Laan Gaaban iyo Laan Dheer midna Loogama Baahna Dawladnimda, waxa loo Baahan yahay Aqoon dheere!!

0
Saturday 17th October 2020 10:37:15 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laan Gaaban iyo Laan Dheer midna Loogama Baahna Dawladnimda, waxa loo Baahan yahay Aqoon dheere!!

    ciyaartoodii si fiican bay u bilaabeen; ma aragteen caruurteenii oo isku caayaysa laan gaaban baad tahay iyo laan dheer baan ahay iyo nacnac aan micno lahayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ciyaartoodii si fiican bay u bilaabeen; ma aragteen caruurteenii oo isku caayaysa laan gaaban baad tahay iyo laan dheer baan ahay iyo nacnac aan micno lahayn
waa markii u horeysay ee ay soo baxdo in caruur da'doodu aad u  yar tahay is waydaarsadaan kalmado noocaas ah; waxay taasi daliil u tahay halka la rabo in la gaadhsiiyo qabyaaladda. Waa la arki jiray laba nin oo waawayn oo saqaafadda miyigu ku hadhay oo kaftan noocaas ah isku tuura, tani se waa ugub! caruur yaryar oo noocaasaa waa ii kow; intaana waddanka ayaan joogay!! la socda isbeddelada socda oo feejignaada; eega sida wax isu beddelayaan!!



Ma waxa dhaxalkiinii noqday in caruurteena la baro in uu jiro wax la yidhaa laan gaaban iyo laan dheer; fariido, halkaa ka wada hawsha; eesh calaa hogaamiyayaal; fartaa si fiican baanu u fahanay; waa kala qaybin cusub; qaybi oo xukun! waar caruurta ka daaya akhlaaq xumada !! waar caruurta bara in aqoon dheere loo baahan yahay!! afka baarkiisa ma aha; uur iyo af is leh ayaa loo baahan yahay!

Laan-dheer iyo Laan-gaaban miyaanay ahayn laba nin oo walaalo ah oo mid faro yeeshay, midna tarantiisu yaraatay; miyaanay ahayn wax dabiici ah; miyaanay ahayn wax nisbiya, oo qof kasta iyo qoys kasta oo innaga mid ahi aanu meel sare ama meel hoose aan qoyskiisa laga fara badan karin; markasta oo abtirsiimada hoos loo socdo, qoys baa yaraanaya, mid kalena wuu badanayaa; sidaa darteed waa nisbi (relative) ee ma jiro wax sugan (absolute) oo la yidhaa laan dheer ama laan gaaban ; teeda kale, kan farabatay miyaanu walaalkii ahayn; maxaa macno ah ee ku jira!

Cabdo; Walaa Laan-dheer Walaa laan-gaaban; aqoon dheere ayaa loo baahan yahay!!!
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS