Cidina Geel Biixi lee yahay uma raacin, kamana didin.

0
Wednesday 16th September 2020 11:50:58 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cidina Geel Biixi lee yahay uma raacin, kamana didin.

    Maalmahana waxaan arkaayay rag siyaasiyiin ah oo ka cataabaaya ama mana-sheeganaaya warbaahinta oo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmahana waxaan arkaayay rag siyaasiyiin ah oo ka cataabaaya ama mana-sheeganaaya warbaahinta oo ku




 eedaynaaya madaxweyne Muuse Biixi inuu ka abaalka daray, kuwaasi oo weliba u badan wasiiradii xukuumaddii Siilaanyo.
Madaxweyne Cigaal ayaa mar eryay siyaasi si weyn ugala soo tallaabay shirweynihii beelaha ee 7aad ee lagu soo doortay odayga, kadibna waxa uu ka hadlay Kheyriyada, isagoo nuxurka jawaabta uu arrintaasi ka bixiyay ay ahayd in aanu jirin shakhsi geel Ibraahim X. Cigaal lee yahay u raacay, balse la wada dhisaayay wax loo arkay dan.




Haddaba marka la eego cabashada siyaasiyiintani ee ah inay kaalin weyn ku lahaayeen doorashadii madaxtooyada uu ku yimid madaxweynaha waxaan lee yahay siyaasadu ma laha mano-sheegasho iyo dhabar isku xoq ee waxaan aan u soo jeedin lahaa seddexdan qodob inay mid uun yeelaan ee kala ah:-



* In uu afka xidho oo uu sugo wakhtigiisa.
* Inuu badheedho oo dagaal u diyaar garoobo kuna biiro madalaha liisanka u haysta dhaliilaha xukuumadda sheeg-sheegistooda oo bartaa xisbiyada ka soo dagaal galo.
* Iyo in haddaanu quusan uu la yimaado samir taag waa oo uu iska kulaalo xisbigiisa.
Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan lee yahay nina nin kale gurigiisa ugama shaqeeyee waa in aan la kala caban, marka lays garan waayose in la kala baydho way furan tahay.

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS