Dib u Qorista Siyaasaddeena!

0
Wednesday 11th November 2020 10:35:48 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib u Qorista Siyaasaddeena!

    Mawqifka aad ka Taagan tahay Somaliland iyo sida aad u Cabbiri Karto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mawqifka aad ka Taagan tahay Somaliland iyo sida aad u Cabbiri Karto.


Qaybtii 2aad.

Mawqifka aad ka Taagan tahay Somaliland iyo sida aad u Cabbiri Karto.
Qofkasta oo Somaliland u dhashay waa laba mid uun; in uu ku qanacsan yahay gooni isu taagga Somaliland iyo in aanu ku qancsanayn; ciddii ku qanacsan Somaliland hawli uma taallo, mabda'ooduna wuu cad yahay! mabda' marka aynu leenahay waxaynu ujeednaa arrinkoodu wuu ka wayn yahay Siyaasad.



Laakiin, waxay hawshu u taalaa ciddii aan ku qanacsanayn Somaliland; ugu horayn, waa xor qofku, laakiin haddii aad kooxdan tahay sida aad doonto ma yeeli kartid; waxaad u baahan tahay talooyin sharci iyo mid siyaasadeed; waxad u baahan tahay in aad aqoon socoto; ma aha in aad jaahil socoto; haddii aad si taxadir leh u socon waydo waxad gali kartaa bad aanad ka bixi karin! Kooxdani fikirkooda waa u xor, waanu caddaysan karaa qofku fikirkiisa si shaksi ah, laakiin waxba ma abaabuli karo, media hana ugama olalayn karo fikirka caynkan ah.


Haddii kooxdan tiradoodu badato waxa u bannaan in ay heshiis la galaan xisbi, kaasoo u ballan qaadaya in uu afti dadwaye qaadi doono marka uu guulaysto, iyaguna codka sidaa ku siiyaan. Haddaba, inta halkaas la gaadhayo qofku kama hor iman karo qaddiyada Somaliland, cid cadaw ku ahna gacan saar lama yeelan karo, xilna uma doonan karo, mana hambalyayn karo, maxaa yeelay taasi waa danbi wayn haddii eedda caynkaas ah lagu helo.
Abdo; Dib u Qorista Siyaasaddeena!

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS