marka Madaxwayne Biixi Gabiley yimaado waxa haboon in lagala hadlo

0
Monday 12th October 2020 09:53:08 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    marka Madaxwayne Biixi Gabiley yimaado waxa haboon in lagala hadlo

    1- Gobolnimada Gobolka Gabiley oo ay xukuumadu horgeyso Golaha wakiilada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Gobolnimada Gobolka Gabiley oo ay xukuumadu horgeyso Golaha wakiilada.


2- Airportka kalabaydh oo uu dhagax dhigo lana  dhiso,  maadaama uu ku yaal meel aad ugu haboon Somaliland iyo Ethiopia ba isku xidhi karta oo baahi weyn loogu qabo xaga ganacsiga iyo isku xidhka Gobolka Geeska Africa. 

3- Waxii waxqabad ah ee dawlada dhexe looga baahnaa ee laga fulin lahaa Gobolka Gabiley iyo  deegaanadiisa,  maxaa sadex sanadood soo gaadhay Gabiley. 


4- Gabiley waxa ay ahayd xuduntii Kulmiye ilaa doorashadii ugu horeysay ee Somaliland ka dhacda ilaa taasi ugu dambaysay maxaa kaga soo noqday taageeradaa ay xisbiga siiso. 

5- in aanay Gabiley xaqeeda ku waayin Madaxwaynaha ayaa ay isku beel yihiin,  Somaliland na aanay u eedaysnaan iyada oo aanay jirin wax laga qabtay oo ay dawlada dhexe fulisay. 

Hadii la soo qaado arimahani koley inta ka agdhow iyo inta xilalka haysaa ma jecla oo kursiga ay ku fadhiyaan ayaa la weyn , laakiin waa baahiyo iyo xaqiiqoyin jira oo u baahan in lagula xisaabtamo xukuumada. 

Muxamed Dhimbiil
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS