Sida Lagu Sharraxo Aragtida Aqooneed Ee Evolution-ka Soyaalka Jidheed Ee Dadku Waxa Uu Soo Maray Qaabab Kala Duwan.

0
Thursday 15th October 2020 08:31:44 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida Lagu Sharraxo Aragtida Aqooneed Ee Evolution-ka Soyaalka Jidheed Ee Dadku Waxa Uu Soo Maray Qaabab Kala Duwan.

    oo raadkoodii lagu arki karo qalfoofyada la soo faago iyo jidhka qofka ee hadda noolba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

oo raadkoodii lagu arki karo qalfoofyada la soo faago iyo jidhka qofka ee hadda noolba.
Tusaale ahaan malaayiin gu ka hor waxa aynnu ku noolayn duurka, waxa aan cuni jirnay hilibka qaydhiin iyo midhaha/caleenta dhirta, xeeladdeenna badbaado waxa ugu muhiimsanayd fanashada dhirta iyo orodka sidaa awgeed waxa aad u xoogganaa murqaheenna addimada iyo daamankeenna waxaana inta ay hadda tahay ka yarayd maskaxdeenna gaar ahaan qaybta kore ee cusub (neocortex) - Inta aynu u baahnayn caqli waxa ka badnayd inta aynu u baahnayn muruq iyo maskax-yarta oo jidhka dheelli tirta.




Hayaanka waqti innaga oo la soconna ayaa waxa uu isbaddal weyni ku dhacay jidhkeenna; waxa kortay maskaxda qaybta sare oo kor u soo kicisay dhafoorkeenna oo markii hore gadaal u diicsanaa sida gooriilaha, taasi waxa ay keentay in uu daanku soo yaraado oo uu dib u galo gunta madaxa oo ay maskaxdu hore u soo fidinayso, itaalkii muruqyadiisa iyo qaabyaalkii ilkahaba waxbaa iska baddalay oo waa ay taag yareeyeen; arrintaasi waxa ay la jaanqaadday ama ka dhalatay barashadii dabka iyo karinta/solidda hilibka oo ah arrin ku lammaan koritaanka caqliga keentayna in hilibku jilco oo aan loogu baahan tamar lagu ridqo.



Aqoonyahannada sooyaalka noloshu waxa ay qabaan in isbaddalkaa evolution-ku uu qayb ahaan hadda horteenna ka dhacayo oo gawska u dambeeya ee daanku uu aad u hagaasay, kol haddii uu daankii aad u yaraaday, sidaa awgeed ayaa uu u habsaamaa oo uu u soo baxaa goor aad uga dambeysa gawsaha kale - gaws caqli, dadka qaarna uma soo baxaba, kuwo aad u badanna waxa uu u soo baxaa qaab qaldan oo gurrac ah maaddaama oo ay meeshiisii ku yaraatay waxaana la filayaa in uu gabi ahaanba ka dhaco geeddiga nololeed ee dadka kana mid noqon doono beri aan fogeyn sooyaalka evolution-ka.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS