Magaalada Burco oo eedday guddoomiyaha Maxkamadda sare JSL

0
Tuesday 17th November 2020 11:45:47 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Burco oo eedday guddoomiyaha Maxkamadda sare JSL

    garsoor yaraan iyo jiitanka dacwadaha ay ku jiitamaan maxkamadaha derajada gobalka togdheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

garsoor yaraan iyo jiitanka dacwadaha ay ku jiitamaan maxkamadaha derajada gobalka togdheer taas oo ay sabab u tahay garsoorayaasha oo ku yar iyo xafiisyo yaraan ka jirta maxkamadaha gobalka .

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali ayaa waxa uu noqonayaa guddoomiyihii ugu wax qabadka yaraa guddoomiyayaashii maxkamadda sare soo maray marka loo eego gobalka Togdheer waayo?

Su'aashaas si aynu uga jawaabno waxaynu u baahanahay inaynu eegno laba arrin oo markhaatiyo cadcad u ah waxqabad yarida guddoomiyaha ee gobalkan:-

1-Mudadii guddoomiye Aadan lagama fulin gobalka Togdheer wax mashruuc garsoor ah wax dhisma ahna kumuu sookordhin maxkamadaha gobalka Togdheer , halka mudo xileedyadii guddoomiyayaashii ka horeeyey gobalka laga fuliyey dhismaha xafiisyada xeer-ilaalinta gobalka iyo dayrka maxkamadda.

2-Mudo xileedkii guddoomiye Aadan xaaji Cali waxa uu gobalka u soo magacaabay tiro garsoorayaal ah oo u dhaxaysa 8-10 garsoore halka ay gaadhayaan garsoorayaasha muda xileedkiisa ka tagay maxkamadda magaalada Burco 13-15 garsoore kuwaas oo isugu jira wax la eryey iyo wax iskood shaqada uga tagay bedelkoodiina gobalo kale loo magacaabay wixii kalena la farsamaystay.

Halkaas waxa ka muuqata inuu gobalka Togdheer wax uu ka faa'ido mudda xileedka gudoomiye Aadan xaaji Cali daaye uu ku khasaaray shaqaalihii garsoorka ee hore u joogay waayo? Aadan hortii garsoorka maxkamadaha magaalada Burco ayaa ahaa mid u dhexeeyey 30 ilaa 35 garsoore halka garsoorayaashu gaadheen tiradii ugu yarayd muda xileedkii Aadan xaaji Cali ayna gaadheen 20 garsoore oo u badan rag hawl-gab ah iyo wax xanuun ku maqan waxa shaqeeyaana ayba yaryihiin taas oo keentay habsanka iyo jiitanka dacwadaha oo laga dareemayo gobalka guud ahaan gaar ahaanna magaalada Burco taas o keentay hadal-hayn badan iyo in dadkii u wareegeen maxkamadaha bareefadka ah iyo guryaha reeraha taas oo dhaawac wayn ku ah maxkamadaha gobalka.

 

Guddoomiye Aadan xaaji Cali ayaa noqday mid ka dhigay magaalada Burco tuulo qayrkeedna ka reebay halka uu taas bedelkeeda dhisay tuulooyin galbeed ku yaala oo ayna cidna ku noolayn una qoray garsoorayaal badan oo iskaga mushar qaata.

Gobalka Togdheer ayaa wajahaya wax qabad yaraan muda xileedkii muuse Biixi iyo Aadan xaaji Cali oo ah laba nin oo isku hayb ah wax qabad la'aanta uu gobalku dareemayaana waa mid saamaysay dhammaan haayadaha dawliga ah haddii ay tahay dhinaca xukuumadda iyo haddii ay tahayba dhinaca garsoorka.

Waxa intaas dheer maxkamadaha gobalka Togdheer waxa ugu sareeya oday hawl-gab ah oo reer gabilay ah oo aan maxkamadaha wax shaqaale ah u baadidoonin ee hor yuurura, aadna moodid inay Aadan wax isku ogyihiin.

Gobalka ayaa iminka ka tashanaya ka sii mid ahaanshiyaha jsl kadib markii laga eexday tuulooyinka galbeedkana la dhaafiyey.

 

w/Q:- Garyaqaan Fiiraan Faarax Wacays

Email:[email protected]

16/11/2020

Burco- Somaliland



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS