Sharrax iyo Ereyfur!

0
Thursday 15th October 2020 08:36:33 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharrax iyo Ereyfur!

    uusuf oo ku xarragoonaya ereyo barwaaqasooran ah ayaa markanna ku soo hor dhigaya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

uusuf oo ku xarragoonaya ereyo barwaaqasooran ah ayaa markanna ku soo hor dhigaya,


Maanso: Aygarad.
God: Jiifto.
Curiye: Yuusuf-Shaacir Cismaan Cabdille.


Ararta ayaa uu kuugu sheegayaa waxa ay maansadiisu daaran tahay, waxa wada iyo waxa ay ‘u dig iyo dam’ leedahay. Ararta ayaa uu, isaga oo ereyo culculus ku bilaabaya, kuugu sheegayaa in jeedafkiisu yahay soo banbixinta hodantooyada afeed ee Soomaaliga; iyo in afku yahay ubax bilnaa oo sida darayamuuska oo kale ahaa, hadda se ay dadkiisu hagradeen ilaa uu dawrarmay, cardaaduqay, mataataxay, ansaleelmay oo uu ka fadalmay!
Marka uu intaas kuu qaddimo ayaa uu halhaleel kuugu bilaabayaa muujinta af ereyo qaro weyn lehi ay higil ka yihiin, af ay hamasheeyeen ereyo wada armac ah, af anuug ah oo qoddo dheer ayaa uu oodda ka soo rogayaa. Markaas buu ku soo bandhigayaa af leh aqoon darfo ballaaran. Xiddigiska iyo xoolaraacata, afyahankiyo abogaaga, falaadka nolosha iyo sida uu aadanuhu u la fal galo ayaa in door ah kaaga tilmaamayaa.

Yuusuf oo ku xarragoonaya ereyo barwaaqasooran ah ayaa markanna ku soo hor dhigaya, sida adiga oo og in afkaagii hodanka ahaa uu nacab dhabarjabinayo aad u gamaanyoonayso ee aadan u dhoocaarin, sida afkaagii ay dandarro iyo diif adagi u haraysay ee halkii aad isku luri lehayd aad isugu ladayso. Isaga oo intaasba ka yaabban buu haddana awaare kugu dhaafayaa.

Ugu dambaysta ayaa uu xusuusanayaa, isaga oo xusuusnaa, ragdoorkii afkan u soo halgamay, qaarkood, ee naftoodii iyo duunyadoodiiba ag dhigay, si uu u sii jiro. Ragdoorkaas buu nin weliba kaalmihiisii qaaliga ahaa ee uu ku suntanaan jiray middood ku sheegayaa, si ay maansadiisu, malaha, u urursanaanto. Inta dhimatay buu, gebagebadana, Eebbaha weyn uga durraamayaa in uu u samo falo.

Ururtiyo laxaa sare
Afagaalle Caliyow
Ninka adhaxda jiilaal
Eegaa ma ledi jirin!
Anna oonka lahashada
Umalkiyo wisiisiga
Waxaan oodda dhacameed
Ashqaraar u ka la guray
Oogadayda laacdiyo
Ubaxii bilnaan jiray
Sidaan ugu abtirin laa.
Awinkiyo aswaantiyo
Arahdiyo argeegtiyo
Agadkiyo adeentida
Orobkiyo arbeebiga
Abaajiga asoolka leh
Awsaaxa jiifiyo
Ilmadhuug kolay tahay
Ardalkiyo amuumkiyo
Adamii tilmaannaa
Uusmiirka liitee
Nafta lagu la eertiyo
Abqadiyo adaahida
Abxadiyo adarigii
Iyo aabigeedii
Allamaanka saarraa
Agabaraha geedkiyo
Igmashada fartaagga leh
Olloggiyo ardaayada
Axdartiyo asaayaha
Awgiyo ijaabada
"Adur!” tii la odhan jiray
Agloolkiyo anfaaciga
Arooskiyo agliilkii
Ajuurada wedaadkii
Eeraanka dheeraa
Agtilaalkii soocnaaa
Amihiyo aboodiga
Axadhiyo akeekiga
Anfariirka jaantiyo
Aynfaadka yaabka leh
Arartiyo halhayskiyo
Ilmarogashadeedii
Ereyada tasoobiyo
Afku inuu agoon yahay
Aqoonyahan tilmaamiyo
Abwaan kaa ma qarinine
Kumaad eersanaysaa?
Ayax guuray eel reeb
Aragtida xidaarkiyo
Wax la yidhi aftahankii
Aamus buu ku dhow yahay
Bayaxaw oddoroskii
Naaf dhaladka eedee
Ammin iyo god lays waa
Asal oodan baa jira
Runta abasaxeediyo
Abaraaqa waayaha
Abogaa warkiisiyo
Arnaa’uudka weydii
Aygaradka sii raac
Eelaweynta naaxdiyo
Baydari ugaadhsiga
Ishinkeeda raacdee
Ohligaad jeclaydiyo
Okholaha halkiisii
Umal baa ka sare kacay.
Aroortiyo Aroorida
Ashkir inuu bariistiyo
Wax la yidhi adeeryadu
Dhulka meel aftoolin ah
Ku ma uunsi shidatoo
Aarmigu ma saacido
Waa Agaalli-waranley
Iyo nugul abaareed
Carshintii Aloog iyo
Calow darantii Eexood
Alle waxay ka sugayaan
Cirku in uu mar ooftiyo
Arligoo ku doogsada.
Ukulidii dareenkiyo
Uubatays ha joogee
Yaa irdheeyay waayaha?
Yaa agoolka saanyaday?
Aydinkiisa laaciyo
Ijadiisa ayaa luray?
Arbe waa yaqaanaa
Halkuu oosha mariyoo
Oolimaad diraaceed
Udo weyne ku ma furo.
Garashada ab guurtiyo
Aradkana hankaw daran
Agoon waa qofkii madhan
Indhaa aragtidooday
Ilkuhuna wax gooyaan
Aadmigu isqaadqaad
Isagaan abuurtiyo
Aayihiisa faallayn
Damaciisa iibgee
Hadba aag u soo gudub
Nin adduun majeertaa
Indheergarato maahee
Iimaankii duug noqoy
Asalkiina laga faan.
Adduunyada af baa fura
Aqoontana af baa qora
Dhaqankana af baa sida
Dhaxalkii awoow iyo
Isirkana afkaw mudan
Aasaarta duuggiyo
Taariikhda aadmiga
Afku udubdhexaad iyo
Aqalkooda weeyaan
Ummaddana hankeediyo
Ilbaxeeda weeyaan
Ubadkana asluubtiyo
Aayahooda weeyaan.
Allif macallin baa dhigay
Iyo Awgii weynaa
Keenaddiidna aashiis
Aragtiyo far buu qoray
Galaal aynigiisii
Ummadduu wax uga tagay
Shire-Gaab ammaan iyo
Ubax baa dul saarraa
Kaddaraa ogaalkay
Qoraal loogu iman jiray
Aqoontana Shiraa yiri
Maan Iftiin ku saanyado
Afrax inuu dadaaliyo
Weli orodkii muu dayn
Gaarriyana astaamaha
Afka waa macnayn jiray
Arbayaasha qaar iyo
Akhyaartii badh baa maqan
Abaal lagu xusuustiyo
Tixdu waa abbaartood
Inta iilka jiiftana
Alle hawgu samo falo.
_________________________
Ereyfurro:
1. Urur: Waa xiddigo urursan oo cirka ka muuqda.
2. Laxo: Urur xiddigo ah oo tiradoodu lix ka kooban tahay.
3. Afagaal: Waa god ka mid ah 28ka ee dayuxu maro. Godkan ayaa ka tirsan bahda toddobbada ah ee la isku yiraahdo "Raqo,” oo ka la ah: Godan, Libcas, Urur, Galgaal, Agaallicad, Agaalliwaranley iyo Afagaal.
4. Cali: Waa Cali-Seenyo Axmed Raabbi oo ah wariye.
5. Lahasho (Laho): Wax aad u hanqaarantay oo aad laabta si daran ugaga jeclaatay.
6. Umal: Caro ciilqab ah.
7. Wisiisiga: Qof aad u carooday oo ismadaxmaray, si aan aabbayeel lehaynna wax u qarribis.
8. Ashqaraar: Yaab weyn; amankaag.
9. Awin: Nin; harti. Waa af ay ku hadlaan dadka Gabooyaha la yiraahdo.
10. Aswaan: Naag; marley. Waa af ay ku hadlaan dadyowga Gabooyaha la yiraahdo ee dega Waqooyiga.
11. Arah: Tiro dad ah oo u darbaday in ay soo gurtaan miro, xabag, caws iwm.
12. Argeeg: Geed nagaar aan qodax lehayn, oo leh laamo dhuubdhuuban, caleemo yaryar iyo xididdo dheerdheer oo weelbiyoodka laga tolo.
13. Agad: Dhagxaanta macdanta dhagax ka mid ah. Degaannada qaarna waxa looga yaqaan: xilliga barwaaqada kolka ay dhirtu hamashowdo faraqyadeeda.
14. Adeenti: Adiga oo baadiddoon ah oo cidla’ jooga ayaad maqlaysaa dhawaq koor ama ci’ xoolaad, ama se ma ahee aad raad dad ama duunyo la kulmaysaa, oo aad degmo la deggan yahay u soo dhowaanaysaa, waa taas adeentidu.
15. Orob: Waa fadhiga kabajaaga.
16. Arbeeb: Idinkoo halis ku jira oo lagaba yaabo in la idin dilo ayaa nin soo baxayaa oo oranayaa "Anigaa garanayee daaya,” kolkaas baad ku sheekaynaysaan "Annaga oo halis ku jirna ayaa Ilaahay Hebel nagu arbeebiyay!” Waa wax sababa in aad ku badbaaddo.
17. Abaaji: Xoolo lumay mar dambe tebis. Nin baa xoolo badan leh (ari badan oo kun kor u dhaafaya) markaas baa neef ka lumayaa oo aan la tabayn, saa kun neef, neef wax u ma ay oga e. Kolkaas baa muddo dheer ka dib neefkii la isu sheegayaa in uu xoolaha ka maqan yahay se waa mar uu ‘abaajiya’ ama uu ‘raagay!’
18. Asool: Waa iduhu marka ay wanka u baahdaan (wadartooda) si uu u kudo. Laxda kaliya marka ay tahayna waxa la yiraahdaa: wax oslaysaa.
19. Awsaax: Waa maska marka uu aad u gaboobo.
20. Ilmadhuug: Awrka ayaa marka uu hasha ursado ayaa wax uu garan karaa, ilmaha ay calosha ku siddo in uu dhintay iyo in uu nool yahay.
21. Ardal (af Carabi): Doqon; gocor.
22. Amuum: Nin aamus badan, ama aan aragtidiisa cabbiri karin.
23. Adami: Ugaarsatada ayaa labo jaad ah: dar ugaarsada oo ugaarta hilibkeeda doonaya in ay ka dheefsadaan; iyo dar kale oo foolka maroodiga, haragga shabeelka iwm ka dheefsada, jaadkan dambe ayaa ‘adami’ la yiraahdaa.
24. Uusmiir: Geelii ayaa ceelka ka soo fulay. Haddii in cabbaar la socday ayaa geeljirayaashii qaarkood ama giddigoodba aad u harraadeen markaas bay biyo oo idil waayeen. Haddaas oo kale ayaa ay hal geela ka mid ah qalan jireen oo inta uuskeeda geel ka soo laadlaadiyaan hoosta ka duleelin jireen oo sidaas, biyo, kaga haqabbeeli jireen.
25. Eer: Miciin bidis; irakasho; agabsi.
26. Abqo/Aqbo: Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniinyo ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhaameel; qabco.
27. Adaahi: Geed xooluhu ku dhacartaan oo leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryar oo dhuubdhuuban.
28. Abxad: Waa harag weyn oo wax lagu gurto, maanta se shandad baa halkiisii gashay.
29. Adari: Dheri weyn oo dhoobo ah oo laga keeni jiray Adari ama Herer.
30. Aabi/Aabhi: Gardarro islaweyni kibir ku jiro oo cid lagu la kaco.
31. Allamaan: Waxa uu ka mid ahaa qoryihii ay Soomaalidu ku diriri jirtay.
32. Agabare: Hanti la siiyo cid wax dhexdhexaadisay; hagarbey.
33. Igmasho: Cid dood u wakiilasho; igbasho.
34. Ollog: Deris; jaar.
35. Ardaa: Dugaal kor ka furan, ood ka samaysan, aqallada hortooda laga dhiso oo habeenkii lagu caweeyo ama la seexdo.
36. Axdar: Belaayo; aafo.
37. Asaaye: Ciqaab ka dhasha waxyeello horay la isku gaarsiiyay; godob.
38. Aw: Waa kutubqaadka aan wedaadka weyn gaarin. Degaannada Koonfurta, ninka weyn ee da’da ahna waa laga yiraaahdaa.
39. Ijaabo (af Carabi): Aqbalista duco Ilaah loo jeediyo oo uu aqbalo.
40. Adur: Waa erey laga oran jiray waxyaabaha la baasaysto; Allow naga weeci!
41. Aglool: Waa haruubka ama caanaha cusub ee la agloolayo ama la xooleenayo. Waxa ugu horreeya ee lagu shubo, badanaa, isaga ayaa liqa.
42. Anfaaci: Dheefta la quuto.
43. Agliil: Toddobada casho ee hore ee uu aroosku cusub yahay raashinka ay cunaan ayaa la yiraahdaa.
44. Ajuuro: Waa gunnada la siiyo wedaaddadu marka ay Quraan kuu akhriyaan ama ay qof jirran cashariyaan.
45. Eeraan: Socod dheer ama orod badan.
46. Agtilaal: Waa nin had iyo goor muran badan oo akeekin ka keena hadba wixii la soo jeediyo.
47. Ami: Waa xoorka lab.
48. Aboodi: Jaad haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhexeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka lugaha iyo baalasha dhinacyadooda ay guduudan yihiin.
49. Axadh (Axar): Waa lafagurka garta ama in si xeeldheer oo qoddo dheer loogu gondo daadego.
50. Akeeki: Isyeelyeel; oogayeel.
51. Anfariir: Dareen kulminaya yaab weyn iyo beerkaag (cabsi).
52. Aynfaad: Dhibaato aad u ballaaran.
53. Arar: Dhulka u dhow eek u heeran ceel ama degaan. Gogoldhigga loo sameeyo tix ama tiraab. Halkan macnaha dambe ayaa ay ugugu jirtaa.
54. Ilmarogasho: Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka uu korriinkiisu gaaro heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjiifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu ka dhalanayo waxaa la yiraahdaa ilmo-calooleed.
55. Tasow: Baadi wax muddo badan maqnaa noqosho. Nafley dayoobis. Halkan Abwaanku waxa uu uga jeedaa: wax lumay ahaansho.
56. Eel: Dhibaato aad u ballaaran.
57. Xidaar: Waa ninka xiddigiska iyo dabaylaha yaqaanna.
58. Bayaxaw: Waa xiddigta u dhexaysa Garbo iyo Gudban oo bah "Daalalli” ah. Mar kale, waa wiilka dhasha 14-15d dayaxa. Kaas oo la aaminsan yahay in wiilkaasu aakhirkiisa uu noqonayo hodan falxad ah. Macnahan dambe ayay ugugu jirtaa. Inantana "Mareegadheer” baa la yiraahdaa (waa xidigga u dhexeeya Shawle iyo Dameer oo waa bah "Daalalli”) oo waa haddii ay dhalato kolka dayaxu marayo habeennada 17-18d.
59. Oddoros: Male; awaal; saadaal; hilaad.
60. Naaf: Waa god isaguna uu dayaxu maro.
61. Abasax: Baahida ay hal ama qaalin geel ahi u qabto abaahi.
62. Abaraaq: Waa fadhi xun oo ka la daadsanaan ah; baraaqsi.
63. Abogaa: Waa soojire; inbadanjoog; qof degaanka uu joogo u dhashay ee aan ahayn abaari keentay.
64. Arnaa’uud: Waa derajo uu Turkigu bixin jirin jeer hore oo uu geyiga Soomaaliyeed yimid.
65. Aygarad: Qof garaad badan oo aan la dagi karin; waxgarad; indheergarad feejignaan aad ah leh.
66. Eelaweyn: Waa qaalmaha marka ay yaraantana ka tagaan, goortii awrku abaahiyi lehaa ee ay caloosha wax ku qaadi lehaayeenna aanay gaarin.
67. Baydari: Waa labadii jaad ee ugaarsadaha mid hore ee ahaa: midka u ugaarsada in uu ugaarta hilibkeeda cuno ama ka dheefsado; hargaanti.
68. Ishin: Ugaarta ayaa labo qeybiyaa: ishin iyo yaris. Ishinku waa inta waaweyn; yaristuna waa inta yaryar.
69. Ohli: Kolay weyn, harag ama mayrax ka samaysan oo badarka iyo waxyaanaha yaryar ee guriga lagu gurto.
70. Okhole: Gaawe weyn oo sida badan qori ka samaysan oo ceelasha gaabgaaban biyaha looga soo darsado.
71. Aroorta: Waaberiga.
72. Aroori: Waa ban weyn oo Burco dusheeda ah.
73. Ashkir: Midab ka mid ah midabbada fardaha.
74. Adeeryo: Waa goodirka dheddig; adeericaarrey.
75. Aftoolin: Meel cabsi leh; afdoolin.
76. Aarmi: Waa hub.
77. Agaalli-waranley: Waa god ka mid ah godadka dayaxa; agaalli-casna waa la yiraahdaa. Godkan ayaa ka tirsan bahda toddobbada ah ee la isku yiraahdo "Raqo,” oo ka la ah: Godan, Libcas, Urur, Galgaal, Agaallicad, Agaalliwaranley iyo Afagaal.
78. Nugul: Waa xoolaha intooda aan biyaha wax badan ka qadi karin.
79. Carshin: Dhul daaq leh.
80. Aloog: Waa buur Boorame dhanka bari ka xigta.
81. Cali: Waa Cali-Seenyo Axmed Raabbi oo ah wariye.
82. Daranta: Geed yar, jaadad badan oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan geelu ku jeelbaxo leh.
83. Eexo: Waa degaanno Burco berigeeda dhaca.
84. Oofto: Deexdo ama da’o.
85. Ukuli: Waa hees la qaadi jiray marka libaaxa laga baqayo.
86. Uubato: Bahal eyga u eg; yey; uuley. Mar kale waa qaylo aad u dheer. Macnaha dambe ayay ugugu jirtaa.
87. Agool: Waa uskagga madaxa gala. Midka jirka intiisa kale gala waxa la yiraahdaa: toxob.
88. Aydin: Waa midabbada geela mid ka mid ah.
89. Ijo: Waa geela hasha madhaafaanka ah ee u sidata.
90. Arbe: Waa maroodiga lab.
91. Ool: Kooxda uu arbuhu kaxaysto ee uu hoggaamiyo.
92. Oolimaad: Waa guri diraacdii oo idil ay reerku degganaayeen. Kolka, marka uu gu’gu da’o dadku had iyo jeer ma jecli in ay ku sii negaadaan.
93. Udo: Waa saxaraha ama banka lamadeggaanka ah.
94. Arad: Haweenay la qabo; naag; oori; afo.
95. Majeero: Wax si aad ah u jeclaansho.
96. Aasaar (af Carabi): Raadad.
97. Awgii: Waa Sheekh Yuusuf al-Kowneyn.
98. Keenaddiid: Waa Cismaan Yuusuf Keenaddiid oo 1921kii qoray far Soomaaligii ugu horraysay, inta la og yahay ee qof Soomaaliyeed qoray, oo Farta Cismaaniya ama Far Soomaali la oran jiray.
99. Galaal: Waa Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal oo ka tirsanaa Guddigii Qorista Af Soomaaliga ee 1971.
100. Shire-Gaab: Waa Maxamed Shire-Gaab Maxamed oo ka tirsanaa Guddigii Af Soomaaliga ee u horreeyay, 1960. Markii dambana ka mid ahaa buddhigayaashii Wasaaradda Waxbarashada iyo Hanuuninta Dadweynaha.
101. Kaddare: Waa Dr. Xuseen-Kaddare Sheekh Axmed Hilowle oo 1952kii qoray far Soomaali la oran jiray Farta Kaddariya. Waxa kale oo uu ka mid ahaa Guddigii Qorista Af Soomaaliga ee 1971.
102. Shire: Waa Shire Jaamac Axmed oo ka mid ahaa dhidbayaashii far Soomaaliga Laatiinka ah.
103. Iftiin: Waxa uu ahaa jariirad uu Shire Jaamac Axmed kaligiis qori jiray dabayaaqadii 60d qarnigii tagay. Waxa la oran jiray jariiraddaas: Iftiinka Aqoonta.
104. Afrax: Waa Maxamed Daahir Afrax oo ah qoraa jiitay. Immikana waa Guddoomiyaha Akademiyad Goboleedka Af Soomaaliga.
105. Gaarriye: Maxamed-Gaarriye Xaashi Dhamac ayaa dhintay 01 Oktoobar 2012. Waxa uu ahaa abwaan murti culus iyo xeeldheere miisaanka maansada; waxa uuna ka mid ahaa barayaashii maaddada af Soomaaliga ee Kulliyaddii Barayaasha ee Jaamacadda Ummadda.
106. Arbayaal: "Arbe” waa atooraha filinka ama kunjeertada (riwaayadda). Waxa halkan looga jeedaa: foolaadkii iyo labeentii.
W/Q: Aar Aw Fiqi.



 

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS