Reer Xamarku si joogto ah wax ay u gu tasbiixsadaan hadalka ah "Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho"

0
Tuesday 17th November 2020 11:47:18 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Xamarku si joogto ah wax ay u gu tasbiixsadaan hadalka ah "Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho"

    Waa run oo Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, laakiin in ay caasimad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa run oo Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, laakiin in ay caasimad  tahay waxba ka ma khuseeyaan nolosha iyo danaha dadka ee maalinlaha ah, sheegisteeduna ma laha wax nuxur afeed ah oo toos ah (yaa loo sheegayaa in ay caasimaddii tahay?) Bulshadaa kolkii muddo dheer dawlad la'aan iyo mooryaani diloodeen ayay caado ka dhigteen in ay magaca "caasimad" nafta u gu baroordiiqaan.


Tabtaa tu u eg, reer Hargeysa wax ay ku wardiyaan hadalka ah "Caasimadda Jamhuuriyadda Soomaalilaand ee Hargeysa", mana ka la reebi karaan magaca magaalada iyo in ay caasimad u tahay jamhuuriyad. Nafta dhibban ee dawlad la'aanta iyo riyada aqoonsigu xanuunjiyeen ayaa odhaahdaa dhadhan iyo dheef ku qabta. Dhanka kalena waa tartan nafsi ah oo caasimadnimada Xamar loo gu duurxulayo.

Maamul goboleedyada oo dhan, siiba Buntlaand, xaalad nafsiyadeed oo labadaa hore la jaad ah bay qabaan. Tusaale ahaan waa ay ku adag tahay in ay afka soo mariyaan magaca "Garoowe" iyaga oo aan ku ladhin "Caasimadda Dawladda Buntlaand". Erayada caasimad iyo dawlad ayay naftu dheefsataa


Waxyaalaha kale ee maatada soomaalida ee nafta iyo nolosha ka dhaawacantay dhaymaha ka dhigato waxaa ka mid ah "madaxweynaha". Reer Hargeysa waa in ay raadiyowga maalintiiba kun jeer ku soo celceliyaan "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaand", maamul goboleedyaduna waa la mid
Alla maxaan soomaaliyey idin bartay!




FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS