Gorfeynta Buugga " Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong"

0
Wednesday 16th September 2020 10:10:13 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gorfeynta Buugga " Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong"

    Gorfeynta Buugga " Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gorfeynta Buugga " Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong"

 
Hordhac
Buuggan la yidhaa "Getting Somalia Wrong” oo Af Soomaali ku noqon kara ‘ Warxumatashiilka Soomaaliya’ sida uu Cabdicasiis Mahdi ku afceliyay. Buugga waxa qortay Maari Haarbar, oo ah gabadh ajnebi ah. Maari, waxa ay u shaqaysaa Idaacadda BBC. Waxa ay BBC uga soo warramaysay tan iyo markii dagaalkii sokeeye qarxay sannadkii 1991kii. Waxa ay shahaadooyin Jaamacadeed ka qaadatay Jaamacadda Cambridge, iyo School Oriental and African Studies. Meelo kaladuwan ayay wax ku daabacdaa sida ‘ The Times’ iyo ‘ The Washintong.’ 



Arrimaha Soomaalida muddo badan ayay ka hadlaysay, oo wax ka qoraysay. Maqaallo badan ayay ka qortay. Buug la yidhaa " Everything I Told Is True” oo ay Al Shabaab ka qortay, ayay soo saartay kalhore 2019kii. 


Maari Haarbar, waxa ay ku hadashaa waxna ku qortaa afafka  Ingiriisiga iyo Faransiiska. Waxa kale oo ay ku  hadashaa af Boortaqiiska iyo afka loo yaqaan Wolof oo ah af Afrikaan, inta baddanna lagaga hadlo dalka  Senegal.
Buuggu, waxa uu ka midyahay taxane la yidhaa " Doodda Afrika” oo ah taxane buugaag aqooneed ah, oo ka hadlaya arrimaha Afrika sida ay yihiin maanta. 

Buuggani, waxa uu ka koobanyahay 216 bog. 6 qaybood ayay u qaybinaysaa. Waxa ay kaga warramaysaa  Soomaalida, maamulkeeda, taariikhdeeda, qabaalooyinkeeda, iyo qaabka uu adduunku u arko ummada Soomaalida. 
Si kooban ayaynu u dulmari, oo waxa aan isku dayi inaan nuxurka buugga idin la wadaago. 

Gudaha  Buugga
Hordhac dheer ayay Maari ku bilaabaysaa buugga. Hordhaca waxa ay ku sheegaysaa sida ay dadka Soomaaliyeed yihiin 20kii sano ee u danbeeyay. Waxa ay xusaysaa in ummadda Soomaaliyeed muddadaa ahaayeen dad aan sharaf iyo milgotoona caalamka ku lahayn. Inay ahaayeen dadka ugu liita caalamka. 

Waxa ay ku xusaysaa in Soomaaliya loo yaqaan ‘ Qaran Fashilmay.’ Sannadahaas u danbeeyay dagaallo, budhcadbadeed, dil, ku tumasho xuquuqda bini’aadanka ah ayaa ka socotay ayay Maari leedahay. Dadku gaajo, dagaallo, iyo waxdaran ayay u dhexeeyeen. 

Waxa ay xusaysaa in Soomaaliya lagu tiriyo dalalka ugu musuqmaasuqa badan. Sidoo kale, in Soomaaliya caan ku tahay baasaboorrada been abuurka ah. 

Waxa kale, oo sannadihii danbe ku soo biiray ‘ argagixiso.’ Argagixisadii wax ka daran gaajadii, iyo budhcadbadeeddii ayay keeneen. Dad farabadan ayay laayeen. Magaalooyin badan, iyo dhul badan ayaa iyaga daraaddood looga qaxay. Waxa hawlahaas samaynayaa waa ururka Al Shabaab. Al Shabaab, meelo farabadan ayay dad ku xasuuqeen. Qaraxyo badan ayay rideen oo masuuliyaddooda sheegteen. 

Waxa kale, oo ay Maari aad ugu dheeraanaysaa sida magacii MUQDISHO u muunadxumaaday, ee macnihii uu lahaa mid ka duwan uu u yeeshay. Magaca Muqdisho meelo badan waxa uu la macneyahay " meel kharriban oo run ahaantii u taagan xaalad dhibaato ah.” Maari waxa ay xusaysaa inay jirtay Riwaayad Ingiriiska lagu metelay 2011kii oo loogu magacdaray MUQDISHO! Riwaayaddu kamay hadlayn arrimaha Soomaalida iyo wax la xidhiidha toona; se waxa ay ka hadlaysay Dugsi Sare oo Ingiriis ah oo qalalaase ka dhacay! Ogsoonoow, oo Dugsigaasi Ingiriiska ayuu ku yaallaa, haddana Magaca Muqdisho ayaa riyaawaddaas laga metelay loogu magacdaray! 
Sidoo kale, waxa ay Maari xusaysaa in sannadkii 2011 Bishii Ogosto oo rabshado qalalaase wataa ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan dalkan Ingiriiska weriye ka tirsan BBC da oo ka soo warramayey rabshadahaasi gaar ahaan xaafadda Tottenham ee London waxa uu ku tlmaamay inay xaafaddu u ekaatay ama la mid noqotay Muqdisho.

Waxa kale, oo ay Maari aad mooddaa inay Shareecada Islaamka meelaha qaar saluugsantahay. Waxa ay soo qaadanaysaa marka uu qofku wax xado in gacmaha la gooyo inay tahay bahalnimo, oo Soomaaliya oo mararka qaar laga sameeyo way ku dhaliilaysaa! Waa meelaha ay diinta ku durayso xukumadaasi. Sidoo kale, waxa ay dhalliilaysaa Xijaabka. 

Qeybta 1aad, waxa ay Maari ladh uga dhigaysaa ‘ Qabiil iyo Dal.’ Marka koowaad, waxa ay tilmaamaysaa halka ay Soomaaliya ku taal, oo ah Geeska Afrika, inay qaab gees oo kale ah khariidadeedu tahay way xusaysaa. Inay Waddamada Carabta aad iskugu dhawyihiin, oo badi u dhexayso ayay ku sii daraysaa. Waxa kale, oo ay raacinaysaa in ay Soomaaliya leedahay Bad aad u ballaadhan, oo kheyraad badan ceegaago. 

Waxa ay isla ladhkaas ku eegaysaa Kheyraadka ay ummadda Soomaaliyeed haysato. Kheyraadkaas waxa ugu wayn xoolaha. Xoolo badan, oo Geel, Adhi, iyo Lo’ ba leh ayay leeyihiin. Sidoo kale, Kalluun badan ayaa Badahooga ka buuxa. 

Maari, waxa ay aad ugu dheeraanaysaa in Soomaalidu asal ahaan ay ahayd Xoolodhaqato reer guuraa ah. Noloshaa reer guuraaga ahi waxa ay ahayd nolol aad u adeg oo duruufo badan, oo biyala’aan iyo baadla’aani ay ku gedaamnaayeen. Nolol aad u adag oo qadhaadh ayay ahayd. Rag iyo dumar ba noloshu way ku adkayd haba la kala darnaade. 
Soomaalidu waxbadan ayay ku faani jirtay. Waxyaabaha ay ku faani jirtay waxa ugu horreeyay Geela. Nin ba ninka uu ka geel badanyahay ayaa aad loo tixgelin jiray, kana faan badnaa. Waxa jiray golayaal la iskugu faano. Waxa se arrin aad looga xumaado ah in qofkaas boqollaalka geelka ah lihi, isaga oo cagaagan uu geelaas dhexjoogo; oo Beer Kabo ah inuu ka iibsado uu isku quudhi waayo.  Geela waxyaabo badan ayay Soomaalidu u adeegsataa sida Magta, meherka iyo munaasibadaha gaarka ah. 
Soomaalidu, gaar ahaan raggu waxa ay aad u cunaan QAADKA. Qaadku waxa uu uga yimaad Kenya iyo Itoobbiya, oo iyagu beerta. Maari, waxa ay leedahay waa lagu sheekaystaa, oo jilbahaa loo laabtaa waqtiyada galabtii iyo Fiidkii. 

Maari, waxa kale oo ay xusaysaa sida ay Soomaalidu ugu horraysay Gabayga. Waxa ay leedahay ‘ Soomaalidu waa dadka ugu dheereeya gabayga.’ Aad bay u tiriyaan hadda iyo horraanba. Gabayga waxyaabo badan ayay u adeegsadaa, ayay leedahay. Waxa ka mid ah:
1-  Faanka. 
2- Ammaanta. 
3- Xifaaltanka. 
4- Inay arrimaha jira kaga hadlaan IWM. 
Waxyaabaha ugu badan ee ay ku halqabasaan waxa ka mid ah; Geela, dumarka iyo jaceylka, ayay xusaysaa. 

Waxa kale, oo ay Maari ka hadlaysaa qabiilooyinka Soomaalida. Waxa jira qabiilooyin badan oo Soomaalida loo qaybiyo. Se hoos ayay u sii kalabaxaan, oo laflaf ayay noqdaan. Qabiiladaas, waxyaabo badan ayay iska taraan, oo ay qofka u hayaan. Waxa kale, oo iyaguna jira qabiilooyin la yaso. Qaar xirfad ayaa lagu yasaa; qaarna waxyaabo kale. 

Qaybtan 1aad, waxa ugu wayn ee Maari ku sheegaysaa waa in Soomaalidu ay leedahay wax ka badan oo dhaafsiisan DAGAAL,GAAJO, QAS, iyo budhcadbadeed. 

Qeybta 2aad, waxa ay ladh uga dhigaysaa ‘ Taariikh.”  Sooyaalkii ay Ummadda Soomaaliyeed lahayd ayay waxooogaa innooga qadhiidhaysaa. Ka Soomaali ahaan, badankeennu waynu naqaan inta ay ka warramayso, oo waa inta golayaaasha iyo maqaaxiyaha lagaga sheekeeyo. Se waxa aad mooddaa inay ajaanibka barayso. 

Taariikhda Soomaaliya inaan waxbadan laga garan karin, haddii aan dib loo tixraacin wixii ka horreeyay burburkii ayay xusaysaa. Maadaama ay Soomaalidu lahayd dawlad awood leh wixii gumeystaha ka danbeeyay. 

Waxa ay ka bilaabaysaa gumeysiga ka hor sidey Ummadda Soomaaliyeed ahayd.  Saddex weji oo waaweyn inay Soomaalidu gumeysiga ka hor lahayd ayay Maari sheegaysaa. Saddexdu waa:
1- Xidhiidhkii iyo wadashaqayntii ay Soomaalidu la lahayd debadda: Xidhiidh waxa ay la lahayd waddamada ku teedsan sida Carabta. Adduunkuna waxa uu Soomaalida u yaqaannay dad dagaalyahanno ah oo colaad jecel, ayay Maari leedahay. 
2- Soomaalida xiisadii iyo colaadihii iyaga dhexdooda ka dhex dhici jiray. 
3- Dhulballaadhsiigii Soomaalida. Tan dhulballaadhsiga waxa ay ka waddo Maari faahfaahin kamay bixin. 
Waqtigii gumeystuhu qabsaday ayay u galaysaa Maari. In gumeystuhu Soomaalida kala qaybiyay ayay xusaysaa. Shan qaybood ayuu u qaybiyay:
1- Meel Ingiriisku qabsaday oo ‘Somali protectorate’ la odhan jiray, haddana la yidhaa Soomaalilaan. 
2- Meel Faransiisku gumeysan jiray, haddana la yidhaa Jamhuuriyadda Jabuuti. 
3- Meel Talyaanigu gumeysan jiray, haddana la yidhaa Soomaaliya.
4- Meel Kiiniya la hoosgeeyay NFD. Haddana Kiiniya gobol ka tirsan ah. 
5- Meel Itoobbiya la hoosgeeyay, haddana Itoobbiya Gobol ka mid ah, waana Gobolka Soomaali Galbeed. 

Xornimadii ayay xusaysaa. Xornimada waxa qaatay saddex Gobol. Kii uu Ingiriisku gumeysan jiray oo qaatay Juun 26, 1960kii.  Kii Talyaanigu gumeysan jiray oo qaatay 1 Julaay, 196okii. Iyo Kii Faransiisku gumeysan jiray oo qaatay 1977kii. Labadii Talyaaniga iyo Ingiriisku kala gumeysan jiray oo ahaa Soomaaliya iyo Soomaalilaan way midoobeen, oo waxa ay noqdeen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Halkaas ayay dawlad loo dhanyahay ku samaysteen, kuma midoobeen.

Afganbigii uu Siyaad Barre sameeyay 1969kii, ayay xusaysaa. Afgenbi aan dhiig ku daadan ayuu dalka kula wareegay. Baarlamaankii, iyo maxkamadii wuu mamnuucay. Ninkasta oo siyaasiya oo dawladdii hore wax ka ahaa, iyo qofkasta oo haldoor ahna wuu xidhay. Siyaad Barre inuu Kaligiitaliye dadkiis gumeeyay ahaa ayay ku nuuxnuuxsanaysaa.  Shuuciyadda ayuu qaatay, dalkana ka hirgeliyay. Dhinaca kale, waxbadan ayuu qabtay oo dalka wuu dhisay, farta Soomaaliga ayuu qoray, olole akhrisbariseed ayuu sameeyay. Dalka in faragashi lagu sameeyo ayuu ka ilaaliyay. Qabyaaladda ayuu tirtiray, oo intuu hog qoday uu ku aasay. 

 Siyaad, isaga oo sidaas daldhisidda iyo dadgumeynta ah wada ayay dadkii ku kaceen. Jabhado ayaa meelo kaladuwan ku kacay. Dad badan ayaa nacay. Dabayshu waxa ay kaga bilaabantay meelo kaladuwan, haba ugu darnaadaan gobollada Waqooyiye. Dagaallo ayay dawladda iyo jabhadihii galeen. Ugu danbayn dawladdii waa la riday. Markii dawladdii dhacday dagaalku muddo ayuu socday qabiillo la isku laynayay. Waqtiyadaa burburka dawladdu socday waxa ay xusaysaa Maari inay dalka ka warhaysay. Waxbadan ayaa dhacay sida in hantidii dadka la bililiqaysto,in hablo badan la kufsado, in xoolo la dhaco, in qofkastaa waxa uu gaadho uu qaato.  ‘ Ma jirin qof dhallinyar ah oo aan qori sidan’ ayay Maari ku doodaysaa. Silicu wuu badnaa, Maarina aad bay qalinka ugu ballaadhinaysaa. 
Ugu danbayn way burburtay dawladdii Soomaaliya. Gobolladii Waqooyi, dib ayay ula  soo laabteen xornimadoodii. 18 May, 1991kii ayay ku dhawaaqeen Soomaalilaan ka madaxbannaan Soomaaliya. 

Qeybta 3aad, ee buugga Maari Haarbar waxa ay ladh uga dhigtay ‘ Islaamiyiintii.’ Waxa ay kaga warramaysaa Ururradii Islaamka ahaa ee Soomaaliya soo maray intii burburka ka dambaysay. Waxa ay ka bilaabaysaa ururkii Al Itixaad. Ururkaasi burburka ka dib ayuu samaysmay, muddo waxoogaayana wuu sii shaqaynayay. Waxa ku xigay Maxaakimtii Islaamka. Maxaakimtaasi dalka ayay xukunkiisa qabatay. Sh. Shariif oo ka mid ahaana Madaxweyne ayuu dalka ka noqday. U jeeddada ururradaasi waxa ay ahaayeen:
1- In dalka cadawga soo galay laga ilaaliyo. 
2- In Diinta Islaamka lagu dhaqo dalka. 
Ururradaa hore waa ka hordhac, halka ay u socotaa waa Al Shabaab. Al Shabaab kuwaa hore ayay ka dhalatay ayay leedahay. Ficillada Al Shabaab ee ay caanka ku yihiin ayay ka warramaysaa. Sida askaraynta carruurta. Carruurta inay askareeyaan oo iyaga yaryar ay qori u dhiibaan ayay xusaysaa.  Eedaymo kale, oo badan oo ay Al Shabaab caan ku yihiin ayay xusaysaa Maari. 

Halkan waxa aad mooddaa in dhaliisha Al Shabaab ay Maari u sii dhexmarayso dhalleecaynta Islaamka, iyo diididda xukunno badan oo Islaamku sheegay. Waxa jira Xukunno uu Qur’aanku sheegay oo Islaamku oggolyahay, oo ay tahay in Muslimiintu ay ku dhaqmaan. Xukunnadaa ayay ku doodaysaa inay yihiin Xukunno Al Shabaab. Xukunnada waxa ka mid ah in qofka Sinaysta la jaldiyo IWM. Waxa kale, oo ay aad u diiddaysaa oo xeer Al Shabaab ka dhigaysaa Xijaabka! Aad bay u dhalliilaysaa dhinacaa Xijaabka, oo diiqad bay ka qabtaa Maari. Meelo badan ayay dhaliisha Xijaabka ku sheegaysaa, marar badan Al shabaab ayay u soo maraysaa, oo Al Shabaab dadka ayay amraan Xijaabka ayay ku doodaysaa. 

Qeybt 4aad, waxa ay ladh uga dhigaysaa " Qaran Guuldarraystay.” Halkan waxa aad mooddaa inay isleedahay caalamku maadaama uu Soomaaliya u yaqaan ‘ Qaran dhicisoobay’ indhaha ka jeedi. Inta badan caalamku Soomaaliya warar aan wanaagsanayn ayay ka maqlaan. Waxa ugu badan ee Soomaaliya laga weriyaa waa gaajo, saboolnimo, xanuuno, colaad, iyo qas! Maari, waxa ay leedahay Soomaalida intaas kali ahi kama jiraane, waxa jira waxyaabo horumara oo ka socda. 
Wixii ka dambeeyay Burburka Soomaalidu waxbadan ayay horumar ka samaysay. Sida ay Maari, xusayo waxa ugu wayni waa dhinaca ganacsiga. Soomaalidu horumar aad u ballaadhan ayay ka gaadhay. Ganacsigu wuu fufay oo meel heersare ah ayuu gaadhay. Maari, sababta ugu wayn waxa ay ku sheegaysaa in ay tahay dawladla’aanta, oo ayna jirin xeerar dawladeed oo xadeeyaa. Ta kale, dadka Soomaaliyeed waxa ay ganacsiyo waaweyn ku leeyihiin dalka debaddiisa. Dhulka ay ku leeyihiin waxa ka mid ah; Kiiniya, Ingiriiska, Kanada IWM. 

Dhinaca kale, ee burburkii Soomaalidu horumar aad u ballaadhan ka samayso waxa ka mid ah dhinaca isgaadhsiinta. Lacagdiridda debadda hannaan wanaagsan ayay Soomaalidu ka gaadhay. Dhinaca Internetka sidoo kale meel wanaagsan. Dahabshiil, oo ah xawaalad lacagdirid ayaa aad u sii horumartay. Adeegyo badan ayay ummadda Soomaaliyeed u sii horumarisay.  Maari, waxa ay ku doodaysaa in Soomaaliya ay tahay meelaha Afrika ugu wanaagsan dhinaca isgaadhsiinta. 

Dhinaca, waxsoosaarka Soomaaliya way ku wanaagsantahay. Xoolo badan ayay leedahay. Xoolahaas meelo badan ayaa loo dhoofiyaa ayay Maari leedahay. Dad farabadan oo markii dagaalladu qarxeen dalka ka qaxay ayaa dalka dib ugu soo laabanaya, waxa ay horumar ka sii sameeyeen waxoosaarka dhinaca xoolaha, iyo beeraha. Beero ayay meelo magaalada ka baxsan ka iibsadaan, oo beertaan. 
Dhinaca kale, ee  ay Maari aad ugu dheeraanayso waxa ka mid ahaa dhinaca nabadda. Meelo badan ayaa nabad ah. Meelaha ugu wanaagsan ee ay nabaddu aad ka u fiicantahay waxa ka mid ah Soomaalilaan, iyo Butlaan. Meelahaas waxa ka jira nabad wanaagsan. 

Waxa kale, oo ay Maari gaar u soo qaadanaysaa Soomaalilaan iyo horumarkeeda. Soomaalilaan, oo ka go’day Soomaaliya 1991kii, waxa ka socda horumar aad u ballaadhan. Sooyaalka Soomaalilaan, hannaankeedii, iyo waqtigii la dhisayay xaaladaha kaladuwan ee ay soo mareen ayay xusaysaa. Soomaalilaan, sannadihii danbe waxa ka socday dibudhis ballaadhan, iyada oo aan weli helin aqoon caalami ah. 

Qeybta 5aad, waxa ay Maari ladh uga dhigaysaa " Budhcadbadeed.” Waxa ay kaga warramaysaa sida ay Soomaaliya budhcadbadeedu ugu badantahay, iyo xaaladaha ugu gadaan. Sidoo kale, waxa ay ku daraysaa dhaqaalaha ay ka helaan budhcadbadeedu, sida loola tacaalo budhcadbadeeda, cidda ku lug leh IWM. 
Waxa ay soo warinaysaa dad Soomaaliyeed oo xeebaha ka kalluumaysta arrintan budhcabadeeda wax laga wayddiiyay. Inta badan dadka kalluumaysta, iyo kuwa badaha ku shuqul leh ee wax laga wayddiiyaaba, waxa ay kaga jawaabaan ‘ Waxa aannu ilaalinaynaa badahayaga. Ma nihin budhcad, se sidan hadda aannu nahay duruufta ayaa nagu qasabtay. Annagu waxa aannu qabannaa dadka sida sharcidarrada ah uga kalluumaysanaya baddayada.” 

Budhcadbadeeddu waa ka caan Soomaaliya. Weliba Soomaaliya waxa ay ka midtahay meelaha adduunka ugu budhcadbadeedda badan. Se Qoraa Maari, waxa ay meelo kaladuwan oo buugga ah ku sheegaysaa in Soomaaliya meesha ugu badan ee budhcabadeeddu ay tahay Butlaan. 

Budhcadbadeeda dad badan ayaa ku lug leh, xataa inay Saraakiil dawladda ahi ku lugyihiin budhcadbadeeda Soomaaliya ayay Maari sheegaysaa. Marka la afduubto Markabka, ama hanti kalaba dad kaladuwan oo ku lug leh ayaa kala qaata hantidaas. Si hoose ayaa loo qaataa, oo loo dhammaystaa. Se hanti badan ayaa laga helaa, oo dhaqaale badan ayaa ka soo baxda. 
Maari, waxa kale oo ay shakigelinaysaa in budhcadbadeedu ay ku lug leeyihiin ururka Al Shabaab, oo ay lacagi ka soo gasho, iyo in kale. Waxa ay si cad u sheegaysaa in Maxaakimtii ay diideen oo tilmaameen inayna Islaamka ku bannaanayn hantida budhcadbadeedaasi. Sidoo kale, waxa ay sheegaysaa Xisbul Islaam inuuna oggolayn, oo diiday. 

Mawduucan, waxa aad mooddaa in Maari si dadbadan ay Soomaaliya, iyo guud ahaan dhulka Soomaalida ugu tilmaamayso  "Meel budhcad ah, oo la isdhaco. Dadka Soomaalidu yihiin mooryaan waxkasta dhacda, oo waxa ay arkaan ba damac ka qabto, oo inay dhacaan isku daya.” 

Qeybta 6aad, oo ah qaybta ugu danbaysa buugga waxa ay ladh uga dhigaysaa " Soomaaliya & adduunyada.” Waxa ay kaga warramaysaa sida Soomaalidu ay adduunyada ugu kala filiqday. 

Burburkii markii uu dhacaysa saamayn aan laga waaqsan ayuu keenay. Dad badan inay daafaha dunida tagaan ayuu sababay. Dalkii Soomaaliya adduunka ayaa soo faragashay, oo sidii qaran fashilmay ula dhaqmay. Waxa kale, oo dalka yimid Hay’ado badan, kuwaasi oo qaar badan dadkii dagaalladu saameeyeen gargaar siin jiray. Qaar kale, duruufta dalka haysata iyaga oo ka faa’ideysanaya waxbadan dhex raacsaday. 
Itoobbiyaa ayaa dalka soo gashay. Meelo kaladuwan ayay dalka haysteen. Waxa kale, oo dalka la keenay Ciidama badan oo Afrikaan ah, si ay Nabadda Soomaaliya u ilaaliyaan. Dalal badan ayay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya. ‘
Maari, waxa kale, oo ay xusaysaa colaadihii Soomaalidu waddamada ay saamaynta ku keeneen. Waddamo badan oo ay jaaryihiin ayay saamayn ku yeesheen. Waxa ka mid ah Yemen, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa Yemen u qaxay markii dagaalladu qarxeen. Qaarkood macaluul ayay dadkaasi u dhinteen. Sidoo kale, meelaha ay aadka ugu qaxeen waxa ka mid ah Kenya. Soomaali badan ayaa Kiiniya tagtay. Badankoogu way la qabsadeen oo ganacsiyo ayay ka samaysteen, qaarna qaxooti ayay noqdeen. 

Maxaynu Buugga Ka Baran karnaa?
1- Taariikhdeenna in aynnu ogaanno ayaa ugu muhiimsan. 
2- Sida ajaanibku u daneeyo taariikhda, iyo dhacdooyinka Soomaalida.
3- In buugta ay ajaanibku qoraan ilgaara ku eegno, waayo kuwa badan ayay suurtagal tahay inay waxqaldan innaga faafinayaan.  

Dhaliisha Buugga
Dhawr qodob ayaan buugga ka akhriste Sandheer ahaan, ku dhalliili karaa. Waxa ka mid ah:
1- Maari, waxa ay isleedahay qaladfahanka Soomaalida laga haysto sax, oo wax caadiya sheeg; se waxa aad mooddaa inay iyada lafteedu qalad kale gudbinayso, oo adduunyada u gudbinayso. Meelahaas waxa ka mid ah sida ay iskugu dhexdartay xukunnada Shareecada Islaamka iyo dadqallada Al Shabaab. Taariikhda Soomaalida iyo sida ay u warinayso. Soomaaliya iyo waxa ay ka sheegayso IWM. 
2- Diinta Islaamka xukunnadeeda ayay argagixiso ka dhigtay, oo waxyaabo badan oo Islaamku inna faray ayay ku sheegtay ficillo argagixiso, iyo Al Shabaab. Waxa ka mid ah sida ay u sheegayso Xijaabka, xukunka tuugada, xukunnada Sinada IWM. 

Gebagebo
Ugu danbayn buugga way soo koobaysaa Maari, oo waxa ay isku dayaysaa waxaa aynu ka warranno inay gebagebada ku dulmarto.  Si guud buuggu waa intaas. Intaas ayaan ku soo koobayaa. 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Juun, 2020.
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS