Arrimaha Caafimaadka: Gaastari ( H.pylori infection)

0
Saturday 17th October 2020 10:17:20 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrimaha Caafimaadka: Gaastari ( H.pylori infection)

    Waa mar kale iyo maqaaladeenii taxanaha ahaa oo aynu maanta ku faaqidi doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa mar kale iyo maqaaladeenii taxanaha ahaa oo aynu maanta ku faaqidi doono


 xanuunka gaastariga. Cudurkan ayaa ah mid haleela qaybo ka mid ah dheef-shiidka inta badana abbaara caloosha. Ereyga gaastari ayaa isagu ah mid aynu qalad fahanay islamarkaana aan ahayn sida aynu u naqaano ama u adeegsano. Ereygan ayaa isagu asal ahaan ka soo jeeda afka laatiin-ka oo inaga afkeena u dhigmaya caloosha. Ereygani ma sheegayo cillad ku timaada caloosha bini’aadmiga ee keliya waa magaca xubintani leedahay.

Cudurkan waxa keenta nooc ka mid ah bacteria-da loo yaqaano helicobacter pylori. Bacteria-dan ayaa iyadu ka mid ah kuwa weerara isla markaana dega caloosheena. Waxa ay ku tarantaa bacteria-dani kuna uruurtaa lakabyada gudaha ugu xiga ee caloosheenu leedahay. Waxa mararka qaar ay degi kartaa qaybta hore ee midhicirka yar ee bini-aadmigu leeyahay. Sida aynu hore ugu sheegnay qoraalkeenii ka horreeyey kan, aysiidha caloosha ayaa ah mid ka mid ah wadiiqooyinka aynu isku difaacno. Hadaba bacteria-dan ayaa iyadu ka gabbata aysiidhan oo iska xigsiisa lakabyada qaar caloosheenu leedahay.



Cudurkan ayaa ah mid aad ugu badan wadamada soo koraya. waxa la sheegaa in kala badh dadka dunida ku nool ay jidhkooda ku jirto bacteria-da cudurkan keentaa in kasta oo aanay astaamaha cudurkani dadka ka soo wada bixin. Dadka ayaa ah halka rasmiga ah ee hoyga u ah ilma-aragtaydan. Waxa jira aragtiyo ay qabaan qaar ka mid ah saynisyahanada caafimaadku oo odhanaysa in dukhsigu uu walwaali karo bacteria-dan, ilaa hada se lama caddayn in bacteria-da uu sidaa ay inaga cudur inagu keeni karto. Cudurkan ayaa ku kala badan dhulalka qaar, da’da, qoomiyada iyo wixii la hal maala. Waxa lagu ladhaa in dumarku uga nugul yihiin inuu uu ku soo noqdo caabuqani. Cudurkan ayaa ku badan dadka dhaqaalahoodu hooseeyo , iyada oo dadku inta badan qaadaan cudurkan ciyaalnimada oo la aaminsan yahay in nadaafada oo hoosaysaa ay tahay qodobka ugu muhiimsan .


Habka loo kala qaado cudurkan Ayaa isagu ah mid lagu kala tagsan yahay hase yeeshee ay jiraan meelo ay ka wada duulayaan culimada caafimaadku. Waxa la sheegaa in lagu kala qaadi karo inaad toos isu soo gaadhaan candhuufta, mataga iyo saxaro sida H.pyori. waxa intaa dheer in lagu qaadi karo biyo ama cunto aad qaadatay oo iyaguna xambaarsanaa bacteria-dan. Tuumbada lagu dhaadhiciyo caloosha ( Endoscopy) ayaa iyaduna ah mid fudaydin karta fiditaanka cudurkan hadii aan si quman loo nadiifin.

Qodobada kor u qaadi kara in uu cudurkani ku haleelo ayay ka mid yihin in aad ku noolaato dalalka soo koraya, goobaha dadka badani degan yihiin iyo in aad la nooshahay qof qaba cudurkan.

Astaamaha cudurkan leeyahay Ayaan haba yaraatee dadka qaar yeelanin halka dadka qayb ka mid ahina ay la iman karaan astaamaha oo idil. Tan ayaa loo aaneeyaa in ay dadka qaar adkaysi u leeyihiin oo ay iska caabin karaan. Astamaaha cudurkan hadii aynu yara taxno waxa ka mid ah-:

Calool olol ama caloosha oo xanuunta

Gaajada oo kugu kordhisa calool xanuunka

Laab dillaac

Matag

Yalaalugo/ lallabo

Cuntada oo qofku ka kaco

Dibiro

Miisanka oo yaraada

Waxa aad u muhiim ah in dadkeenu fahmaan laab dilaacu inuu yahay keliya astaan ka mid cudurkan, isla markaana aanay mararka qaar keeni karin gaastari oo kale ahi. Laab dilaaca waxa keeni kara qaar ka mid ah dawooyinka, cuntooyinka qaar sida basbaaska iyo jalka saliidu ku badan tahay, uurka iyo bog dillaaca. Marar badan ayaanu laab dilaacu u baahnayn daawayn ee waxa lagu sixi karaa hab nololeedka qofka oo la hagaajiyo. Habka uu laab dilaacu ku imanayo ayaa ah in aysiidha caloosheenu kor u soo baxdo oo ay soo gaadho hunguriga, halkaas oo aan xikmada Rabi darteed u adkaysan karin walaxda ay caloosheenu hoyga u tahay. Wax kasta oo kor u qaada ama badiya aysiidha amaba se caloosha soo cadaadiya ayaa iyaguna keeni kara arrintan. Caloosha oo aad loo buuxiyo (dheregga) ayaa iyadu ah mid carin karta soo saarida aysiidh badan si loo dheef shiido dhuunigaas.

Cudurkan ayaa lagu ogaan karaa qaabab kala duwan oo mararka qaar mid qudha ahi kugu filan yahay si loo xaqiijiyo, mararka qaarna loo baahan yihiin in la adeegsado dhawr qaab si ay isu kabaan. Dariiqyada lagu ogaado waxaa ka mid ah -:

dhiiga oo laga baadho bacteria-dan inay soo gashay jidhkeena

neefsiga oo laga baadho walxaha ay bacteria-dan soo saari karto

saxarada oo laga baadho , shaybaadhkan waxa qaldi kara dawooyinka qaar ka mid ah oo lagu la taliyo inuu joojiyo bukaanku laba todobaad ka hor baadhitaanka

in lagu dhaadhiciyo tuumbada caloosha lagu eego oo lagu arki karo dhibaato hadii ay soo gaadhay caloosha isla makraana laga soo qaado cad yar oo ku yaala caloosha si loo baadho.

Cudurkan ayaa isagu ah mid laga bogsan karo hadii loo adeegsado dawooyinka saxda ah isla markaana loo qaato sida saxda ah. Waxa lagu taliyaa keliya in laga daweeyo cudurkan dadka yeesha cabashada cudurkan ama astaamihiisa. Waxa la qaataa 3 dawo oo laba yihiin antibiotics iyo mid hoos u dhigaysa aysiidha caloosha. Daawooyinka ayaa la wadaa mudo 10-14 cisho ah oo xidhiidha. Laba ka mid ah dawooyinkan ayaa iyagu ka horreeya cuntada halka xabada kale ay ka dambayso. Iyada oo lagu salaynayo goobta uu bukaanku ku nool yahay ama inuu guul darraystay qorshe daweedka hore ayaa qasabta in la adeegsado 4 dawo oo kala duwan isla markaana kor u qaadi kara cidhib tirka cudurkan.

Cudurkan ayaa keeni kara dhibaato ka weyn tii hore hadii aan si rasmi ah loo dawayn. Waxa ka mid ah-:

nabaro soo gaadha caloosha ( ulcers)

kor u kac ku yimaada haleelida kansarka caloosha

dhiig bax

Qofka oo qaata khudaar badan iyo vitamin C ayaa la sheegaa in ay hoos u dhigi karto caabuqa bacteria-dan. Halka taa lidkeeda cuntada oo aan si wacan loo karin ama u bandhiganta biyo wasakhaysan ama ciidu ay kor u qaadi karaan halista cudurkan. Waxa aan ka madhnayn nadaafadda oo hoosaysa, uruka dadka oo bata iyo dakhliga oo hooseeyaa oo iyagana aad loo tuhunsan yahay inay ka qayb qaataan korodhka ama fiditaanka caabuqan.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email:[email protected]


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS