[Xog Culus:-] Maareeye Ku Xigeenkii Dekadda Berbera Oo Khamri Isagoo Cabsan Lagu Qabtay Jeelkana Loo Taxaabay

0
Tuesday 22nd September 2020 22:35:42 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xog Culus:-] Maareeye Ku Xigeenkii Dekadda Berbera Oo Khamri Isagoo Cabsan Lagu Qabtay Jeelkana Loo Taxaabay

    Xog Culus:- Maareeye Ku Xigeenkii Dekadda Berbera Oo Khamri Isagoo Cabsan Lagu Qabtay Jeelkana Loo Taxaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog Culus:- Maareeye Ku Xigeenkii Dekadda Berbera Oo Khamri Isagoo Cabsan Lagu Qabtay Jeelkana Loo Taxaabay



Hargeysa (Karin News):- Maareeye ku xigeenka dekadda caalamiga ah ee magaalada Berbera Mudane Cumar Abokor Jaamac ayaa habeenimadii xalay ahayd lagu xidhay maandooriyaha khamriga gudaha magaalada hargeysa sida ay ilo xogogaal ah u sheegeen Karin News, sidoo kale waxaa odayaal , xildhibaano iyo waxgarad ay isku beel yihiin maareeye ku xigeenkani ay u tageen wasiirka arrimaha gudaha oo ay isku jifo hoose sii yihiin iyo sidoo kale Madaxweyne muuse biixi cabdi oo ay ka dalbadeen inuu sii daayo .

Geesta kale waxay sheegeen ilo wareedkani inuu Madaxweyne Biixi ku gacansaydhay islamarkaana uu ammar culus ku bixiyey in lagu hayo saldhiga dhexe masuulkan khamriga cabay, in kastoo maandooriyaha khamriga uu alle xarrimay islamarkaana dalka jamhuuriyadda somaliland ka mamnuuc ah , waxay u muuqataa in xilka xayuubin uu ku sameyn doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay xukuumaddiisa ka reeban tahay masuul alcholic ah










Warka Berbera Ee Maareeye Ku Xigeenka Dekeda Berbera - YouTube
Loading...
LATEST NEWS