Qabyaaladdii la Aasay

0
Tuesday 13th October 2020 09:24:08 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabyaaladdii la Aasay

    Waahgii afgembigu ka dhacay dalkii Soomaaliaya ee dawladdii rayidka ahayd kursiga laga xooray ayaa Siyaad Barre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waahgii afgembigu ka dhacay dalkii Soomaaliaya ee dawladdii rayidka ahayd kursiga laga xooray ayaa Siyaad Barre
oo dalka xukun meliteri ku soo ragay amray in qabyaaladda la xabaalo, oo dalka aanay jiri doonnin in abtirsiimo iyo kala xigteysi ka jiro, iyo in erayada tolaysiga xambaarsan aan la isticmaali karin; sida adeer, ilmadeer, isku qolo ama tol iwm. 


Marka qof  la damco in la la hadlo waxa magaciisa laga hormarin jirey erayga "Jaalle". 
Qabyaaladda oo musawir meyd loo ekaysiiyay ayaa rarab lagu soo degleeyay oo garbaha lagu soo qaaday, socod lug ah ayaa magaalada lagu soo dhex marey waxaana la gu xabaalay, magaalada Burco;  dawladda hoose dacalkeeda bari ee dhinaca waddada biriishka xigta.



Ogaalkay ma qabo in magaalo kale lagu xabaalay qabyaaladda. Dadka oo idil waa ay ku faraxsanaayeen in qabyaaladda iyo tolaysiga ba la xooro, si caddaalad iyo sinnaan ah dawladnimada iyo khayraadka dalka loo wadaago. 

Waahgii dambe ayaa dadweynihii arkay in qabyaaladdii la xabaalay uu taliska waddanka ka arrimiya iyo qoyskiisu adeegsanayo, oo dulmigii  si ka daran xilliyadii tii hore dambe u baahay. Arrintan ayaa fasiraad kale u yeeshay wixii la xabaalay, iyada oo ay dadka qaar ku macneeyeen in uu fal iyo sixir ahaa wixii musawirka aadamiga lahaa ee kafanta lagu soi alluubay dabadeenda iilka lagu riday.

1991 markii xukunka laga tuuray taliskii meleteriga ahaa ayaa xabaashii la soo qufay oo wixii falka loo maleeyayna la soo saaray.

isla 1991 ayaa dagaalkii u horreeyay ee qabyaalad ku salaysan ee dhaca intii xorriyadda la qaatay uu burco ka dillaacay.!


Waxa Qoray Professor Axmed Muuse Ismaaciil.
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS