo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jiilka hadda kacay (Soomaalida iyo Adduunka kaleba) intooda badan, waxa ay qabaan saynisku ma qaldamo.  Waxa kale oo ay mararka qaar qabaan "diimaha waxa ka horreeya sayniska".

Maanta waxa aan soo qaadanayaa nin mucsjiso ah oo aan isleeyahay afkaartiisu wali maa ay soo caga dhigan dhulka Soomaalida - Waa Rupert Shaldrake oo 78 jir ah wakhtigan. In ka badan 30 sano wuxuu ahaa tabliiqi sayniseed oo kor iyo hoosba ugu addima in la xoreeyo sayniska. Shaldrake wuxu qabaa sayniskii wuu ambaday, oo 10 quraafaad oo aan lahayn daliil ayaa sayniskii indhaha ka tuuray.

10ka qurafaad (dogmas) kama wada gaadhsiin karno, hayeeshee, maanta aan duljoogsanno kuwooda ugu yaabka badan.

Xusuustu (memory) waxa ay ku jirtaa maskaxda

Waan ogahay 99% Soomaalidu in ay duuduub ku liqeen fikirka odhanaya "xusuustu waxa ay fadhidaa maskaxda" waxa se aan la aqbali karin inta badan jaamiciga soomaaliyeed inaysan isba wayddiin horta maanka iyo maskaxdu ma isku midbaa? Xusuustu haddii ay tahay war (informations) isku duubay xiga iyo lingixa qafiifka ah ee maskaxda, markaas waxa imanaysa qofku marka uu dhinto ee ay maskaxdiisu baabado inay xusuustisiina halkaa ku rawaxayso. Shaldrake waxa uu ka warramayaa baadhitaano socday boqolaal sano oo ay ku baxday ballaayiin doolar, sida ay ugu dhammaadeen guuldaro oo lagu xaqiijin kari waayey xusuustu inay raacsan tahay maskaxda.



Shaldrake wuxu qabaa, marka horeba maanku wuu ka ballaadhan yahay maskaxda, maanku wuxuu ku jiraa qofka oo dhan, mana aha mid fadhiya maskaxda, xusuustuna waxa ay raacsan tahay maanka (mind). Shaldrake wuxu soo qaadannayaa dad qaba Hydrocephalus oo maskaxdoodaba ay biyo fadhiyaan, haddana xusuustoodu ay tahay taam. Wuxu soo qaadannayaa wiil wacdaro ka dhigay imtixaanka xisaabta oo markii la baadhay la oggaaday in aan maskixiba ku jiray wiila yar - xuub yar mooyee intii kaleba gagi bannaan baa ay noqotay.


Shaldrake oo ah saynisyahan haysta diinta masiixiga, waxa uu mar walba farta ku godaa sida saynis yahannada aan rumaysnayn jiritaanka Rabbi (swt) ay u majara habaabiyaan cilmiga sayniska. Mar kasta oo uu saynis yahannadaas kala hadlo ruux, maan, iyo barraad (consciousness), waxa kaga soo noqota hal jawaab oo u taalla sidatan: Waa Hard Problems mawduucyadaasi.


Inta aanan taaban gunnaanadka Shaldrake ka gaadhayo xusuusta aan idin xasuusiyo quraafad kale oo la xidhiidha halka aan hadda marayo, kaas oo ah: Jidhka qofka, kawnka, dhirta iyo "matter" oo dhan waa bilaa barraad - waa quraafaadka ay qabaan saynis yahanku. Berri hore ayaa la 'program' gareeyey iminkana iyagaa iskood isu wada, sida mashiinka - sida mashiinka!

Shaldrake wuxu leeyahay xusuustu iyada oo raacsan maanka (mind or soul) waxa ay haddana leedahay shan dhardhaar:

Habituation: Deegaankaaga iyo dareenkaaga inaad la hawlgalaysid marka aan waxba ka khaldanayn.

Sensitisation: Wixii hore ku dhibay, ama hore u dhibay waalidkaa, judhaba waad ka dareen celinaysaa - markaa fahan oo fikirka uu wato Shaldrake ee ah "Morphic Resonance" waa mid tagtada ku xidhaysa joogtada, oo wuxuu leeyahay, wixii hore kuugu dhacay iyo wixii aad ka dhaxashay waalidkaa (hadda gara oo dhaxalka waalidku wuu ka balaadhan yahay DNA -Genes, oo waxa jira wax aan muuqan; aan la taaban karin, haddana dhaxal ahaan aad ka hiddaysanaysid waalidkaa) haddii ay markale kusoo maraan feejignaan baad kaga falcellinaysaa.

Balanbaalista ayuu leeyahay, waayihii soo maray wakhtigii ay dirindiirta ahayd, waa ay ku baraarugsan tahay - halkaa haw qaadannina sheekooyinkii Hindida ee qofku laba jeer dhalan jiray. Imisa ayaad ku baraarugtay shay hore kusoo maray judha aad aragtay shaygii mar labaad - ma kaas ayaa maskaxda ku kaydsanaa? Sawtii la yidha unnugyada jidhku waa ay baaba'aan maalin kasta.


Behavioural Memory: Wixii aad hore ugu celcelisay ee aad baratay, waa aad xasuusanaysaa hadhaw, iyaga oo aan maskaxda soo marin. Waayo, dhammaan afcaashaasi waxa ay baaqi ku noqdeen maanka/ruuxda.

Recognition: Aqoonsi meel ama qof aad hore u aragtay - wakhti hore oo ku xidhan wakhti dambe. Markaa maanku waa mid ku baraarugsan wakhtiga oo garan og wakhtigii hore. Meeshan sida muuqata "materials' lasoo xawilay ma jiraan. Waa wada "immaterials" waxa laga faalloonayaa.

Recalling: Qof in aad aqoonsato iyo in aad magaciisa soo celiysaa, waa laba arrimood oo kale duwan, tani waa marka aad nuxurka, magaca iyo macnaha shayga dib usoo celisid adiga oo aan "step by step" uga sheekaynayn.

Shaldrake marka aad aqrisatid buugtiisa ama aad daawatid muuqaaladiisa ku jira Yuutuubka, waxa kugu dhacaya baraarug. Marka uu ka hadlayo dadku sidee baa ay wax u arkaan rayn rayn iyo awood baaba kugu dhallanaysa. Waayo, quraafaadka la innaga dhaadhiciyey, waxa ka mid ah: Waxa aad arki kartaa uun waxa kaa horreeya! Shaldrake waxa uu si waadix ah oo daliil wadata u caddaynayaa insaanku inay awood u leeyihiin inay arkaan/dareemaan qofka ka dambeeya ee ku dhagaga - imisa ayaa aad jaleecday mid kaa dambeeya oo kugu bakhtiistay indhaha?


Millatariga ayaa caddeeyey fikirka odhanaya gadaashaa wax waad ka arki kartaa/dareemi kartaa oo waxa ay aaminsan yihiin "cadawga marka aad ka dhuumanaysid lama eego, haddii aad eegtid, waa ay ku arkayaan iyaguna". Dadka illaalada ah (security agents) ayaa xaqiijiyey arrinkan, oo waxa ay yidhaahdeen: Qofka marka aannu eegno annaka oo qol xidhan ku hoos jirna, wuu na dareemaa, degdegna qaraar buu qaataa qofkaasi".


Arrimahan oo dhan waa maangal, balse qof jaamici ah kama dhaadhicin kartid, hadda garo'oo jaamiciyiintu waa dadka aaminsan "shayga aynnu arkaynaa waxa uu isaga oo foorara ku sawirmaa dhabarka dambe ee indhaheenna (ratina) - isaga oo foorara (bal yaabkaas daya). Waxa ay ku odhanayaan arki maynno shaygaa bannaanka jooga, ee waxan aynnu aragnaa waa sawir foorara oo 'ratiinaheenna' ku sawiran - subxaana LLAH.

10kii quraafaad kama wada gaadhsiin karno, waxaa se xiiso leh lana xaqiijiyey eyda iyo bisadaha guri jooga ahi inay dareemaan marka qofka iska leh uu magaalada kasoo socdo, markaas oo ay oo afafka hore ama daaqada guriga soo fadhiistaan si ay usoo dhaweeyaan qofkaa ay walaaloobeen - waa hadda waa qof 50km ka durugsan. Saynis yahannadu marnaba ma aqbali karaan fikirkaas, waayo iyagu waxa ay aqbalaan 'matter' gudbinnaya dareenka.

Sababa Galbeedku u kufayaan qarniga 21aad ayaa ay ka mid tahay masaladan diidaysa awoodda uumiyaha ee ka baxsan jimsiga (matter). Waxa xaqiiq ah dadka isdhalay dareen ahaan (telepathy) inay wada xidhiidhaan oo haddii hooyadaa ku xannuunsato masaafo kaa durugsan, waa suuragal inaad dareentid - waa marka aadan murqaansannayn ama aadan ka dhargin xaaraan ee aad tahay ruux nadiif ah. Jaamiciga Soomaaliyeed kaama qaadannayo arrinkan balse, odayga Soomaaliyeed wuu kaa rumaysannayaa!

Ku xidhnow Rupert Shaldrake
Akhrista Science Set Free.
Sayniska iyo Teknoolojiyadu guulana waa ay gaadheen, ambashadooda ku salaysan marin habaabintuna waa ay badan tahay.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS