Innaga iyo dagaalka Itoobbiya

0
Tuesday 17th November 2020 12:00:39 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Innaga iyo dagaalka Itoobbiya

    Kolka ay tahay halka la iska taagayo waxa maanta Itoobbiya ka socda, Soomaalidu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kolka ay tahay halka la iska taagayo waxa maanta Itoobbiya ka socda, Soomaalidu  waa laba qaybood oo ka la ah inta reer Itoobbiya iyo inta kale. Labada qolo qoomiyad ahaan wax ay ahayd in ay isku dan iyo isku mowqif ka noqdaan arrinta, waayo sida ay wax u dhacaanba isku si bay u saamaynaysaa mustaqbalka oo ku taxan taariikhda qoomiyadaha Geeska Afrika.



Waxba la ga ma odhan karo dawladnimada saaqidday ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed guud ahaanteed taas oo mowqif ay qaadato iska daa ee qaddarka magan u ah. Waa sida aan waxba loo ga odhan karin Jabbuuti oo noqotay family business. Cidda arrinkeeda wax la ga dhihi karo, ee ay tahay in wax badan la ga dhahaa, waa Soomaalida Galbeed. Qoladaa wax aynnu lee nahay, guushu sideedaba gaar ahaan siyaasaddu waa fursado. Isbeddelka Itoobbiya ka socda ee ka soo bilowday kacdoonkii Oromada iyo Amxaarada, ee soo maray dhicistii gumaysiga Tigreega, maantana jooga dagaalka weyn ee dhulka Tigreega ka socda, waa fursado is dabo yaalla oo aynnaan innagu midnaba wax ku lahayn, iyada oo ay ahayd intaba in aynnu kaalin weyn ku yeelanno. Maanta waxa dhacayaa wax yar ma aha, waayo waxaa ka dhalan kara natiijooyin masiiri ah. Taas ayay tahay in aynnu si caqli ah u oddorosno dabadeed go'aanka habboon ka qaadanno. Maxay se noqon karaan natiijooyinka kacdoonka Itoobbiya ee ay tahay in aynnu go'aan ka qaadannaa?


1. In dawladda dhexe si buuxda dagaalka u gu adkaato, gobolka Tigraayna xoog la gu xasiliyo, iyada oo ay sii jiri karto fallaago buuraha gasha oo aan waaqica wax weyn ka doorin karin. Haddii ay dawladda dhexe dagaalka dhakhso u gu adkaato wax ay quusgoyn u noqon doontaa cid wal oo kale oo qalalaase wadda, siiba Oromada iyo Amxaarada. Guushani sida u gu weyn ee ay ku iman kartaa waa safka xulka reer Itoobbiya ee Addis Ababa fadhiya, ee haya siyaasadda, dhaqaalaha iyo aqoonta, ee qoomiyad walba leh, oo midnimada dhexdooda adkeeya. Xulka reer Addis oo ilaa imika midaysani haddii uu ka la daato wajiyo kale ayay arrintu yeelan kartaa.

2. In Tigreegu si adag isu caabbiyaan oo la mari waayo, weliba helaan taageero shisheeye, taasina ay keento haybadda dawladda dhexe oo shiiqda iyo burbur ciidan, dhaqaale iyo amni oo ku yimaadda. Tani wax ay keeni kartaa ka la furfuranka xulka aynnu sheegnay ee reer Addis, wax ayna dhiirrigalinaysaa qoomiyadnimada dabadeed damacyada goonigoosadka. Dadkii dawladda dhexe wax ka ahaa haddii ay ka la furfurmaan qof waliba wax uu hungurayn doonaa in uu wax ka noqdo dawlad qoomiyadeed. Xaaladdan Soomaalidu wax ay ka mid noqonaysaa qolooyinka u gu nasiib xun. Haddii sidaa loo ka la daato qolo uun baa ku hadhaysa magacii "dawladda dhexe ee Itoobbiya", mar walbana qoloda ku hadha ayaa Soomaalida xukumaysa. Magaca Itoobbiya weli waxaa sii adeegsan doona hadhaadigii burburka oo kolley Amxaaradu u gu tugtug roon tahay. Oromadu is la daqiiqadda ay dawladnimo gooni ah hesho si daran bay dhulka Soomaalida u gu soo fidaysaa, la mana oga ilaa halka ay hawaysan doonto. Labada jeerba sidaa wax ay u noqonaysaa in aanay Soomaalidu lahayn awood difaac oo u dhiganta ta saddexda qolo ee kale, kana faro madhan tahay awoodda dawladda dhexe, is la markaa midnimo iyo maamul is haysta aanay lahayn.

3. In quwado badan oo dagaalka ka faa'iidaysanayaa Itoobbiya soo faragaliyaan, dabadeed dagaalku noqdo cid walayba cidda kale. Halkaa waxaa ka dhalan kara masiibooyin bani aadamnimo oo waaweyn oo gumaad, barakac iyo macaluul ah. Heerkan in Itoobbiya u gudubto waa ay adag tahay in dawladaha waaweyni aqbalaan laakiin mustaxiil ma aha.

Saddexdaa siinaariyo ta ay u dhici doontaba Soomaalida imika ayaa loo ga baahan yahay in ay ka tabaabulshaysato oo taladeeda sii meelayso. Taladaasi laba ma aha ee waa mid, waana ta uu qaatay maamulka Soomaalidu ilaa imika, ee ah in dagaalka la ga qaybgalo, la guna mintido badbaadinta midnimada Itoobbiya. Haddii sidaa la yeelo, xaaladda kowaad iyo xaaladda labaad tii ay u dhacdaba Soomaalidu kaalin wanaagsan bay yeelanaysaa.

Qofka sidayda ku taamaya in maalin uun Itoobiya la ga go'o oo Soomaalidu qoomiyad ahaan isu raacdaa, ha ogaado taasi maanta ma aha. Maanta Soomaalida Galbeed danta nolosheedu wax ay ku jirtaa Itoobbiya nabad ah oo mid ah.




FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS