[Xasaasi:-] Safiirka Shiinaha U Fadhiya Muqdisho Oo Kordhiyey Farriimaha Adag Ee Uu Warbaahinta U Mariyo Taiwan Oo Xafiis Ku Leh Somaliland.

0
Wednesday 28th October 2020 11:32:42 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xasaasi:-] Safiirka Shiinaha U Fadhiya Muqdisho Oo Kordhiyey Farriimaha Adag Ee Uu Warbaahinta U Mariyo Taiwan Oo Xafiis Ku Leh Somaliland.

    Safiirka Shiinaha U Fadhiya Muqdisho Oo Kordhiyey Farriimaha Adag Ee Uu Warbaahinta U Mariyo Taiwan Oo Xafiis Ku Leh Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Shiinaha U Fadhiya Muqdisho Oo Kordhiyey Farriimaha Adag Ee Uu Warbaahinta U Mariyo Taiwan Oo Xafiis Ku Leh Somaliland.



Muqdisho (Karin News ) – Dawladda Shiinaha ayaa sii wadda Farriimaha adag ee Hawada u marinayso Taiwan, tan iyo markii ay xidhiidhka diblumaasiyadeed la samaysatay Jamhuuriyadda Somaliland.




Safiirka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha Amb. Qin Jian ayaa saddexdii Maalmood ee u dambeeyay wuxuu Internet-ka ku baahinayey hadallo adag, kuwaasi oo lid ku ah Dawladda Taiwan, isagoo ku celceliyey in Taiwan oo hore uga go’day Shiinuhu ay weligeedba ka mid sii mid ahaan doonto.



Safiirku wuxuu sheegay inaan China weerarrin dalalka kale, laakiin aanay ogolaanayn in China la weerarro "China ma weerarri doono dalal kale, laakiin weligii ma ogolaan doono inuu dalna weerarro China. China ma dhiirigeliyo khilaafaadka, laakiin weligii kama baqdo..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Madax-bannaanida dhuleed, waxay la xidhiidhaa Sharafta dalka iyo Qaranka. Waddan walba wuxuu si adag u ilaalin doonaa Madax-banaanidiisa dhuleed, weligiina ma  lumin doono Taako dhul ah..”



Safiir Qin Jian oo si is xig-xigta qoraallo luqad adag ku qoran ugu baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa  waxa kale oo uu sheegay "China wuxuu leeyahay Taariikh iyo dhaqan 5000 kun sano ah, Taiwan waxay ahayd dhulka China 5000 kun sano ka hor, waxayna ka sii mid ahaan doontaa  dhulka China illaa dunida la rogo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey  "China wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo Wax walba Qiimo kasta ha ku kacee, Marna uma ogolaanayo Taiwan inay ka go’do dhulka China, waxaanuna si adag u difaaci doonaa dhulkayaga Qaran..”



Dagaalka siyaasadeed iyo ka Warbaahinta ee Shiinuhu ku hayo Taiwan ayaa sii xoogaystay intii ka dambaysey xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay yeesheen Taiwan iyo Somaliland, kuwaasi oo is-dhaafsaday Wakiillo u kala jooga Hargeysa iyo Tiapea.

 

Loading...
LATEST NEWS