Dhacdadii ugu saamaynta badnayd ma odhankaraa?

0
Tuesday 17th November 2020 14:10:01 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdadii ugu saamaynta badnayd ma odhankaraa?

    Laacibkani waa Xasan Saas. Waxa igu maqaalo ah in uu reer Hargaysa yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibkani waa Xasan Saas. Waxa igu maqaalo ah in uu reer Hargaysa yahay. Xulka gobalka Maroodijeex waa laga reebbay iyada oo la quudhsaday. Waxaa lugu yidhi: waayo aragnimo malihid oo wiil yar baad tahay. Iasaguna ismuu dhiibin ee xulka gobalka daad madheedh ayuu raacay ama usoo ciyaaray. Kooxdii isaga quudhsatay ayuu koobka ugu yimi ama ciyaarta kama danbaysta. Wuxuu ka ciyaarayay dhex. Wuxuu muujiyay ciyaar cajiib ah oo wuxuu ahaa ninka dhexda wuxuu doono ku sameeyay runtii. Maalintii koobka wuxuu ahaa kubbadda maamulihii ugu muuqashada badanaa garoonka. Waliba intiina ciyaarta daawatay haafkii danbe ee ciyaarta dhagahooda waxa hatstay Xasan Saas. Goolkii Maroodijeex lagaga baddiyay ee guusha isagaa soo dhigay ama kubbaddaa lugtiisa ka dhiibay.



Xasan Saas gobalkiisa oo ciyaaraha quudhsi uga reebay iyaga oo u sheegay in aannu waayo arag ahayn baa waxaa garoonka kasameeyay. Wuxuu moojiyay in uu Maroodijeex kooxdiisa oo dhan ka waayo aragsanyahay. Xasan waakan markii ciyaartu dhammaatay isaga oo hoosta ka xidhnaa garankan Waayo Arag uu kusoo qortay. Xasan Saas anigu aqoon uma lihi laakiin waa dhacadadii ugu saamaynta badnayd intii koobku socoday baan u aqoonsaday. Dhammaanteen cashar dhiirrigalin ayay innoo tahay. Koobka Somaliland ee kan xiga Xasan Saas Kabtanka Maroodijeex buu u qalmaa in loo dhiibo, waayo aragnimo darteed.


Haddaba qoraalkan faafiyo si aynu Xasan Saas u bogaadino.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS