Caasimada Labaad Ee Somaliland.

0
Wednesday 16th September 2020 08:25:39 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caasimada Labaad Ee Somaliland.

    Dunida waxa lagu loolama noqoshada xaaruunta, ganacsi, warshado, xaaruun waxbarasho, xaaruun waxsoosaar beero iwm. waayo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunida waxa lagu loolama noqoshada xaaruunta, ganacsi, warshado, xaaruun waxbarasho, xaaruun waxsoosaar beero iwm. waayo?
 Waxa jira wax lagu helo & manfacyo gaaro ay leeyihiin. Magaalooyinka wadamada horumarayna waa kuwo sida u qaybsan. Balse, maaha kuwo ku kala horumarsan ahashiyaha casimad. Horumarkuna waa sumada & maamuuska caasimadnimo. -- Dunida Soo Arag Oo Fahan --


Kahor inta aanan qormadayda guda galin waxaan ku bilaabaya: waydiin (Su'aalo) bayaaminaya arinta aynu ka hadlayno ee ah: Magaalada ah Caasimada labaad ee dalka (Somaliland).



1. Maxay tahay faa'idada magaalada ah Caasimada labaad ay dheer tahay magaalooyinka kale?
2. Iyama faa'ido badan magaalo ganacsi, warshado ama ku suntan waxbarasho iyo magaalada ah Caasimada labaad ee dalka?

Intaa kabacdi waxaa ina xasuusinayaa caasimada 2aad ee dalku in ay noqonayso mid waafaqsan sharci iyo dastuur sida caasimada 1aad ee dalka. Hadaba wax aan ku qeexnayn sharciga & dastuurka dalka misana aan lahayn xeer iyo xurmo u gaar ah oo lagu helayo dano horumarineed miyaanay sheegashadeedu ahayn ku mashquulid wax aan mudnaan iyo muran madhalays ah? Taa bedelkeega miyaanay ka mudnayn in Borama ay ku dooddo in ay noqoto xudun waxbarasho oo ay dawlada kaga heli karto fursado & barnamijyo loogu gaar yeelo horumarinta dhanka waxbarashada taaso dadka aqoon-doonka ah ee waxbaranaya lagama maarmaan u noqota in ay aqoonta u doontaan magaalada Boorama. Dhanka kale, sidaa si lamid ah ay Burco noqoto xaaruunta ganacsiga ee dalka. Dabcan, xaqiiqadu waxay tahay Borama xiligan inay magaalada ugu mudan ee waxbarasho loo doonto una baahan horumarin. Halka Burco ay tahay magaalo ganacsiyeed iyana mudan in ay dawlada u dejiso siyaasad iyo barnaamijyo gaar ah oo looga horumariyo fursadaha dhaqaale kajira.

Dooddaha ah : Burco waa magaalo ganacsiyeedka dalka iyo Boorama waa hoyga waxbarashada dalka waa dooddo macquul oo midho dhali kara. Balse, caasimada labaad ee dalka Borama ah iyo Burca ah waa muran iyo maaweelo madhalays ah waayo midna xeer kuma ah mana muuqato sabab loola sheegto mar hadaanu jirin xeer muujinaya xaq gaar ah oo horumarineed oo lagu kala helayo waaba tiiyo aanu dalkeenu lahaynba xeer caasimadeed.

Sidoo kale, marka aad u fiirsato qodabada aynu ku kala daliishanayo ahaanahiyaha caasimada labaad ayaa ah: in Burco qabto inay kuheahay aas'aaskii dawladda somaliland halka ay Borama leedahay waxaan ku helaya Saami qaybsi reernimo. Daliilada oo ah kuwo riqiis ah ayaa aanay jirin wax macquul ah oo la dhagaysan karo maadaamo ay mudnayd in lagu kala sheegto juquraafi ahaan iyo horumar.

Waxaan ku gaba-gabaynayaa hadaanay micno ama manfac lahayn waxa ay magaalooyinka imikaba ay gaar gaarka ukala leeyihiin waxa ka maanina micno u samayn maayo helitaankiisu.

Waxan hadalka ku jaraya caasimada 2aad ee dalka xeer kahor waxa a magaaladay manfac u leedahay ama aan lahayn waxay kaalin muhiim ah kaga gali karto qaranka oo ay ku heli karto barnaamijyo horumarineed oo gaar u noqda.

Abdishakur Gande


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS